Skip to main content

XASUUS QORKII GEES GEERIDII CIGAAL KA DIB

Xasuus Qorkii Gees
Geeridii Cigaal Ka Dib

Qalinkii . Maxamed Siciid Gees

Samayntii Distoorka.

Haddii aan halkaas kaga yara joogsano nabadayntii beelaha Soomaaliland aan wax yar ka iraahdo Dimuqraadiyentii inagoo ka bilaabayna samayntii Distoorka.

Shirweynihii qaran ee Hargeysa lagu qabtay 1996waxaa barber socday Gudi ka kooban 15qof oo Shirgudoonkii shirkuu doorteen inay isku began laba distoor oo mid uu sameeyey Khabiir Soodaani ah oo markii hore loo keenay inuu la taliyo guddigii baarlamaanka ee loo magacaabay oo loo xilsaaray in ay sameeyaan distoor sidi uu Axdi qarameedkii Boorame dhigaayey. Waxaa dhacday in ay is qabteen Khabiirkii oo Madaxweyne Cigaal ku xidhnaa lagana urinayey iyo gudigiiBaarlamaanka. Sidaas darteed waxay arrintii keentay in laba distoor la soo saaro mid Khabiirkii sameeyey iyo mid Gudigii Baarlamaanku sameeyeen .

Gudigaas ka koobnaa 15 qof waxay ahaayeen

  1. SH.Cabdiilaahi sh. Cali Jawhar Guddoomiye
  2. Maxamed Axmed Cabdulle Guddoomiye-ku-xigeen
  3. C/qaadir X. Ismaaciil Jirda xoghaye
  4. SH. Maxamuud Suufi Muxumed xubin
  5. Maxamed Siciid Maxamed {Gees} xubin
  6. SH.Cali sh. Cabdi Guuleed xubin
  7. Faysal Xaaji Jaamac {Qareen} xubin
  8. Cismaan Xusseen Khayre {Garsoore} xubin
  9. Prof. Faarax Cabdilaahi Fariid xubin
  10. Prof. Maxamuud Nuur Caalin xubin
  11. Xasan Cabdi Xabad xubin
  12. Axmed Macalin Jaamac xubin
  13. Yuusuf Aadan Xiseen xubin
  14. Cismaan Cali Bille xubin
  15. Maxamed Jaamac Faarax xubin

Gudigaas waxay hawshoodu ahayd in ay labada distoor mid iskaga dhigaan si loo helo xal dhaxdhexaad ah. Gudigaasi mar waxuu ka koobnaa oo loogu tala galay in uu wada matalo inta badan beelaha Soomaaliland, dhinaca kalena wuxuu ka koobnaa dad gorsoorka yaqaanna, dad Diinta islaamka aqoon u leh, dad si fiican uyaqaana luqadaha sida (English, Carabiga), dad yaqaana Suugaanta, dad maamulka dawliga ah ku soo jiray mudo badan iyo siyaasiyiin hore.

Markii aan hawshii bilownay waxaa lanoo keenay nuqul ku qoran af Soomaali oo ahaa distoorkii ay sameeyeen gudigii Baarlamanku iyo saddex nuquloo ku qoran Af soomaali, English, iyo Carabi oo ahaa distoorkii uu sameeyey Khabiirkii Soodaaniga ahaa. Anagoo hawshii ku dhex jirna ayaa waxaa noo yimi Shirgudoonkii shirka ee na magacaabay si lama filaan ah ayey noo fareen in aan Axdi qarameed samayno kii hore ee Boorame ka balaadhan sidaa ayaannu ku samaynay Axdi qarameed cusub muddo koobanku dhamaynay. Mar labaad ayey nagu soo noqdeen Shirgudoonkii shirku oo ay na yiraahdeen distoor sameeya oo labadii distoor oo hore ka soo dhex saara distoor cusub.

Gudigayagii waannu fekernay oo tashanay intaan albaabkii hoosta ka xidhanay markii aan aragnay kala hadalka Shirgudoonka, waxaannu isku raacnay in aan wadanka lagu maamuli Karin Axdi qarameed cimrigiisu 2sano yahayee ay lagama maarmaan tahay in uu wadanku distoor yeesho, waqti ay maanta kaga haboon tahay samayskiisa aannu jirinlana heli doonin.sidaas darteed hawshayadii ayaannu ku dhaqaaqnay waxaa hadaba noo muuqday in labada distoor iyo Axdi qarameedkuba ay xagga qaab dhismeedka dawladeed isku waaafaqsan yihiin iyagoo dhigayey habka Madaxweyne , madaxweyne ku xigeen iyo gole fulimeed oo hoos yimaadda iyo laba gole oo sharci dejin Guurti iyo Wakiillo iyo Garsoorka oo madax banaan sidaas darteed wax khilaaf ah oo badani ma jirin. Waxaase nala kulantay arrin kale oo aanan filayn taas oo ahayd in xubno ka tirsan beelaha aan Isaaq ahayn ee gudiga ka mid ahaa qaarkood ayaa la yimi dood ah in distoorka lagu qeexo in beelaha Soomaaliland ay qaydhiinka ku qaybsadaan xilxlka dawlada oo la yiraahdo tusaale ahaan beel hebel ayaa leh Madaxweynaha , beel kalena ku xigeenka ilaa wasiirada ,taliyaasha ciidamada ilaa madaxda hay’adaha sidaa loo cadeeyo.

Anigu mar walba waxaan qanbay inkastoo aanan ka tirsanayn beesha Isaq in aan waxba lakala cayimin ee wax walba loo sinaado oo qof walbaa nasiibkiisa qaatooo aan waxba laka qaybsan arrintaas oo iska kayo horkeentay xubnihii dooda watay iyo Aniga. Waxaa loo batay oo la qaatay figradii ahayd in wax walba loo sinaado oo aanan waxba la qaybsan.

Arrintaas Aniga iyo Daahir Rayaale waan ka faa’iidaysanay oo haddii figradaa hore la qaato Daahir maanta madaxweyne ma noqdeen Aniguna laba xil oo waaweyn oo aan soo qabtayoo ahaa Wasaarradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibada ma qabteen oo beeshaydu iskuma hesheen.

Hase yeeshe marka aad hadda aragtid dawladdan cusub sida wax loo qaybiyey iyo tiro yaraanta iyo tayo la’aanta wasaarradaha la siiyey beelaha Hartiga iyo sida aanay waxba ugaga jirin madaxda sare dawladda waxaa ii muuqatay waxay ka cararayeen qoladii lahayd aan qaydhiinka ku qaybsano oo distoorka halagu qaybsado, mararka qaarkood waxaan is iraahdaa iyagaa kaa saxsanaa.

Marka aan arrintaas ka baxo waxaa noogu adkaa qaybta ka hadlaysa Garsoorka gaar ahaan Maxkamada Sare iyo Gudiga Cadaalada. Markii aan qaybtaa qoraynay waxaa gudoomiye ka ahaa maxkamada sare nin aad u yaqaana sharciyada kana soo baxay jaamacadaha dalka England. Magaciisuna ahaa Xaashi Sheekh Muuse Cabdi, ninkaasi wuxuu warqad u soo qoray gudigayagii loo xil saaray Distoorka wuxuuna nagu la taliyey inaan maxkamada sare ka dhigin hay’ad maamusha maxkamadaha kale ee ay ku koob naato eegista racfaanka loo soo qaato iyo fasiraada distoorka marka loo baahdo.wuxuu ka digay hadii gudoomiyaha maxkamad sare uu noqdo gudoomiyaha gudiga cadaalada oo distoorku sidaa qeexo waxay shaqadii maxkamada sare noqonaysaa badelid, xilka qaadis, dalacsiin, iyo casilaada garsoorayaasha maxkamadaha hoose. Sidaa darteed waxay ka baxaysaa shaqadeedii waynayd waayo shaqada gudiga cadaaladu waa shaqo maamul ee maaha mid garsoor. Waxaa laga rabaa gudiga cadaaladu inuu ururiyo, dabagalo, xog ka helo garsoore kasta in uu laaluush qaato, in aanu shaqada iman, inuu eex yaqaan,iyo inuu caadil yahay. Sidaana garsoore walba loogu abaal mariyo shaqadiisa.

Nasiib daro taladaas lama qaadan oo garsoore Cimaan Shunuu oo kamid ahaa gudigayaga iyo xubno kale oo ku raacay ayaa taladaa diiday kadibna waxaa laqaatay in gudoomiyaha maxkamada sare noqdo gudoomiyaha gudiga cadaalada. Sidaas ayuu gudoomyaha maxkamada sare ku noqday inuu qabto sadex xil oo kale ah:
  • Gudoomiyaha maxkamada sare
  • Gudoomiyaha gudiga cadaalada
  • Gudoomiyaha maxkamada dastuuriga ah
Arintaasi waxay keentay iska hor imaad dhexmaray Golaha wakiilada iyo Dawlada gaar ahaan madax waynihii marxuum Cigaal. Markii la arkay gudoomiyihii maxkamada sare oo sidii hore looga digay wakhtigiisii ku qaatay kale badalka garsooreyaasha kale uu hadba gobol tagaya oo noqday nin maamula maxkamadaha hoose. Sidaa awgeed wuxuu madax wayne cigaal ku qanciyey Cismaan shunuu oo ahaa gudoomiyihii waqtigaas ee maxkamada sare inuu iskaga dago xilkii gudoomiyaha gudiga cadaalada. Waxaanu ku magacaabay wasiirkii cadaalada inuu noqdo gudoomiyihii gudiga cadaalada halkaas waxaa ka bilaabmay buuq wayn oo ka dhex dilaacay xukuumadii iyo golihii wakiilada. Waxaa dhacday in cismaan shunuu ay colaad u qaadeen golihii wakiiladu ayna diideen inay an sixiyaan iyagoo ku eedaynayey iyadoon qodob dastuuriya aan labadalin sided u aqbashay soo jeedinta madax waynaha oo aad uga dagtay xilkii, isagii larabay inuu ilaaliyo ayaa jabiyey dastuurkii kuna xad gudbay.madaxa wayne cigaalna waxay ku qaadeen olole ah inuu jabiyey dastuurkii.

Waxaa xusuus mudan in shir gudoonkii golaha Guurtidu ay arinta soo dhexgaleen oo labadii dhinacba lahadleen oo ahaa golihii wakiilada iyo xukuumadii gaar ahaa madax waynihii, taas oo ay labadii garaba ay aqbaleen dhexdhexaadintii dabadeedna shir lagu qabtay madax tooyada oo ay sadexdii goleba xubno uga qayb gala u soo dirsadeen .markii shirkii furmay oo uu fadhiyo madax wayne cigaal, labadii shirgudoon, wasiiro, iyo xildhibaanadii. Waxaa dhacday in doodii adkaato oo la is mariwaayey, waxaa meesha dhexdeedii isku dhacay gudoomiye Qaybe iyo wasiirkii maaliyada Axmed siilaanyo oo hadalkii ka xumaaday, arintiina cirka isku shareertay, qoladii guurtida ee wax dhexdhexaadinaysay waxay ku hadlaan ayey waayeen.

Markii xaalku halkaa maraayey Anigoo kamid ahaa xubnihii wasiirada ee shirkaa ka qayb galayey ayaa ku dhiiraday wuxuu xalku ahaa waxaan ka soo sheekeeyey markii dastuurka la qorayey qodobkan hada muranka keenay iyo dhaliilihii laga digayey oo soo baxay. Markaasaan idhi hadii aan nahay xukuumada waan kanoqonay gefkayagii ahaa magacaabidii wasiirka cadaalada inuu noqdo gudoomiyaha gudiga cadaalada, goluhuna gacan naga siiyo sidii wax looga bedeli lahaa dastuurka. Arintaasi waxay ahayd arin dhiiranaan ah oo madax waynihii oo fadhiya aan xilkiisii sheegtay, cigaal inta uu yaabay oo isoo eegay ayuu yidhi wax gef ah oo aan samaynay majirto haseyeeshee sida uu gees sheegay ayaanu ku raacsanahay dadkii shirka joogay oo dhan ayey neefi ka soo booday meeshiina waxaa ka dhacay is afgarad. Arintaas iyo arimo kale oo badani waxay ka marag kacaysaa in uu ahaa madax wayne cigaal nin talada qaata oo sidii ay mucaaridku sheegi jireen aanu ahayn nin keligii taliye ah.

U malayn mayo in madax wayne kale oo Soomaaliyeed yeeli lahaa in wasiirkiisii oo aan latashan uu go’aamiyo arin isagoo fadhiya. Way dhacday waana ogolaaday oo ku qancay Cigaal.

