W.Q. Ibraahim M. Deeq Ma daalihii ma hadhooyinka reebay ee mooro-gelinta iyo meel marinta sooyaalka iyo murtida Soomaalida meel walba u maray. Mudanihii ururinta iyo raad-raacooda sidii uu uga midho dhalin lahaa marxalad kasta oo qalafsan u jiidhay oo maanta aynu milicsan karo midhaha macaan iyo madhaxa weyn ee uu inooga tegey ee ina mihiibsiiyey. Muftigii taariikhda iyo maansada Soomaalida u miciinay ee martabadda sare dadkiisa ka mudnaa, Aw Jaamac Cumar Ciise saacaddiiba malaayiin goor mawle ha u naxariistee, wax ka qoristiisa waxaa geya oo gorfayntiisa qaadaa dhigi kara oo igaga habboon dadyoowgii Aw Jaamac aqoonta dheer u lahaa ee iga yaqaaney iyo qalinleyda aqoonta kala duwan ku xididaystay ee qoraal geerida Aw Jaamac u qalma qariri kara. Marse haddii uu Aw Jaamac allaystay, gocoshada xusuusta murugaysan ee ay tiiraanyadu hadhaysay ee Aw Jaamacii galbaday, waxaan guud ahaan la wadaagaa ummadda Soomaaliyeed, waxaase gaar ii ah oo ladh xanuun badan igu soo k...
Comments
Post a Comment