Waxaa ka mid ahaa qodobadii kale ee anugu adkaaday oo muran badani ka dhacay markii aan dastuurka samaynaynay gudigayagii loo xilsaaray Xilka qaadida gudoomiyaha maxkamadda sare, xubno gudiga ka mid ah ayaa waxay ku doodayeen dastuurka Maraykanka oo aynu wax badan iskaga mid nahay wuxuu qorayaa in gudoomiyaha maxkamadda sare iyo xubnaha garsoorayaasha maxkamadda sare in haddi la magacaabo oo golayaasha sharci dejintu ansixiyaan aan laga qaadi Karin ilaa ay ku geeriyoodaan ama ay iskood iyagu u hawl gabaan. Xubnaha kale waxay ku doodayeen weli uma bislin nidaamkaa oo waxaynu abuuraynaa xukaam keligood taliyayaalah oo aan cidna eryi karinhaddii ay xumaadaan, sidaa darteed waxaa la doonay xal labadda u dhaxeeya waa la waayey. Markii danbe waxaa laysku raacay in Madaxweynuhu magacaabi karo xilkana ka qaadi karo isagoo la tashanaya shirgudoonadda labada gole ee kale.arrintaasi waxay laciifisay awoodi Garsoorka mar

haddi uu madaxweynuhu eryi karo. Taasina waa arrin qabyo ah oo weli ku jira dastuurka oo ah gef muuqda oo lagu gefay madaxbanaanidii hay’adda garsoorka waanna arrin fudud oo la sixi karo.

Arrinta kale oo iyana gefka ku ah dastuurka oo wakhtigaa muranka keentay waxa weeya qodobka xafiiska Xeerilaaliya guud, waxaana waaga aad uga dooday oo soo ahaan jiray xeerilaaye Garsoore Cismaan Shunuu hase yeehse waa laga batay oo taladiisi lama qaadan iyo waayo aragnimadiisi waxaannu ku doodayey in xafiiska xeerilaayiha aan lagu darin qaybta garsoorka ee uu yahay xafiis maamul oo ka tirsan qaybta xukuumadda tasna waa laga diiday laakiin marka sharciyadda aduunka la eego wuu ku saxsanaa.

Waxaa kale oo dhacday intii aan guddigayagu ku jirnay hawshaas markii la gaadhay qodobka ah shuruudaha looga baahan yahay qofka Madaxweyne noqonayamuran ka dhacay ka dibna ay shirgudoonkii shirku ay noo keeneen isagii oo qoran oo aanu sidii ugu darnay oo ilaa maanta uu sidii ugu jiro.

Waxaa dastuurkii aanu horgeynay shirweynaha si loo ansixiyo ku jiray qodob ahaa haddii ay dhacdo in dalkan Soomaaliland uu ku biro ama la midoobo waddan kale loo baahan yahay in labda gole Guurtiga iyo Wakiilada oo isu tegay ay ku ansixiyaan aqlabiyad ah 2/3 saddex meelood marka loo qaybiyo in laba meelood isku raacaan ka dibna afti dad weyne la qabto, qodobkaas oo aannu ka soo qaadanay dastuurkii ay sameeyen Baarlamaanku, waxaa dhacday markii loo akhriyey ayey ergooyinkii shirku mar keliya isla kaceen oo yiraahdeen deg-deg halooga saaro , anagayagii gudiga ahaynna lana canbaareeyey oola yidhi waxaad dooraysaan Soomaali weyn. Sidaas ayaannu kaga sarnay qodobkii dastuurka.

Dastuurkii waannu dhamaynay waxanu u geynay Shirgudoonkii shirka isna waxaa uu hor dhigay shirwaynihii oo halkaas ku ansaxiyey in si ku meel gaar ah loogu dhaqmo mudo saddex sanno ah ka dibna loo qaado afti dadweyne.

Xeererkii doorashooyinka

Bishii kowaad ee 1999 anigoo markaas ahaa Wasiirka Qorshaynta ayaa Madaxweyne Cigaal ayaa shirkii golaha wasiiradda soo hor dhigay baraamij lagu dejinayo Shuruucdi doorashooyinka oo loo gudbinayo golayaasha sharci dejinta. Baraamijkaa oo sheegayey in maalin walba golaha wasiiradu isugu imanayaan hoolka shirarka markay saacaddo ka soo shaqeeyaan wasaaradaha. Waxaa Wasiiradii loo qaybiyey saddex guddi.

  • Guddi loo xilsaaray wax ka bedelka dastuurka
  • Guddi loo xilsaaray in ay soo habeeyaan xeerarka doorashooyinka
  • Guddi loo xilsaaray in ay soo habeeyaan xeerka Asxaabta
Sidaas ayey hawshii ku bilaabantay maalin maalmaha ka mid ahayd ayuu noo sheegay Cigaal in uu idaacad ka dhageystay xeer ay waddanka Naajeeriya ay soo saareen oo ku saabsan doorashooyinka iyagoo wakhtigaa ka baxayey nidaamka askarta oo mudo soo xukumayey doonayeyna nidaamka dimuqraadiga xeerkaas oo ah in marka hore la samaysto ururo siyaasadeed oo aan xadidnayn ka dibna ay ka qayb galaan doorashooyinka Dawlladaha Hoose, ka dibna sadexda urur ee ugu horeeya doorashada dawladaha hoose ay noqdaan saddex xisbi qaran.

Markaas ayuu yidhi tolow xeerkaas oo dhan xaggee ka helnaa wakhtigaa Soomaaliland ma lahayn qalabka Internet. Waxaan la xidhiidhay ninSoomaaliyeed oo u shaqeeya UNDP oo la yiraahdo Maxamed Cabdiraxmaan Xuseen isagoo Nayroobi tegaya oo aan ku dhahay markaad tagto Nayroobi internatka nooga soo saar xeer doorashooyinka dalka Nayjeeriya iyo dalal kale oo Afrikaan ah. Ninkii wuxuu ii keenay xeerkii Nayjeeriya aan doonaynay iyo xeerarka dalalka Ugandha iyo Keenya aniguna waxan u geeyey Madaxweyne Cigaal isna aad iyo aad ayuu ugu farxay oo wuxuu u gudbiyey gudigii ku shaqada lahaa

Markii gudiyadaasi soo dhameeyeen hawshii loo diray aye golihii wasiirada dib ugu soo celiyeen. Sidaas awgeed ayuu golihii maalin walba shir ka geli jireen arrintaas iayadoo qodob-qodob looga doodi jiray mudo yar ayey hawshaasi ku dhamaatay dabadeedna waxaa loo gudbiyey golaha wakiilada bishii labaad ee 1999

Ayaan darro golahii wakiiladdu hawshii way ku daahday dastuurkii oo ugu horeeyey waxay dhameeyeen aakhirki sanadkii 2000. Waann tii aftida dad weynaha lagu ansixiyey 31 may 2001oo ay 97% u codeeyeen kaas oo noqday furihii u horeeyey ee dimuqraadiyada Soomaaliland iyo tartanka asxaabta badan .

Waxxa iyana nasiib daro ahayd in nuqulkii dastuurka ee loo gudbiyey golaha wakiilada uu ka koobnaa 99 qodob iyadoo lag asoo yareeyey kii hore oo ahaa 156 qodob. Nuqulka ay ansixiyeena uu noqday 130 qodob. Qodobo badan oo ay xukuumadu soo jeedisay in wax laga bedelo sidoodii ayey ugu soo celiyeen gaar ahaan qodobkii gudiga cadaalada sidaas ayuu ku hirgalay dastuurkii.

Xeerka asxaabta waxay ansixiyeen isla sanadkii 2001 wax dhibaato ahi kama dhicin Waxaa adkaaday xeererkii doorashooyinka oo ka koobnaa saddex xeer.
  • Xeerka doorashada golayaasha deeegaanka
  • Xeerka doorashada madaxweynaha iyi ku xigeenkiisa
  • Xeerka doorasha golayaasha Guurtiga iyo Wakiilada
Xeerkaas golaha wakiiladdu waa isku qabteen xildhibaanada beelaha qaarkood ayaa ka baxay ilaa ay dhacday in kooramkii goluhu buuxsami waayo. Maalin maalmaha ka mida ayaan nasiib wanaag la kulmay Cabdilqaadir X. Jirde oo ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wuxuu iiga waramay xaalada golaha iyo sida xeerkii laysugu afgaran la’yahay iyo waqtigii oo gabo gabo ah. Waxaanu usoo jeediyey talo uu qaatay kuna guulaystay oon ku idhi kala qaad xeerarka oo xeerka doorashada golayaasha dib u dhig. Waxaad soo hormarisaa qaybta golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada. Sidaa ayuu yeelay oo golihii ku ansixiyeen xeerarkii doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada oo is wata. Sidaas ayey ku hirgaleen labada doorasho oo ay u qabsoomeen inkastoo kii sadexaad weli laalanyahay.

Waxaa xusid mudan in markii xeerarkaas goluhu ansixinayey madaxwayne Cigaal uu booqasho ku joogey Gobolka Sanaag, markii uu ku soo noqday caasimada wuxuu isla markiiba telefoon kula hadlay Cabdiqaadir Jirde oo uu ka waraystay halkay marayaan xeerarkii horyaalay golaha wakiilada, wuxuu u sheegay inay ansixiyeen xeerarkii dorashada golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada. Wuxuu Cigaal u sheegay inuu diyaar u ahaa inuu sii kala daayo golaha wakiilada lakiin hadase aad iga baxsateen. Waxaa kale oo xusid mudan barnaamij uu marxuumkii damacsanaa oo uu lageeriyooday iyadoo aan cidna ogayn Alle ha u naxariistee.

Waxaa dhacday sadex maalmood ka hor geeridiisii inuu siiyey BBCda waraysi anagoo joogna qolkii uu ku jiray ee cusbitaalka magaalada Biritooriya uuna la soo xidhiidhay Yuusuf Garaad. Waraysigaa ka hor wuxuu la soo xidhiidhay Yuusuf Garaad wasiirkii warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo uu waydiiyey war ahaa waxaa geeriyooday madaxwaynihii. Cabdilaahi intuu ladagaalamay ayuu telefoonkii ku dhigay.

Aniga ayuu ila soo hadlay Yuusuf aroortii oo markaa ahaa wasiirka arimaha dibada oo isla su’aashii iwaydiiyey, waxaa u sheegay inaanu warkaasi waxba ka jirin oon waliba u balaminayo madaxwaynaha si uu ula soo hadlo waxaan siiyey lambarkii mobilka madaxwaynuhu haystay waxaana la balamay todobada fiidnimo inuu nalasoo hadlo. Wuxuu nala soo hadlay anagoo lafadhina qolkii madaxwaynaha Cigaal kana kooban.

  1. Marwadii Madaxwaynaha Kaltuun X. Daahir Cigaal
  2. Wasiirkii Arimaha Dibada, Maxamed Siciid Gees
  3. Wasiirkii warfaafinta, Cabdilaahi Maxamed Ducaale
  4. Gudoomiyaha Baanka, Cabdiraxmaan Ducaale
  5. Dr, Cali Qaadi
  6. wakiilka Soomaaliland ee S/Africa Iqbaal
markii waraysigii dhamaaday ayaa Yuusuf garaad waydiiyey madaxwaynihii maxaan dadkii iyo dalkii kaa gaadhsiiyaa Cigaal waxa uu faray fariin ay ku jirtay inuu yidhi waxaan maqlayey inla yidhi waxbaa la kordhinyey majirto wax la kordhin karaa. Waxaa jirtay in telefoon naloogu soo sheegay intaan soo maqnayn in golihii guurtigu u kordhiyey golaha wakiilada mudo halsano ah iyadoo waqtigoodu ku ekaa may 2002 warkaas ayuu ku maqlay S\Africa oo uu kaxanaaqay, iyadoo ay cadayd in aanu doonayn in loo kordhiyo.

markii aan ku noqday hutelkii aan deganaa aya waxa ila soo hadlay Yusuf Garaad intii aanu siidayn waraysigii madaxwaynaha waxa uu I waydiiyey in uu sii daayo fariintii madaxwaynaha isagoo abaal iiga dhigayey balantii aan usoo sameeyey. Waxaan ku dhahay ka goy anigoo ka fakerayey in aanay qurux badnayn in madaxwaynuhu amar ka bixiyo BBCuu kula hadlayo golihiisi kale oo ay ku fiican thay in marka laysu tago laga wada hadlo. Waraysigii waa la siidaayey anagu nasiib uma aanu helin in aanu dhageysano lakin waxaa lanoo sheegay in fariintii iyo hadalkale oo madaxwaynuhu kula hadlayey Cabdiqaasim lag ajaray.

Markii uu ogaaday madaxwaynihii in aan fariintii BBC laga sii dayn ayuu igu amray in aan raadiyo waraysigii la siidaayey oo aan hargeysa la hadlo, lama oga waxaa uu ka yeeli lahaa kordhinta golaha wakiiladda iyo marka uu ogaado in aan anigu waraysigaa fariinta ka reebay waxa uu yeelli lahaa.

Waxaa xukuumadda cusub iyo golaha wakiiladda horyaalla xeerkaa doorashooyinka golayaasha oo aan fari ka qodnayn. Doorashooyinka hore ee qabsoomay waxaa xeerarkooda iyo miisaaniyadii ku baxday sii habeeyey Madaxweyne Cigaal iyodawladiisioo ku tala gashay in ay sidaa u qabsoomaan.
Dhamaystirka dimuqraadiyadda sidaa ku bilaabantay waxaa laga sugayaa xukuumadda hada jirta iyo in dawlad iyo shicibba la ilaashado nidaamka uu inoo sii jeexay madaxweyniheeni geeriyooday Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

Furitaankii Axsaabta

Bishii june bilawgeedii 2001 markii ay aftida dastuurku dhamaatay ayaa shirkii golaha wasiiradda si lama filaan ah uu madaxwayne Cigaal ugu sheegay in hadda haboontahay in xukuumadu bilowdo sidii loo abuuri lahaa axsaab siyaasi ah, waxa uu markaa ku dhawaaqay ayaa u diyaar ah in uu xisbiga xukuumada galo, dabadeedna golihii gacanta ayey wada taageen iyadoo aaney cidna ka hadhin, dabadeedna wuxuu sheegay in uu xisbiga magaciisa u bixiyey “UDUB” wuuna sii fasilay magacii oo uu yidhi waa “URURKA DIMUQRAADIGA UMMADDA BAHOWDAY”

Waxaana loo baahan yahay in aynu samayno xeerarkiisii wuxuuna magacaabay guddi soo diyaarisa howshaa oo uu gudoomiya ugu magacaabay anigoo ah wasiirkii maaliyada ee waqtigaa Maxamed Siciid Gees, iyo wasiiro kale oo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Axmed Yuusuf Ducaale wasiirkii waxbarashada, Cabdi Aw daahir wasiirkii caafimaadka. Markii hore gudigu waa koobnaa markii danbe wasiiro badan ayaa jeclaystay in ay ka midnoqdaan, markaa waxaa laga dhigay gudigii sadex iyo toban xubnood (13).

Sida caadiga ah marka gudi loo xilsaaro hawl inta badan hawshu waxay qabsataa xubno gaar ah sidaa darteed hawshii waxay ku dhacday saddexdayadaas aan soo magacaabay, anaga ayaa diyaarinay distoorkii, barnaamijkii, calaamadihii, iyo tiradii golaha dhexe ee xisbiga, markii aan hawshaa soo dhamaynay waxaa dib ugu celinay Madaxwaynaha iyo gudi kale oo balaadhan halkaas oo lagu ansixiyey kadib waxaa lamagacaabay gudi kale oo kashaqaysa qabanqaabada shirka gudigaas aniga ayaa marlabaad la iiga dhigay gudoomiya shirkaa waxaa lagu qabya guriga shaqaalaha halkaas oo aanu dhignyey buug lagu qoro magaca lagana saxeexo qofka doonayo inuu kamid noqdo xisbiga, iyadoo qof kasta halkaas lagu sawirayey si loo siiyo aqoonsigisa xubin ee xisbiga. Shirkaas ayaa lagu ansixiyey dastuurkii, barnaamijkii, calaamadi, calankii, gudigii fulinta, golaha dhexe iyo gudoomiyaha, ku xigeenkiisa iyo xoghayeha xisbiga.

Sidaas ayey ku bilaabmatay oo lagu dhiiraday in ururadii kale la samaysto oo uu ugu horeeyey UCID. Dastoorka xisbiga waxaan ka soo dheeganay markii aan samaynaynay Dastoorka xisbiga ANC ee Koonfur Afrika oo aanu inter-natka kala soo baxnay, ururada kale intooda badani iyaguna waxay ka sii dheegteen UDUB.

Sidaas darteed haddii aanay dawladu bilaabin in ay samaysato xisbigeedda u malaymaayo in ay asxaabtu samaysmi lahayd oo cid kale ku dhiiran lahayd, ku dhawaaqiddi UDUB waxay ka cadhaysiisay koox mucaarad ahayd iyo Salaadiin ku shiray Burco oo ku dhawaaqay in UDUB la baa’biyo, xubnahaas mucaaradka ahi waxay markii danbe isugu biyo shubteen ururkii ASAD ee uu hogaaminayey Saleebaan Maxamuud Aadan, xubnaha ururkaasi waxay u badnaayeen kooxdii SNM ee la oran jiray Calan cas mar danbena la baxday Dib-u habaynta SNM. Waxayna ahaayeen qoladdi la gashay tartankii doorashada madaxweynaha Mudane Cigaal shirkii beelaha Soomaaliland ee Hargeysa 1997 ee uu ka guulaystay.

Hadaba waxaa xusid mudan halka ay madaxweyne Cigaal iyo xukuumaddiisu 1999 ka bilawday dhaqdhaqaaqa hanaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka asxaabta badan ee ay xeerarkeedi samaysay una gudbisay golahii wakiiladda, in ay mucaaradku ku dhaqaaqeen isla sanadkaas samaynta Salaadiin cusub iyagoo xooga saarayey beelaha Samaroon, Habrjeclo, iyo Arab iyagoo isu diyaarinayey oo kharash iyo hanti ku bixinayey sidii loo qaban lahaa shirbeeleed marka ay dhamaato mudada Madaxweynuhu, iyagoo ku ciil qabay doorashadii 1997 ee laga guulaystay ay sabab u ahayd madaxdhaqameedka oo raacsanaa madaxweyne Cigaal iyagoo taa ka duulaya ayey samaysteen Salaadiintoodi.

Halkaas waxaa ka cad in laba wado oo kala jeeda ay mareen Xukuumadda iyo Mucaaridku. Waxaa lama filaan ku noqotay markii la yidhi aftidii dastuurka la qabanayaa sida Warbaahinta iyo doodihii ay qabatay Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Soomaaliland laga arkay waxay isku dayeen in ay joojiyaan dadkana shaki ka geliyaan aftidii dastuurka, hase yeeshe markii ay dadwaynuhu u dhaqaaqeen in ay codkooda dhiibtaan waxaa khasab ku noqotay in ay dadka dhinac ka raacaan, waxaa iyana jahawareer ku sii riday ku dhawaaqidii xisbiga UDUB waxay marmarsiiyo ka dhigtaan way garan waayeen.

Markii ururo kale oo badan la sameeyey sida UCID, HORMUUD, BIRSOL, ILAYS, SHAHAN, iyoUMMAD oo diyaar u noqday in ay is diiwaan geliyaan aye ASAD diiday in ay is diiwaangeliyaan markii hore iyagoo aaminsanaa in aanay la tartami Karin madaxweyne Marxuun Cigaal iyo xisbigiisaHaseyeeshe geeridii Marxuun Cigaal ka dib ayey isdiiwaan geliyeen isla markaas ayaa la aasaasay xisbiga weyn ee mucaaradka Kulmiye. Sidaas ayey doorashooyinkii ku bilaabmeen iyadoo u horaysay tii golayaasha deegaanka oo ay ka qayb galeen lix (6) urur oo ay ka soo baxeen saddexda xisbi ee hadda jira saddexdii urur ee hadhayna iyagoo qof-qof ah ayey ugu kala biireen xisbiyadii soo baxay. Saddexdii xisbi ee soo baxay ayaa ka qayb galay doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeeenkiisa waxaanna ku guulaystay xisbiga UDUB.

Waxaa xiiso leh siday u dhacdayba in xukuumaddii uu soo dhisay madaxweynne Daahir Rayaale Kaahin ay ka mid noqdeen lix(6) xubnood oo ka tirsanaa Ururkii ASAD, ururkaas oo sidaan hore u soo sheegay ka soo horjeeday dimuqraadiyadda dalka iyagoo diidanaa aftidii dastuurka iyo furitaankii ururadda siyaasadda.

Ragii sameeyey UDUBna ay iyaguna bananka uga joogaan qaybna ay ka mid noqdeen xisbiyo kale oo siyaasadeed , hadaba su’aashu waxa weeye ma UDUB ayaa ku biiray ASAD mise ASADayaa ku biiray UDUB .

Taasi waxay ku tusaysaadimuqraadiyadda ka bilaabmatay Soomaaliland iyo habka xisbiyadda badan in aanay ahayn mid caafimaad qabta oo ku dhisan mabda’ iyo aragti siyaasadeed ee ay tahay mid ku salaysan danaysi iyo maslaxad shakhsi oo uu qof meeshi dantiisa ka helayo uu u wareego markii uu doono.

Madaxda asxaabta iyo dawladuna aanay waxba kala dooranayn ee ninkii u yimaadaba iska qadanayaan oo kii shalay cadawga u ahaa iyo kii la shaqaynayey isugu mid yihiin. Waxay ahayd arrintu in urur walbaa ku fara adaygo aasasayaashiisa oo aanu dhiiri gelin in ay ku soo biiraan kuwo ururo kale ka yimi, madaxdii saddexdii urur eeku hadhay doorashooyinkii ee waayey kalsoonidii dadweynaha waxay ahayd in ay ku milmaan bulshada oo aan ururo ahaan loola dhaqmin halka laga siinayo sadka oo lagu daray maamulka xisbiyada kale iyo dawladaba haddii aan sidaas la yeelin ma samaysmi karto asxaab leh mabda’ iyo aragti siyaasadeed mar haddii maalinba meeshi doog leh la raacayo , waxayna xaajadu ku soo arooraysa maahmaahda Soomaaliyeed ee ahayd (Geel,geel watdaartay geeddo la’aan dheh ). Sidaas ayey ku bilaabantay geedi socodkii dimuqraadiyentii Soomaaliland.

Dibloomaasi u dhashay wadanka Maraykanka oo la yirahdo Devid Shiin ayaa mar uu hadal ka jeediyey sanadkii hore Akaadeemiga Nabadda iyo Horumarinta Somaaliland waxaa uu cadeeyey in wadan loo aqoonsan karo inay dimuqraadiyaddu ka hirgashay marka ay ka dhacaan saddex doorasho oo madaxweyne oo isku xiga oo si hufan oo lagu qanacsan yhay loo qabto iyo sadex dorasho oo baarlaman, sidaas haddii loo eego waxaa Soomaaliland lagu sheegi kara dimuqraadiyad marka la qabto laba danbe oo doorasho madaxweyne iyo saddex baarlamaan oo ku beegmaysa sannadka 2018.

Hadaba ciddi u haysata kana dhigata ajende siyaasadeed hirgelinta dimuqraadiyada in lagu ictiraafo waxay ictiraafkaas sugaysaa ilaa sanadka 2018 kaas ooo micnihiisu yhay marka ay xijaabtaan ama ka baxaan inta maanta ku jirta saaxadda siyaasadeed ee dalka oo ay markaas wadanka u taliyaan kana hormood yihiin xisbiyadiisa dad ku soo barbaaray 15 sano oo dimuqraadiyad ahayd kana fiyoob dagaaladii sokeeye iyo dawladihii keligi taliyaha ahayd iyo ti musuqmaasuqa ee dalka soo martay.

Akhristayaasha la socday taxanahan geedi socodkii nabadaynta iyo dimuqraadiyenta Soomaaliland waxaan ku soo gabagabaynayaa maqaalkan dimuqraadiyadii sababta oo ah soo gelitaanka bishan barakaysan ee Ramadaan waxynu mar kale ku kulmi doonaa saxfadaha wargeyska Jamhuuriya marka Ramadaanku dhamaato anigoo bilaabi doona dib-u dhiskii Soomaaliland.

Waxaan ka afeefanayaa haddii cid gef uga yimaado taxanahas maa aha mid loo la jeeday loolamana kicin ee waa taariikh aan anigu goobjoog uhaa ee maaha mid aan cid ka soo weriyey ama meelkale ka soo min guuriyey.

Waxaan halkii ka sii anba qaadayaa qoraalkeeni aynu ugu yeedhnay Geedi socodkii Nabadaynta iyo Dimuqraadiyenta Soomaliland oo aan ka soo minguurinayey Xusuus qorkayga. Waa anigii idinku balan qaaday in aan dib u bilaabi doona marka ay Ramadaanku dhamaato inagoo ku guda jirna qaybtii Dimuqraadiyenta.

Waxaa xusid mudan in habeen ka mid ahaa ramadaankii 1998 aan Madaxweyne Murxuun Cigaal balan uga dalbay Odayaal ka yimi bariga Sanaag oo Hargeysa ku sugnaa wuunna iga aqbalay balantiina waxay noqotay goor fiid ah, Cigaal waxaa uu ahaa nin aad ugu xeeldheer hasaawaha iyo bulshaawi oo cid walba dhaqankooda aad uga dheregsanaa Soomaali iyo Ajanebi marna laguma qaloon jirin agtiisa isagoo deeqsiiya dadka hadalkiisa. Waxaa uu habeenkaas odayaashi uga sheekeeyey in wakhtigii ingriisku dalka ka talin jiray uu mudo yar ka shaqeeyey xafiiskii D.C, wakhtigaas maalin ka mid ah uu arkiifiyadii xafiiska ka helay warbixin uu Badhasaabkii Fisher la oran jiray u diray Wasiirkii mustacmaradaha Ingiriiska oo uu kula taliyey in Soomaliland loo xukumo sida dalalka Carabta iyadoo loo samaynayo Suldaan ama Sheekh inaguna Ingiriis ahaan aynu iyaga maamulkeena sii marino.

Waxuu Wasiirkii ku soo jawaabay oo uu waydiiyey Badhasaabkii qofka laga dhigayo Suldaankaa ama sheekha, waxa uu Badhasaabkii ku jawaabay in laga dhigo Maxamuud Cali Shire, dawladii Ingiriisku arrintaas halkaa kama sii wadin.

Cigaal waxaa uu odayaashi kula kaftamay markii uu sheekadaas dhameeyey mar ayeydin noo noqon lahaydeen Amiiro oo aad wadanka xukumi lahaydeen ee maxaad nooga qaloonaysaan oo oo aad ugu soo dhiiran waydeen Soomaaliland. Madaxweynihii isagoo hadalkii sii wada waxa uu ka hadlay la soo noqoshada madax banaanidda Soomaaliland in aanay ahayn mid dadka Soomaalida kala takooraysa waxaa uu cadeyey in isu socodka, ganacsiga iyo wada noolashuhu uu sidii hore yahay ee waxaa lakala soocday uu yahay Maamulka iyo siyaasadda.

Waxaa uu ka sii shekeeyey oo uu xusay in maalin dhawayd ciidanka wardoonku u yimaadeen iyagoo qaba inay war weyn sidaan waxay ii sheegeen ayuu yidhi in nin Hawiye ahi uu magaaladda Hargeysa ka furtay bakhaar weyn oo ganacsi isla markaana uu iibsado hubka una dhoofiyo Muqdisho waxaan ugu jawaabay ayuu yidhi waxaad ii sheegteen ma aha war dhiilo leh ee aad iyo aad ayaan ugu farxay waxaan jeclaan lahaa in rag kale oo badan oo dunida dacaladeeda ka kala yimi ay dukaamo iyo ganacsi ka furtaan Hargeysa iska daaya nin Hawiye ahe anagoo ku dadaalayna in Soomaaliland noqoto meel la maalgashado, dhinaca hubkana war kan dawladana ka iibsha haddii aad doontaan, waayo marka uu hub inaga dhoofaba nabadaa inoo xoogsanaysa ee haddii aynu lacag ku helno waa khayr inoo soo kordhay.

Dhawaan xukuumadda Soomaaliland waxay soo saartay go’aan sheegaya in dadka ajenibiga ahi ay dalka kaga baxaan muddo 45 maalmood ah.

Xukuumadii hore ee madaxweyne Marxuun Cigaal arrintaas waa lagu soo qaaday golihii wasiiradda dhawr jeer dodo dhaadheerna waa laga dhiibtay waxaana laysa gartay oo tusaale ahaan loo soo qaatay in dadka soo galaytiga ah ee shaqo doonka ahi ay hurumar ku soo kordhiyaan wadamadda ay soo galaan ayna ka qayb qaataan dib-udhiska wadamadda dagaaladda ka soo kabanaya, waxaa tusaale ahaan loo soo qaatay dalka Jarmalka oo dagaalkii II ka dib ay soo galeen malayiin Turkiya oo xoogsata ahi oo ka qayb qaatay horumarka iyo dib udhiskiisa , sidoo kale isla wakhtigaa dalka Ingiriiska waxaa soo galay dad badan oo ah Hindi ,Eeshiyaan kale iyoo Jumaykaan xoogsato ah oo iyaguna ka qaybgalay dib udhiskii iyo horumarka. Sidaa darteed si Soomaaliland dib udhiskiisa iyo horumarintiisu u taabo gasho waxay dawladii wakhtigaasi ogolaatay in dadkaa soo galaytiga ah xoriyad iyo nabadgelyo la siiyo Soomaali iyo Ajanebi kii doona ha noqdeen. Hargeysa kuma ay dhisanteen mudadaas kooban iydoo 90% ay burbursanayd haddii aanay xukuumadu taladaas qaadan.

Waxay xukuumaddu wakhtigaas isku raacday in dadka Soomaalida ahi meelkasta ha ka yimaadeen in ay degi karaan, wax ka baran karaan, ka xoogsan karaan, kana ganacsan karaan Soomaaliland laakiin aanay ka qayb geli Karin maamulka iyo siyaasadda.

Waxaa la soo jeediyey marka la samaynayo aqoonsiga (Taysaradda) in la sameeyo laba nooc oo kala duwan oo mid loogu talo galo Muwaadiniinta midna la siiyo dadka soomali ah ee aan u dhalan Soomaaliland. Dadka kale ee ajanibiga ah ee aan ahayn Soomaalida iyagana in la diiwaan geliyo si deg-deg ah loona kala saaro kuwa doonaya qaxooti iyo nabadgelyo iyo kuwa shaqa doonka ah. Waxaa shirkaas lagu soo qaaday in maanta ummadii Soomaaliyeed ay wadamo shisheeya ah oo aanay isku af, diin iyo dhaqan ahayn ay ku nool yihiin oo nabad ku joogaan kana shaqaystaan sidaa darteed haddii Soomaaliland xooga yari u soo doonteen nabad iyo shaqo aan albaabada laga xidhan ee Ilaah lagu mahadiyo nabada uu ina siiyey ee ay iyagu aanay haysan maanta. Marxuun Cigaal isagoo shirkaa gudoominayey wuxuu ku soo gabagabeeyey duco uu yidhi waxaan Ilaahay ka baryayaa in u walaalahayga Soomaaliyeed siiyo Nabadgelyo inagana inoo sii xoojiyo. Waxaan xuuustaa markaas Cumar Maxame Nimcaale oo ahaa Wasiirka arrimaha gudaha ee wakhtigaa ayaa yidhi u ducaymayno ee waan habaaraynaa markaas ayaa golihii oo dhami qosol la dhaceen sidaas ayaa shirkii lagu soo gabagabeyey .

Waxaa xusid mudan ciidanka sirdoon ee Cigaal ku halqabsaday dadka badan kiisu may ogeyn in ay jiraan.

Markii lay magacaabay wasiirka Maaliyadda bishii mey 1999 ayaa waxa dhacday maalin anagoo ku guda jirna sidii aan u yareyn lahayn hay’adaha ka hawl gala goobaha kastamada ayaan waxaan boosta xafiiskayga ka helay warqad ka socota haya’da wardoonka oo uu ku saxeexan yahay taliyahoodi wakhtigaas ayna ku codsanayaan in xubno ka mid ahi ay ka hawlgalaan goobaha kastamada iyagoo leh waxaan ka shaqaynaynaa nabadgelyada goobahaas, arrintaasi yaab ayey igu noqotay iyadoo goobahaas nabadgelyadooda ay ka hawlgalaan booliis ayna joogaan kastam officers, waxa kale oo aan garan waayey oo yaab noqotay cida ay hoos tagaan iyo meesha laga xukumo war doonka waayo qaabka dawlada iyo dastoorka midna kuma jiraan , qaar ka mid ahaa madaxdii maaliyadda aya igu yidhi waxay hoos yimaadaan Madaxtooyadda.

Waxaan markaas qoray warqad ku socota madaxtooyadda oo aan ku warsanayo in haya’dda iyo codsigooda uu la socdo Madaxweynuhu waxaanna ku daray koobi ah codsigoodi. Maalin ka dib waxaan si kadis ah ku war helay wareegto uu soo saaray Madaxweyne Cigaal oo uu ciidankii wardoonka ku baabi’iyey kuna kala diray hawlwadeenadoodii isagoo ku sheegay in ay hadda u soo dhigteen inay tagaan meelahii dhakhliga yar laga ururinayey hawshoodii loo dirtayna aanay taas ahayn.

Mudo ka dib waxan ka qayb galay shir kooban oo uu gudoominayey Cigaal ayna ku jireen taliyii ciidanka qaranka Ismaaciil Shaqale iyo taliyii ciidanka booliiska Marxuun Maxamed Jibriil shirkaas oo dib loogu soo unkay ciidanka sirdoonka iyadoo ciidamadii dalka laga soo xulayo hawlwadeenadii ka mid noqon lahaa hay’adaas markaas beelaha Hartiga oo hore uga maqnaana cid ayaa lagaga soo daray gobalada oo dhana waa la gaarsiiyey waxaanna madax looga dhigay Marxuun Rooble Timir.

Markii xaalku halka marayey ayaa la yidhi miisaaniyad iyo kharash ha loo qoondeeyo. Waxaan su’aalay madaxweynihii sida miisaaniyad loogu samaynayo mar haddii aanay dastuurka waafaqsanayn waayo dastuurku waxaa uu ciidan ogol yahay saddex ciidan oo aha 1) ciidanka qaranka 2) ciidanka Booliiska 3) ciidan Asluubta sida ku cad qodobadda 123 iyo 124. waxaa uu ogolaanaya qodobka 113aad haddii loo baahdo hay’ado kale waa la dhisi karaa si xeerka waafaqsan, taaas oo macnaheedo yahay in madaxweynuhu uu soo jeediyo wareegto ah in hay’adaas la sameeyo ka dibna golaha wasiiradu soo sameeyaan xeerka iyo shaqadeeda kana doodaan oo ay ansixiyaan una gudbiyaan Golaha wakiiladda oo marka ay ansixiyaan ay hirgalayso oo sharci noqonayso.

Waxaa cigaal iigu jawaabay intaynu sharci u samaynayno waxaad hoos gelisaa oo ugu dartaan miisaniyadda madaxweyne ku xigeenka oo wakhtigaas uu ahaa madaxweynaha hadda Daahir Rayaale Kaahin ilaa maantana sidaas ayey ugu hoos jiraan xafiiska madaxweyne ku xigeenka miisaaniyadiisa iyadoo hay’adiina aanay lahayn wax sharci ah oo aan jiritaankeeda weli la ansixin.

Waxaa nasiib darro ah iyadoo la gaadhay wakhtigii dimuqraadiyadda oo la sameeyey habka asxaabta badan dalkana ay ka dhaceen doorashooyin xor ah in ay hay’adaas oo sii xoogaysatay shaqadeedu aanay waafaqsanayn dastoorkii loo codeeyey may 2001.

Waxaa kale oo aan xusayaa xukuumaddii 1997 ee uu dhisay Marxuun Cigaal, markii uu ku guulaystay xilka madaxweynaha isla markaana uu madaxweyne ku xigeenna uu noqday Daahir Rayaale Kaahin 1997. waxa uu madaxweynihii magacaabay gudi ka kooban 16 xubnood oo labiday aqoon iyo waayo aragnimo oo loo xil saaray inay madaxweynaha kala soo taliyaan dawlada uu samaynayo sida ay noqon doonto. Gudigaa waxa gudoomiye looga dhigay Madaxweyne kuxigeenkii wakhtigaas Daahir Rayaale Kaahin waxana ku xigeen looga dhigay Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo) oo ah labadii nin ee ku tartamay doorashadii madaxtooyada u dambaysay, waxa kaloo kamid ahaa gudigaas intaan ka xasuusto Marxuum Maxamed Axmed (Sakhraan), Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Cali Sheekh, Cumar Maygaag Samatar, Jaamac Saalax, Cali Sh. Aareeye, aniga Maxamed Siciid (Gees) iyo 6nin oo kale oo hada magcoodu iga maqan yahay.

Gudigii wuxuu bilaabay howshiisii isagoo ku kulmi jiray xarunta madaxtooyada xafiiska golaha wasiirada, wuxuu ogaysiis ku bixiyey oo laga fidayey warbaahinta qofkasta oo muwaadin Somaliland ah oo markaa ku jira maamulka ama dibada kajooga inuu keeno C.V giisa iyo nuqulka shahaadooyinkiisa waa qofkii doonaya inuu ka qaybgalo xilna ka qabto maamulka xukuumada iyo wasiiradiisa.markii ay dhamaatay mudadii loo qabtay ururintii C.V yada oo dadkii danaynayey ay soo xareeyeen. Waxay gudigii sameeyeen hab loo qiimeeyo oo loo kala sooco dadkii C.V yada keenay iyadoo la tix gelinayo shahaadadiisa, waayo aragnimadiisa shaqo iyo da’diisa waxana loo qaybiyey sadax qaybooda A, B, C dabadeedna liiskii waxa loo gudbiyey madaxweynihii iyo hay’ada shaqaalaha.

Waxa kaloo gudigii u soo jeediyeen madaxweynihii talo ah in dal ku u baahan yahay dawlad aanay tirada wasaaradaheedu ka badnayn 16 wasaaradood. Hawshaas oo socotay mudo dhan bil iyo dheeraad markii lasoo gaba gabeeyey waxay gudigii la kulmeen madaxweyne Cigaal markay u tageen ugu horayn wuxuu ku bogaadiyey howshay soo qabteen wuxuuna xogwarran kasiiyey sidii wadanka lagu maamulayey mudadii afarta sano ahayd ee la soo dhaafay, waxaanu u sheegay inaanay suurtoobayn tirada wasaaradaha ka yar 16 ee aad ku taliseen isagoo ku sababeeyey waayo aragnimaduu soo arkay awgeed ayna ka badanayaan intaa.

Arrinta maalintaas taagnayd ayaa maanta lagu canaanayaa Madaxweyne Rayaale dawladiisa balaadhan horaa loo yidhi nin xil qaaday eed qaad.Cigaal wuxuu sheegay inuu ka faa’iidaysanayo.Liiskii wax aqoon ka Somaliland ee gudigu soo sameeyey isagoo kala soo bixi doona wasiirada inta hadhana u gudbin doono hay’ada shaqaalaha si loo shaqaaleeyo oo looga xusho madaxda kale ee qaranka.markuu ka warramayey waayo aragnimadiisi maamulka Somaliland ee afar sano la soo dhaafay wuxuu yidhi runtaan idiin sheegaya mudada afarta sano ahayd dakhliga wadanka aniga gacanta ku hayey,awoodayda uun ayuu ku bixi jiray sabtoo ahayd cid aan wax ku aamino ayaan waayey isagoo hadalka sii wada wuxuu yidhi wasiiradayda qaar ayaa hal mashruuc laba ama sadax jeer kharash igaga qaaday iyagoo umalaynaya inaanan ogayn, Sidaa awgeed waxaan door biday waxa yar ee la soo urursho inaan anigu maamulo oo aanan cidna u dhiibin hada se dawlada cusub markaan dhiso waan iska wareejinayaa.

Cigaal wuxu dhisay dawladii ugu aqoonta badnayd ee soomarta Somaliland ama Somaaliya ba hadii la eego waxay ka koobnayd rag ugu yaraan sita shahaadada darajada labaad ee Jamacada (Master) haddii aan ragas wax ka magacaabo.

  1. Axmed maxamuud Maxamed (siilaanyo) wasiirka maaliyadda
  2. Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) wasiirka A/dibada
  3. Dr. Maxamed Cabdi Gaboose wasiirka A/gudaha
  4. Eng. Yusuf Caynab Muuse wasiirka Gaashaandhiga
  5. Eng. Axmed Maxamed Biixi wasiirka Macdanta &biyaha
  6. Maxamed Axmed Xaashi (farxaan) wasiirka xanaanada xoolaha
  7. Maxamed Saciid Maxamed (gees) wasiirka Qorshaynta
  8. Daahir X. Maxamed Yusuf wasiirka Waxbarashada
  9. Dr. Cabdi Aw Daahir wasiirka Caafimaadka
  10. Rashiid X. Cabdilaahi wasiirka Boosaha &Isgaarsiinta
  11. Maxamed Muuse Cawaale wasiirka Deeganka & H/reer Miyiga
  12. Axmed Xuseen Oomane wasiirka Kaluumaysiga
  13. Jaamac Saalax Maxamed wasiirka Madaxtooyadda
Intaas aan soo magacaabay dhamaantood waa Master degree ama PHD inta kalena waxay ahaayeen kuwo aan ka yaraysan xaga aqoonta iyo waayo aragnimada oo intooda badani sitaan shahaadooyin jamacadeed oo kuwaas la mid ah iyadoo lagu dadaalay in nin walba meeshi uu ku haboona ama takhakhuskiisu ahaa lagu magacaabay.

Waxaa Maaliyadda loo dhiibay Axmed Siilaanyo oo lagu aaminay, isagaa dejiyey maamulka maaliyadda ee maanta jira, isaga ka hor ma jirin wax dakhli ah oo dawladu leedahay oo la garanayey mana jirin wax miisaaniyad ah oo lagu tala geli jiray, dad tijaar ah ayaa badanaa laga sii amaahan jiray raashinka ciidanka, shidaalka, qalabka xafiisyada iyo wixii loo baahdo taas oo aad u fara badnayd dabadeedna waxaa la siin jiray waraaqo cashuur dhaaf ah oo ay badeecadaha iyo xoolaha kaga dhoofsadaan kalana soo degaan dekeda Berbera, sidaas awgeed dakhli micno leh uma soo xeroon jirin dawlada. Waxaa lay sheegay inkastoo aanan anigu arag in ay dhici jirtay in waraaqahaa alaab lagula soo baxo in ka badan hal mar mararka qaarkood.

Wasiirka cusubi Siilaanyo waxaa uu qaaday laba talaabo oo dhaxalgal noqday oo run ahaan aad muhiin u ahaa marka hore waxa uu la xisaabtamay tijaartii isaga iyo wasaradiisi, nin walba waxaa loo furay fayl lagu cadeeyey deynta uu ku leeyahay dawlada waxaana loo balan qaaday in la siinayo deyntiisa oo aanay cashuur u qaadanayn, taas oo markaas keentay in la ogaado dakhliga soo galaya dawlada. Talaabada labaad waxa uu sameeyey raashin iyo mushahaar la siiyo Ciidamada oo qorshaysan. Halkaas waxaa dhab u hirgalay maamul xisaabeedkii maaliyadda wuxuuna ku guulaystay inuu 6 bilood ee sanadka ka hadhsanayd inuu u sameeyo miisaaniyad wadanka lagu maamulo.

Markii hawshii gudigii la talinayey madaxweynaha ay dhamaatay oo aan horena uga soo qayb galay gudigii dastoorka oo isna dhameeyey hawshiisi waxaan u diyaar garoobay in aan ku noqdo Yaman oo aan deganaa taas oo caado ii ahayd 5 sanadood ee u danbeeyey inaan sanadkii badh joogo Soomaaliland Badhna Yaman waxaa tigidhkii Jabuuti iigu deeqay saxiib qaaali ah oo aan la ilaawi Karin Marxuun Maxamed Cabdi Dhinbiil (Galbeedi) oo wakhtigaas ahaa wasiirka Arimaha Dibada& Qorshaynta.

Wakhtigaas waxaan deganaa hotel Maaweel anigoo sidaa aan soo sheegay diyaar u ahaa in aan dhoofo ayaa aroor waxaa qolkii hutelka ee aan deganaa waxaa igu soo garaacay wiil dhalinyaro ah oo aanan garanayn waxaa uu ii dhiibay warqad ah balan madaxtooyadda ah oo 9;00 subaxnimo ah ninkaas oo aan markii danbe wax badan wada shaqaynay oo ka mid ahaa Xoghaytii Cigaal oo la yiraahdo Naasir, warqadaas uu ii dhiibay ku cadayn waxa laygu yeedhayo laakiin waxay ahayd balan kulan sidaas ayaan ugu tegay Madaxweyne Cigaal oo I sugayey waxaanu igu qaabilay xafiiskiisi waxayna ahayd maalintii ugu horaysay ee aanu labadayadda oo keliyi kulanay, markii aan isa salaanay oo aan fadhiistay ayuu igu yidhi waxaan go’aansaday in aan kugu magacaabo xil ah wasiirka wasaarada qorshaynta ee maxaad ka qabtaa waxaan ugu jawaabay waqtigii hantiwadaagu waa kii dhamaaday ee maxaynu qorshaynaynaa waxa uu iigu jawaabay adeer hawlo badan ayaa jira oo aan qoraal kuugu soo gudbin doonotaas oo aan u rabo in wasaaradani qabato, hadalkii ayaan ku celiyey oo idhi anigu aqoon macalinimo ayaan leeyahay ee maad ii dhiibtid waxbarashada hadiim aad xil ii dhiibaysid waxaa iigu jawaabay waa runtaa ee Daahir maxamed Yuusuf ayaan hortaa ku magacaabay waxaan idhi waa u qalmaa oo isku macalimiin ayaan ahayn oo waa nin ka soo baxaya aniguna waan kaa aqbalay xilkaas sidaas ayaan ku noqday wasiirka wasarada Qorshaynta 20 mey 1997 xilkaas oo aan hayey ilaa mey 1999.

Markiiaan ka soo baxay kulankuu Cigaal waxaa ii yimi niman Siyaasiyiin ah oo ka tirsan beesha Warsangeli oo ku sugnaa Hargeysa waxay qaarkood iigu badheedheen in aan iska casilo xilka lay magacaabay oo aan diido iyagoo ku sababaynaya in meel lagaga dhacay beesha Warsangeli oo hore u hayn jirtay wasaarado waaweyn sida Caafimaadka & Gadiidka cir iyo dhulka arrintoodi waan ka diiday nimankaas siyaasiyiinta isku sheegayey waxaan ku idhi waryaadhaheen meesha wax lagu qaybsanayaa ma yaalaan ee hawl ayaa taala iyo wax la abuurayo Aniguna meeshaan cidlada ah ayaan qabanayaa oo isku tijaabinaya waxan ka qaban karo. Markii aan tegay wasaaradii waxay noqotay siday sheegayeen meel aan wax oolin oo miisaniyadeedu waxay ahayd 30,000,000(soddon milyan oo shilin S.L) , shaqaalaheedu 30 qof, xafiiyadeedu waxay ahaayeen 4 qol , wax gaadiid ah ma lahayn , tell ma lahayn , biyo ma lahayn iyo musqulo toona waxaa laga soo jaray Arimaha Dibada oo shaqaalihii intoodi badnayd waxay ku hadheen Arimaha Dibada hase yeeshe waan u badheedhay arrintaasna waxa iiga muuqday mida Soomaali meelkasta oo ay joogtoba ka haysato fikirka xilka dawladnimo taas oo ay ugu dhismi wayday dawlad hagaagsani kuwii horena uga burbureen oo ah in xilka umaddu intaan la gelin loo haysto meel wax lagu xado oo ninka iyo beeshiisu ku cad goostaan sidaa ayuu maamul dawladeed oo dhexe aanu ku dhismi Karin inta fikirkaasi jiro.

Labo sano ka dib waxay noqotay wasaarad dhismaheedi labanlaabmay, Gaadiid leh, tell leh,qalabkii xafiisyadu u dhan yihiin qoraaladda Soomaaliland ka hadlayana laga soo saaro, shuruucdii lagu dhaqayey hay’adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ahna la sameeyey markaas ayaa layga wereejiyey iyadoo ka mid noqotay wasaaradaha ugu muhiinsan dalka.

Gushaas waxaa lagu gaadhay iyadoo aanaan wax miisaaniyad kordhin ah waydiisan dawlada, anigoo aan tegin xafiisyada wasiirka maaliyadda iyo xisaabiyaha guud oo kharash ka dalban.

Waxaa si lama filaan ah xafiiska u soo booqday Maxamed Xawaadle Madar oo aniga iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Cawil si fiican u yaqaanay oo aanu xamar wada shaqayn jirnay waqtigaasna waxa uu madax ka ahaa Shirkadda isgaarsiinta SOLTELCO waxa uu nagu yidhi maxaad tell xafiisyada u soo gashan weydeen xafiisyada dawlada intooda kale way leeyihiine waxaan ugu jawaabnay anagu lacag ma haysano aan ku soo gashano waxa uu noo balan qaaday inuu bilaash noogu soo geliyo, isla maalintii ku xigtay waxa uu soo diray shaqaalihiisi oo noo geliyey 2 tell xafiiskaygii iyo kii agaasimaha guud.

Waxaa wasaaradda la jaar ah wasaarada dib-udejinta oo kharash faro badani kaga socday xaga hay’ada UNHCR waxaa wasiir ka ahaa C/laahi dereewal oo aan saaxiib ahayn waxaana agaasime guud ka ahaa Maxamed cumar cartan oo aanu aqoon weyn isu lahayn taas oo ahayd xidhiidh dheer oo ka dhexeeyey labadayada qoys iyadooy labadayada aabe saxiib ahaayeen ayna ka soo wada qayb galeen halgankii gobanimo doonka , maalin maalmaha ka mid ah ayaan Maxamed Cumar kula kaftamay (xabaalahaba xabaasha u dhaw waa la rusheeyaa) ee maad wax ku soo tuurtaan wasaaradan fara madhan ee jaarka idinla ah, arrintii wuu garawsaday oo wuxuu nagu caawiyey isla markiiba hal Kanbuuyitar iyo Printankiisi iyo hal Photocopy, wasaaradiina wuxuu noogu sameeyey dayactir gudaha ah isagoo u soo diray shaqaale ranjiya oo sameeya wixii dayactir u baahnaa .

Anigana waxa uu iigu deeqay inuu gaadhigiisa gelinka danbe igu rawixiyo aroortiina aan iska soo lugeeyo. Markii uu xaalku halkaa marayey nasiib wanaag waxaan is baranay madaxii hay’ada UNHCR ee waqtigaas oo la oran jiray Antony Verwi oo u dhashay Holland ninkaas oo aad wax uga qabtay dib u dhiski Soomaaliland wax badana u qabtay waxaan ka codsaday in uu dhismaha wasaaradda noo balaadhiyo oo ay hay’adu qandaraas ku bixiso dhismahaq oo marka la dhameeyo muftaaxa nagu soo wareejiso, waa iga aqbalay codsigaas oo dhisme le’ag inti hore wasaarada ayuu noogu daray.

Waxaanu dhexgalnay hawl maalmeed kii wasaarada waxaan bilaabay in la soo saaro buugii u horeeyey oo loo magac bixiyey SOMALILAND IN FIGURES waxaan wasaarad ka tegay (layga bedelay) iyadoo uu soo baxay laba koobi kii sadexaadna madbacada ku maqan yahay buugaas ilaa maanta nuqul danbe lama soo saarin oo iga danbeeyey intii wasiir xilka wasaarada iiga danbeeyey kumay guulaysan arrintaas iyada oo ay joogaan wasaarada shaqaalihii aqoonta u lahaa.

Waxaa kale oo aanu xidhiidh la yeelanay hay’ad kale oo ah UN oo la oran jiray UNDOS oo tiro koob iyo cilmi baadhis ka samaynaysay dhulweynihii laysku oran jiray Soomaaliya, hay’adaas wuxuu Agaasi guud Cawil kula heshiiyey in hawlaheeda dhinaca Soomaaliland ay wasaarada qorshayntu kala shaqayso iyaduna naga caawiso sidii aanu u soo saari lahayn qorshaha horumarineede ee 3 sqanadood (three year planning) sidaas ayaanu ku bilawnay wada shaqaynti iyaguna waxay naga bixiyeen kharashkii tafatiraha buuga oo ahaa Mr Jonh Darrysell iyo qayb daabacaadi buuga ka mid ah, buugaas oo ahaa laba nuqul.

Markii wasaaradii soo saartay labadaas buuug waxay gilgileen hay’adihii deeqda bixin jiray oo ay ku noqotay waxaanay ka filayn Soomaaliland inay soo saari karto, waxaa xusid mudan Safiirkii waqtigaas waddanka Maraykanka u fadhiday dalka Jabuuti oo ahayd gabadh la oran jiray Mrs. Sherm Honk markii ay heshay nuqul ka mid ah buugaagtaas way noogu soo hanbalyeysey o tidhi Jabuuti oo ah dawlad jirta ayaan weli lahayn qorshe sanadeed qoran, inkastoo mashaariicdii la qorsheeyey inay wasaaraduhu fuliyaan aanay wada hirgelin duruufo jiray awgeed oo dhaqaale xume ahaa hadana waxaa is dadban u fuliyey hay’ada mashaariicdii aanu mudnanta siinay . waxay noqdeen nuquladii shay wafti kasta oo dalka yimaada lagala hor tago oo la weydiiyo waxay ka qaban karaan sidaasayna xujo ugu noqodeen waxaanu iyadana hawlo ka qabanay anagoo kaashanayna hay’ada UNDP ee fadhida Itbiya iyo dawlada Itoobiya iyo Khuburo reer Soomaaliland ah waxaanu wada jir u soo saarnay qorshe horumarineed loogu magic daray (cross border projects) oo kililka shanaad ee is maamulka Soomaalida Itoobiya iyo Soomaaliland isku xidhaysay, hawshaas waxaa lagu qabtay wasaarada qorshaynta dhexdeeda anagoo Xafiis ka siinay mashruucaas wasaarada oo hawshooda ku qabsan jireen , markuu dhamaaday mashruuci oo qoraalkii soo baxay waxaa qalabkii lagu shaqaynayey lagu wareejiyey wasaarada oo ka koobnaa miisas, kuraas, kanbuyuutar iyo qalabki xafiiska mashaariicdaa waxaa ku hinaasay UNDP Nayroobi oo Soomaalida qaabilsan sidaas ayey u hirgeli waayeen laakiin qoraalkii wuu soo baxay oo meelkasta waa la gaarsiiyey.

Waxaan kale oo ku guulaysanay xidhiidh wanaagsan oo aan la yeelanay UNDP in aan ka helno khabiir nagala shaqeeya wasaaradda oo noqotay gabadh Maraykan ah oo la yiraahdo Laurra Hammud oo hada Prof: ka ah waxna ka dhigta jaamacda (Clark Universatiy) oo ku taal Boston wadanka Maraykanka ka dibna waxaa gabadhaas bedelay nin la yiraahdo Nick Hilter oo isna u dhashay wadanka Ingiriiska o hada ka shaqeeya UNDP wadanka Asbijaan ee ka tirsan Aasiyadda dhexe labadaaas khabiir wasaarad awax badal ayey u qabteen iyagoo nagala talin jiray dhinacyada Qoraaladda iyo xidhiidhka hay’adaha caalamiga ah .

Waxaa iyana xusud mudan in had iyo goor oo ka dhex taagnaan jiray hay’adaha caalamig aiyo xukuumada Soomaaliland Xidhiiidhka ka dhexeeya sababtuna ahayd iyadoo aanu jirin sharci wada shaqayntooda qeexaya, oo cabsho ka iman jiray xagga bulshada, and xukuumadda iyo hay’adaha laftooda. Anagooo maalin maalmaha ka mid ah ku jirna shirkii golaha wasiiradda ayaa Madaxweyne Marxuun Cigaal iigu dhex dhiibay golahii buug laga soo saaray jaamacadda la yiraahdo (London School of Economics) oo ka hadlaya sharciyadda ayu leeyihiin dawlado badan oo Arikaan ahi hay’adaha NGO yadda la yiraahdo Local ama International waxaannu I faray in aan soo sameeyo sharci heshiis oo dhex maraya Xukumadda Soomaaliland iyo hay’adahaas. Waxaa iyana xusayaa in mar aan booqasho ku tegay 1997 wadanka Ingiriiska magaaladd aLondon aan la kulmay ninka madaxda ka ah hay’ada PEHNA oo dhalashadiisu tahay Ereteriyaan Dr. Saria wada ahdalkayagii waxaa ka soo baxay in u isiiyo nuqul ah sharciga heshiisyada ee dawlada Itoobiya kula dhaqanto hay’adaha ajenibiga ah.

Waxan guda galnay sidii aan u samayn lahaa xeerkaa anigoo kaaashanaya Buugi Madaxweynuhu ii dhiibay iyo nuqulkaa Itoobiya markii aan dhamaynay xeerkii ayaan la xidhiidhnay hay’adahii waxaanna arrintaas gacan weyn ka geysatay Lorre Hammud oo ku qancisay ninkii u ahaa hay’adahaas xidhiidhiyaha ( focal point) oo madax ka ahaa hay’ada IRC si uu NGO ugu bandhigo sharcigan oo ay iyaguna cid u soo dirsadaan si ay wasaarada isula eegaan arrintaasna way aqbaleen oo waxaa shartcigii kja wada shiray wasaarada iyo hay’adaha IRC, ICD, DRC oo hay’adaha metalayey waxay isku raaceen nuqulkii heshiiska.

Markii aan ku heshiinay ayaan nauqulkii iyo lifaaq aan u raaciyey u geeyey Madaxweryne Cigaal oo caan ku ahaa hawsha uu danaynayo in uu dhakhso u dhamaystiro waxaa uu isla markii uu gaadhayba u isugu yeedhay golahii wasiiradda oo uu u qaybiyey nuqulkii waxaanu ku amray in aan waxba laga bedelin ee la soo akhriyo markii golahii wasiiradu isku raaceen waxaa loo gudbiyey golahii Wakiiladda oo markaas uu Gudoominayey Cabdiqaadir Jirde isaguna arinkaas xil weyn ayuu iska saaray oo wuxuu siiyey mudnaanta kowaad oo golahii ayuu hordhigay sidaas ayaanna lagu ansixiyey waanna sharciga keliya ee inta aan xusuusto isagoo ku qoran af Ingiriisi goluhu ansixiyeen. Markii sharcigu soo baxay ayaa aniga wasaaradii layga bedelay sidii aan ugu tala galnay uma an dhaqan gelin xeerkii wasiiradii wasaaradda iiga danbeeyey.

Waxa kale oo aan ku guulaysanay intii aan wasaarad ajoogay in aan qabano Workshop weyn oo ay wada qabteen hay’adaha UNHCR, UNDP, Wasaarada dib udejinta iyo Wasaarada qorshaynta oo ku saabsanaa sida dadka dib loogui soo celinayo dalka loola dhaqmayo iyo mashaariicda loo qabanayo iyo meelaha lagu soo celinayo sida adeega bulshada wax looga qabanayo markii workshopkaa la qabanayey waxaa wefti looga yeedhay 6 gobal ee dalka waxaana loo diray gobaladda aqoonyahano ka socda hay’adaha deeqda bixiya iyo Xukuumada oo warbixino ka soo qoray waxaana lagu qabtay guriga shaqaalaha waxaana furay madaxweyne Cigaal waxaa nasiib u yeeshay dhamaystirkii shirkaas oo xilkii wasaarada aan ku wereejiyey Axmed Maxamed Siilaanyo waxaana halkaas ka soo baxay baahiya mashaariicda laga fulinayo Soomaaliland iyo kharashka ku baxaya. Waxaan wasaarada yalay oo aan ka tegay sadex buug oo kala ah 3year planning oo lagu naanaysi jiray buuga cad iyo oolaba vulama ah iyo buugaga cagaaran oo aha cross bonder projects iyo kan buluuga ah oo ahaa Soomaliland in fingures waxayna ahayeen waxa keliya ee la hordhigo weftiyada dalka yimaada iyo hay’adaha o la yiraahdo maxaad ka qabanaysaan waqtigaasina waxa u aha mey 1999 waxaa ayaan darro ah ilaa maanta wax buug ah ama qoraalo oo la ictimaado aanay wasaaradii soo saarin sanadkaan maqlay waxaa la qorayaa 3 year planning waxaa u dhaxaysa mudo ah 5 sanno wasaaradda qorshaynata qarankuna waa muraayada dalka laga daawado.

Waxaa xusid mudan 1998 markii uu Sacuudigu xayiraada saaray xoolahii noola ee lo dhoofin jiray oo dhaqaalahii dalkana saameyn weyn iyo hoos u dhac ku keenay. Waxaa qoraal soo saaray wasiirka Maaliyadd Axmed Maxamed Siilaanyo Wasiirkii Arimaha dibada Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe iyo wasiirkii Qorshaynta Maxamed Saciid Gees aanu u dirayno beesha caalamka anagoo ugu baaqaynay si ay wqx ugala qabtaan Soomaaliland iyo soomaalida kaleba cunaqabatayntaas dhaqaale ee uu Sacuudigu ku joojiyey xoolahii oo ahaa lafdhabarka dhaqaale ee Somaalida.

Waxaa raacay wefti uu madaxweyne Cigaal hogaaminayey oo booqasho ku tegay wadanka Itoobiya, waxaa dhacday in aniga Gees iyo Maxamuud Saalax Fagadhe lanoo qaban qaabiyey in safiirkii Maraykanka ee Adisababa Devid Shiine uu noo balamiyey dawlaha deeqd abixiya safaaradahooga Adisababa halkaasna aanu ku soo bandhignay qoraalo sheegaya dhibta dhaqaale ee ay kentay xayiraadaas xooluhu iyo sida uu ahaa qoreshahi horumarineed ee 3 sano aanu ku tala galnay, dadkii halkaas isugu yimi way aqbaleen dalabkayagii waxaann aka danbeeyey in la bilaabo mashruuci loogu magic daray HEC oo dawlada Talyaaniga iyo EU ay ugu deeqeen mashaariicay fulinayeen dawladaha hoose ee magaaloyinka Soomaaliland qiimahooduna ahaa 1.7 milyan US doolar mashaariicdaas oo ay iska kaashan jireen wasaaradaha Maaliyadda, Arimaha Gudaha, Qorshaynta iyo Ngo dalalka EU. Waxaanu ku heshiinay in lacagta dolarka lagu shubo Baanka dhaxe ee soomaaliland baankuna bixiyo shilin Soomaaliland taas oo wax weyn ka tartay qiimo jabkii ku dhici laha ashilinkeena, mashaariicdaasi waxay u hirgaleen sidi loogu talagalay taas o ku riday deeq bixiyayaashii kalsooni fiican oo ay ka heleen xukuumada Soomaaliland iyo in xidhiidhkii xukuumada iyo hay’adahu sii xoogaysto.

Waxaa dhacday sanadkii 1999 intaanan ka wareegin wasaarada in aan ka qayb galnay shir qarsoodi aha oo uu madaxweyne Cigaal noo xil saaray sadex wasiir oo kala ahaa Siilaanyo, Fagadhe iyo aniga Gees in aan kulan la yeelano madaxii EU u qaabilsana soomaalida ee waqtigaas iyo wefti la socday ninkaas oo u dhashay wadanka Boortaqiiska lan oran jiray Mr. Duwarti ka dib markii ay is arkeen madaxweynaha shirkaa soo aanu isla qaadanay ayna naga ogolaadeen in Eu komishankeedu u heshiisyo toos ah la galaan xukuumadda Soomaaliland uuna bixiyo mashaariic lagu horomarinayo Soomaaliland qaybaheeda kal duwan ee adeega bulshada, waxayna noo sheegeen inay arrinkaas ka soo dhaadhiciyeen dalalka xubnaha ka ah EU oo ay aqbaleen dhamaantood waxayna ku nuuxnuuxsadeen in marka u heshiiskaasi hirgalo ay albaabada u furayso inay heshiisyo toos ahi dhexmari doonaan dalalka xubnaha ka ah EU iyo Soomaaliland iyagoo goonigooni dal walba ugu iman doono, waxayna ku faaneen inay iyagu ahayeen EU komishanku qoladii u horeysay ee Maamulka Falastiiniyiinta la gala heshiis ka dibna ay dalalkii xubnaha ka ahaa ay midmid ula galeen dhamaantood. Arrinkaasi haddii uu hirgalo waxay noqon lahayd guul weyn oo u soo xeroon lahayd Soomaaliland.

Waxaa dhacday in markii arrinkaas laga war helay iyo kuwa kaloo la mid ah ay is gaashaan buuraysteen qolyahii ka soo horjeeday ictiraafka Soomaliland markaa soo lagu dhaqaaqay in la abaabulo shirkii Carta halkaa soo lagu sameeyey dawlad ku sheegtii soomaaliyeed iyadoo ujeedada u weyni ahayd ha la joojiyo Soomaaliland . sidaas darteed ayey ku waxay komishankii EU awoodi waayeen inay heshiiskaas fuliyaan mar hadi lagu dhawaaqay dawlad soomaaliyeed.

Waxaan ka cudur daaranaya anigoo qoraalkii halkaas ku hakinay sababtoo ah anigoo safar ugu baxayo dalka dibadisa dalalka USA& UK sidaas dartii waxaa balan qaadayaa in aan akhristayaasha Jamhuuriya ugu dhamaystiri doono joornaalka isagoo buug ah oo faahfaahsana aan soo saari doobo
AALLAA MAHAD LEH

Waxaan mudo dheer joogay Wasaarada Qorshaynta sidii aan hore u soo sheegay taas oo aan xilkeeda qabtay laba goor markii hore waxaa uu ahaa May 1997-may 1999 markii danbana waxaan ku soo laabtay 16 December2001- May 2002 .

Mudadaas aan joogay wasaaradaas waxaan xidhiidh fiican oo wada shaqayn ah la yeeshay hay’adaha caalamiga ah ee joogay hargaysa iyo shaqaalaha ka hawl gala kuwa Unta iyo NGO sidii aan horeba u soo sheegay.

Waxaan iloobayn kaalintay ka qayb qaateen xubnaha ay ka mid ahaayeen Laura Hammond, Matt Bryden, Emanual (laangadhe) sidii qamadigii mucaawinada ee loo waday dalka Itoobiya sidii loo soo marin laha dekada Berbera, arrinkaas oo markay hirgashay dhaqaalaha dekada iyo dalkaba sare u qaaday, furtayna kana qayb qaadatay dhismaha magaalada caan ka ah ee Wajaale.

Emanual (laangadhe) waxay saaxiib ahaayeen kooxdaas aanu isku xidhnayn waxaanu u dhashay dalka Belgium waqtigaana waxaa uu la taliye ugu shaqayn jiray hay’ada DANIDA ee laga leeyahay dalka Denmark, waxaanu sahamin ku sameeyey miinada iyo gantaalihii ciidankii dawladii soomaaliyeed ee duugoobay oo khatar ku hayey dadka iyo noolaha kaleba kuwaas oo ahaa sancadii Ruushka, si arrintaa wax looga qabto waxaa uu farsamadooda iyo habka samayskooda ka soo helay hay’adihii Maraykanka e la socday sida loo sameeyo hubka Ruushka,, gantaalaha oo hargaysa iyo Berberaba ku wareegsana. Waxaa ninkii Emaul ii sheegay in ninka Euda u qaabilsan dhinaca Logistics e jooga Adisababa uu yahay nin Belgium u dhashay ayna isku magaalo ka yimaadeen aqoon weyna ay isu leeyihiin ninkaas oo la yiraahdo Pascal Johnson oo ay wada yaqaaneen kooxdani (Matt, Laura & Emanual) kaas oo ay ka dhaadhiciyeen in Berbera iyo Soomaliland tahay meel nabad ah oo macaawinadda raashinka Itoobiya loo soo marin karo, Pascalna arrintaa waa ku dhiiraday madaxdiisina wuu ku khasbay oo sidaas ayaa markabkii u horeeyey ee raashinka u siday Itoobiya ku soo xidhay dekada Berbera horantii sanadkii 1999.

Arrintaasi si sakhsi ah ayey ku bilaabantay oo aanay dadka intiisa badani aanay ka war hayn. Mudadaas aan joogay wasarada Qorshaynta waxaa ii suurta gashay in aan ka mid noqdo dhawr wefti oo uu Madaxweyne Cigaal hogaaminayey oo dalka dibada uga safray. Kii u horeeyey waxa uu aha 1998 oo ahaa shirka Madaxweynayaasha dalalka IGAD oo lagu qabanayey magaalda Jabuuti, shirkaasi waxa uu lahaa sheeko gaar ah waxaanu ka mid ahaa waxyaalihii kala fogeeyey xukumadaha Soomaaliland iyo Jabuuti ee waqtigii Madaxwyne Cigaal.

Mudane Maxmuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo ahaa wasiirka arimaha dibada markaas ayaa socdaal uu ku tagay Jabuuti ka soo noqday waqtigaas oo uu xafiis ka soo furay magaalada Jabuuti loona magaabay Cumar dheere weliba xafiiska laga siiyey guryo ay dawladii hore ee Soomaaliya ku lahayd magaalada Jabuuti mid ka mid ah, waxaa uu Mudane Fagadhe ka sheegay shirkii golaha wasiiradda in Madaxweyne Cigaal lagu marti qaaday inuu khudbad war bixin ah oo ku saabsan arrimaqha wadankii laysku oran jiray Soomaaliya ka soo jeediyo shirka Madaxweynayaasha dalalka IGAD, arrintaas oo ay waqtigaas ka hadlayeen madaxweynayaasha halkaas isugu imanyey.

Madaxweynuhu arrinkaas aad ayuu ugu diyaar garoobay, markii ay soo dhawaatay mudadii shirka waxaa hore loo sii diray labada wasiir ee Arimaha dibada iyo Maaliyadda oo kal ahaa Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) iyo Axmed Maxamuud (Siilaanyo) si ay weftiga madaxweynaha googol xaad ugu sii sameeyaan. Waxaan ka mid noqday weftigii madaxweynaha oo ahayd markii iigu horeysay oo aan Safar dibada ah u raaco waxaa kale oo waftigaa ka mid aha Yusuf Caynab Muuse oo ahaa wasiirka gaashandhiga, Cali Sh. Ibraahim Aareeye oo ahaa wasiirka Dalxiiska iyo dhaqanka, Ismaaciil Shaqale oo ahaa taliya ciidanka qaranka iyo xubno ka tirsan xoghaynta iyo ilaalada madaxtooyadda.

Waxaannu hargaysa ka duulnay 14 march 1998 diyaaradda aanu raacnay waxa lahaa shirkadda diyaaradaha e Airjabuuti, diyaaradaas oo aad si fiican loo soo agaasimay hoosteeda iyadoo lagu maamusayo madaxweynaha, waxaa kaloo maalintaas lagu soo daray diyaaradda laba gabdhood oo ah (air hostess) oo hablo quruxbadan ahaa dirayskii diyaaradahana sitay.

Kursi ku dhaw madaxweynaha ayaannu fadhiisanay aniga iyo Cali aareeye, cali waxa uu ahaa ardaygaygii kuliyaddi waxbarasha ee Lafoole wuxuuna aha anin bulshaawi ah oo kaftan badan oo ku hadla af soomaliga sooca gaar ahaan luqada Ciisaha oo madaxweyne Cigaal iyo golaha wasiiraduba aad u jeclaayeen kaftankiisa. Hablahii ayaa noo keenay sharaab Cali ayaa intuu xagii madaxweynaha u jeestay ayuu ku yidhi “madaxweyne hablahani waa Ciise” isagoo quruxda hablaha tilmaamaya, madaxweynihii intuu fahmay hadalkii cali ee tilmaamayey quruxda hablaha ayuu ku jawaabay “Caliyow waa dawladnimada oo uu ku sii daray waqti dhawayd oo aan tegay Nayroobi waxaan la yaabay hablihi Kenyaatiga ahaa quruxdoodi kuwaas oo Lixdameeyadii aan cidina eegi kari jirin foolxumadooda waxaa isbedelkaa u keenay dawladnimada”.

Anagoo weli diyaaradii ku dhex jirna ayuu Cigaal soo hibtay arrin maalmahaas dhacday oo ahayd wasiirkii beeraha ee waqtigaa Marxuun Yaxye X. Ibraahim oo uu xilkii ka qaaday waxa uu yidhi war ninkii Yaxye ee aanu u dirnay dalka Sacuudiga si uu inooga qaado xayiraadi xoolaha ee uu inagu soo rogay ayaa intuu Ismaciil Buubaa guri la galay u markhaati furay dhinaca Sacuudiga war ilayn kan oo kale maynu arag.

Nin naga mid ahaa ayaa cigaal xusuusiyey oo yidhi waa kii golaha ka yidhi ayaamihii aad na magacawday “ madaxweyne ma teenan yar ayeynu iska aaminaa mise Soomaali ka weyn ayeynu raadsanaa” cigaal intuu soo booday ayuu yidhi war anigu arrinkaa ma maqlayn ilayn waxbaan ka oran lahaye,ninkale oo naga mid aha ayaa yidhi madaxweyne markii aanu joognay jabhadii SNM waxa uu aha nin aan la afgaran.

Cigaal ayaa ninki ugu jawaabay bal u kaadi waa waxaan idinku nacaye marka ninka xilka laga qaado ayaad tiraahdaan waxaa ayuu ahaa oo aad wax ka sheegtaane markaan magacaabayo cidna wax kam asheegto.

Waxaan ka degnay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti cabaar ayaan diyaaradii ku dhex jirnay oo aan ciddi noo iman iyadoon cidina garoonka aanay nagu sugayn, nasiib wanaag waxay ahayd bilaha hawada Jabuuti qabowdahay haddi ay kul ahaan lahayd shuf baanu noqon lahayn .anagoo diyaaraddii dhex fadhina oo is eeg eegayna oo markaas sidii lagu yaqanay Cigaal markuu wax saluugo gacanta timaha dhex gelinaya oo fekeraya auaa waxaa noo yimi raxan baabuur ah oo diyaaradii soo hoos joogsaday waxaana ka soo degay Mudane Fagadhe iyo Mudane Siilanyo oo uu la socdo wasiirka Arimaha dibada Jabuuti Mudane Cali Cabdi sidaas ayaanu baabuurti ku raacnay oo aanu tagnay Hutel Shariton o ku yaal xeebta Jabuutioo lagu qabanayey shirka IGAD laguna dejiyey Madaxweynayaashi iyo waftigii shirkaa ka qayb galayey. Wax qolal ah oo loogu talagalay weftigayagu ma jirin, waxaanu ogaanay in Fagdhe iyo Siilaanyo aanay deganayn Shiriton ee ay degan yihiin hotelka mulac.

Cigaal iyo weftigi la socday waxaan fadhiisanayn kuraasta taalay soo dhawaynta Hutalka, mar danbe ayaa waxaa noo yimi nin carab u eg oo sita macawisaha ay ku caan yihiin Yamaniintu markaasu salaamay Cigaal kana cudurdaartay in aan waxba loo sheegin, ninkaa anigu ma garanayn laakin waxa lay sheegay inuu yahay Cabdiraxmaan Boorre oo markaa hutal Shariton wax kulehaa ama lahaaninkaas oo sheeko danbe dhexmari doonto isaga iyo cigaal. Laba qol oo aan fiicnayn ayaa dadkii ku jiray laga saaray oo qol la dejiyey Madaxweynihii kii kalena la wada dejiyey Xoghayntii madaxweynaha oo ahaa C/raxmaan Dalmar, ilaaladii oo ahaa Marxuun Cismaan Dhalac iyo afhayeenkii Cabdi Idiris weftiga intii kalena meel looma helin oo magaalda ayaam meel aan degno ka doonanay, galabtii ayaanu ku soo noqonay Shariton halkaas oonu ku qabsanay shirkooban oo Cigaal noo gudoominayey waxaannu ogaanay in sidii aannu ku soo talagalnay ama wax lanoogu sheegay aanay arrinku ahayn ee isbedel jiro.

Madxweyne cigaal waxaa uu gaadhay go’aan ah in Mudane Caynab iyo Mudane Ismaciil Shaqale beri aroor ay gaadhi raacan oo tagan Lowyacaddo dhinaca Soomaaliland halkaas oo ay ku sugayeen baabuurtoodi, aniga iyo Cali aareeyena aan beri ka soo wardoono Madaxweynaha, subaxdii ayey labadii mudane sidaas ku anbabaxeen dhinacii Soomaaliland, waxa xusid mudan in wasiirka gaashandhiga iyo taliya ciidanku u socdeen inay la galaan heshiis iskaashi xagga nabdgelyadda ah wasiirka gaashandhiga Jabuuti iyo Taliyaha ciidanka, waxaa jirtay waqtigaas ka hor inay dagaalo ka dhici jireen xadka u dhaxeeya labada dal haseyeeshe markii shirkaasi soo dhawaaday in xiisadii siyaasadeed degtay oo labada dal isu soo dhawaadeen, waxaa jirtay in markaa koox mucaarad ah oo hubaysan oo Ciise ah kuna kacsan dawladda Jabuuti inay deganaayeen dhinaca xadka Soomaaliland oo ay dagaalo ku qaadi jireen Jabuuti iyadoo cidamada Jabuutina ay xadka ka so gudbi jireen iyagoo raadsanay kooxdaas.

Markii shirka loo diyaar garoobayey ay dawlada Soomaaliland koxdaas kal dirtay oo qaar la xidhxidhay qaarna lagu amray inay ka guuraan xadka soomaaliland, maalmihii la kala diray kooxdaa ayaa waxa la soo xidhiidhay Cigaal niman madax u aha akooxdaa oo ku yidhi “war anagaa idiin dhaana qoladaa aad nooga hiilnaysane na daaya” sida waxa ku tiraabay madaxweyne cigaal markuu arkay sida loola dhaqmay weftigiisa.

Aroortii xigtay ayaannu shir ku qabsanay qolkii madaxweynaha waxxannu is waydiinay waxa arrinti aanu ku soo talagalnay bedelay iyo sida ay wax u dhaceen iyo sidiiaanu yeeli lahayn , labadii wasiir ee naga soo horeeyey waxay isku dayeen inay noo sharxaan sida ay balantii ku burtay waxayna noo sheegen in uu casumaadda madaxweyne Cigaal ay u fidisay Jabuuti uu joojiyey Madaxweyne Xasan Guuleed Abtidoon hawsha hore ee casumaadana uu lahaa mud Ismaciil Cumar Geelle oo markaa aan ahayn madaxweyne laakin nabadgelyadda dalka gacanta ku hayey sidaas ayey sheegeen inay arrintu u socon wayday, taasi wayna qancin wayday markii hadalkii Aniga igu soo wareegay ayan idhi arrinka meesha ka dhacay waxa masuul ka ah labadii wasiir ee inaga soo horeeyey sababtoo ah markay arkeen in balankii wax ka soo noqday oo is bedel yimi waxay ahayd inay la soo xidhiidhaan Madaxweynah oo jooga Hargaysa intaanu weftigu soo anbabixin, arrintaas oo lagag badbaadi laha ceebta iyo weji gabaxa ka dhacay meesha, taas oo sabab u noqotay xidhiidhkii xumaaday ee labada xakuumadood. Hadalkaygaas may jeclaysan saaxiibaday, waxaanse mar dance maqlay in madaxweyne Cigaal oo aananu aqoon badan isu lahayn waqtigaas uu aad ugu bogay hadalkayga cad, xogtaa waxa mardanbe i siiyey Jaamac Saalax Maxamed oo waqtigaa ahaa wasiirka madaxtooyadda oo aannu mudo badan isnaqaanay ilaa waqtigii caruurnimadda, waxaa uu igu yidhi isagoo ila kaftamaya Geesow awadaa ayaa Cigaal igu siiyey lacag dhan 2000$(laba kun oo doolar) markii aan waydiiyey sababtana waxa uu igu yidhi waqti aad ku maqnayd Egland oo aad ku raagtay mudo 4 bilood ah ayaa Cigaal oo doonaya inuu xilka kaa qaado u soo galay subax, isagoo ogaa inaynu aqoon isu leenahay ayuu igu yidhi ninkii saaxiibka Gees waa goostay oo xilkii ayaan ka wareejinayaa.

Markaas ayaan ku idhi aniguu ila soo hadlay oo waa soo socdaa waanna kii fasaxa ina soo waydiistay oo aynu siinay waxaanna kula taliyey cid kuu dhaanta heli maysid ee hayso., sidaasna wuu iga aqbalay, hadda markaad ka soo noqoteen socdaalkii Jabuuti ayuu iigu mahad naqay taladaydii oo igu yidhi”marbaan nin wayn iga tegi lahaa” sidaas ayu lacagtana abaal gud iigu siiyey.

Dhawr maalmood o danbe ayaan sii joognay Jabuuti markii shirkii IGAD dhamaaday iyadoo ay Cigaal u suura gashay inuu gooni gooni ula kulmo qaar ka mid ah Madaxweynayaashi shirka ka soo qatbgalay, markii weftigii shirka ka qayb galayey ay dhoofeen ayaannu u soo wada guurnay Hutelki Shariton.

Waxaa madaxweyne Cigaal tell u soo diray madaxweyne Xasan Guuleed si ay u dhacdayba Cigaal telifoonki ayuu qaban waayey, markaas ayuu Xasan u maleeyey in weftigii Cigaal dhoofeen oo hutelka ka baxeen, waxa uu si deg deg ah u soo diray koox wasiiradiisa ka mid ah oo ku yidhi gaadha intaanay dhoofin oo iigu keena madaxtooyadda, sidaas ayaa anagoo joogna hutelkii lanoogu yimi oo lanagu geeyey Qasriga madaxtooyadda Jabuuti halkaas ayaannu kula kulanay Mudane Xasan Guuleed anagoo dhan, markii soo dhawayntii iyo salantii dhamatay ayaannu waxaannu u banaynay si ay labada madaxweyne gooni ugu sheekaystaan, waxaa lanna fadhiisiyey qolkale oo ka tirsan qasriga madaxtooyadda halkaas oo aannu ku sugaynay intay wada hadlayeen waxaa nala joogay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo hadda ah madaxweynaha Jabuuti ninkaas oo waqti hore oo aan joogay Jabuuti xilka wasiirnimo ka hor aan aad u maqli jiray hadal hayntiisa isagoo ku caan ahaa ururinta dhaqanka soomaaliyeed, halabuurka, dadka waxka qora dhaqanka iyo suugaanta soomaaliyeed, lana hadalhayn jiray inuu bedeli doono Xasan Guuleed xilka madaxtinimadda dalka.

Markaas oo aragti ahaan iigu horaysay aad ayaan ugu fiirsaday oo aan isha u geliyey waxaan arkay inuu yahay nin gadahayga ah si caadi ah u labisan sigoo sitay isku jog safari ah garkana aan aad u xiirin waxaa markiiba ku soo jiidanayey madaxiisa weyn oo timo weyn lahaa oo aan aad u feedhnayn, indhahiisa waaweyn, nin aad wax u dhagaysanaya oo feejigan, isku kalsooni weynina kaq muuqato, isagoo nala fadhiya ayaa waxa isasoo dultaagay nin dhalinyaro ah oo sita suudh iyo tay, Ismaciil inta uu uga kacay kursigiisi ayuu kursi kale soo qaatay, waxaan la yaabay ninka uu Ismaciil sidaa u ixtiramay ninka u yahay, waxaan ogaaday mardanbe inuu ka mid aha shaqaalaha madaxtooyadda, waqti danbe oo ay ka soo wareegtay 4 sano ayan la kulmay mar danbe Ismaciil isagoo ah Madaxweynaha Jabuuti waqtigaas oo gurigiisa nagu marti qaaday qado iyo barje ayey ii muuqatay fiicnaantiisa iyo caqli badnaantiisa waxa uu ku hadla 7 luqadood oo kala ah Somali, Carabi, Faransiis, Ingiriisi, Canfar, Amxaari iyo Oramo,.

Nin siyaasi ah ayaa waxa uu ku tilmaamay inuu yahay Madaxweynaha ugu caqliga badan uguna xariifsan madaxda Geeska Afruka.waxaannu dib ugu soo noqonay magaallada Hargaysa 19 march 1998 anagoo shan maalmood Jabuuti joognay waxaa uu noo sheegay Cigaal in Xasan Guuleed markii ay wada hadleen uu ka balan qaaday in uu mudo dhaw ku casumi doono tuuladda u ku raaxaysto ee Carta, ayaan darro dib isumay arag intii u xilka madaxweynaha si hayey Xasan. Markii weftigu hargaysa ku soo noqday waxa u Cigaal kala hadlay dadweynaha reer Hargaysa khayriyadda halkas oo ilaa 1958 dadka kal hadli jiray siduu noo sheegay, waxa uu ka hadlay wixii naga qabsaday Jabuuti iyo shirkii IGAD, waxaa uu ku qaadqaaday oo u ku talax tegay madaxda IGAD isagoo mid mid u soo qaaday, waxaannu ku dooday inay nimankaas intooda badani yihiin dhalinyaro aan waxba kal socon arimaha Soomaalida iyaguna aan dhexdooda isku fiicnayn, dadkii arrinkaa wax ka garanayeyna albabadda laga xidhay khudbad dheer ayuu halka la maray isagoon madaxdii IGAD aan kal reebin .

Si ay u dhacdayba mudo yar ka dib ayuu Cigaal martiqaad ka helay dawlada Itoobiya mar labaad ayaa aniguna aan ka mid noqday wefti raacaya Madaxweynaha waxaannu ka dhoofnay Hargaysa 5 may 1998 waxaa weftiga madaxweynah raacay ka koobnayeen aniga Gees oo aha wasiirka Qorshaynta Fagadhe wasiirka A/dibada iyo Cali Warancadde wasiirka H/guud si wayn aya lanoogu soo dhaweeyey magaaladda Adisababa waxaana lana dejiyey Hilton Adisababa. Aniga iyo Warancade waxaanu la kulanay wasiirka ganacsiga Itoobiya oo markaas isku hayey dhawr wasaaradood oo hoos imanayey, waxaa xusid mudan Anigu waxaan siday qoraal aan ku soo samaynay wasaardii Qorshaynta oo ahayd sii diyaar garow ku saabsan waxaan ka wada hadli lahayn anaga iyo Itoobiya, barmaamijkaas aan ula tagnay waxaa ka mid ahaa in dawlada Itoobiya deeq u raadiso dhismaha wadada isku xidha Jigjiga iyo Kalabaydh, in telefoonka Micro-wave laysku xidho.

Iin diyaarada Itobiya Airline timaado Hargaysa waqtigaa Daallo keliya ayaa isku xidhi jirtay, in dhinaca Boosaha layska kaashado, iyo in korontada Itoobiya la soo gaarsiyo Soomaaliland iyo in dekada Berbera isticmaalaan oo wax kala soo degaan, si arrimahaasi u hirgalaan in Baanka Itoobiya iyo shirkadahooda Caymisku Hargaysa ka furtaan xafiisyo, arrimahaas oo dhan waa laysku raacay markaas aye bilaaban tay iskaashiga labada dal arrimahaas qaar ayaa hirgalay qaarna weli way taagan yihiin. Maalintii danbe markii Madaxweyne Cigaal arkayey ra’iisal wasaare Males zanawi waxaa u tegay Cigaal iyo Fagadhe oo keliya, markii aanu waydiinay Fagadhe siday arrinkasi u dhacay waxa uu nagu yidhi waa laydin waayey aniga iyo warancadde, anaguna waxaannu joognay qolalkayaga huteelka cidna nooma iman.

Arrinkaa Aniga iyo Warancadde aad ayaannu uga xumaanay waxaanu u qaadanay in uu ogaan u sameeyey Fagadhe isagoo noo hayey hab maamuuska. Anagoo weli ku sugan Adisababa ayaa maalin waxa uu noo sheegay Cigaal intuu Aniga iyo Fagadhe noogu yeedhay qolkiisa in Safiirka Ingiriiska u jooga Itoobiya uu martiqaad qado noogu sameeyey gurigiisa, waxa uu nagu yidhi anigu tegimaayo dhawr goor oo horena waan is aragnay oo waxa uu igu soo kordhinayaa ma jirto ee labadiinu u taga, arrintaasi aad iyo aad ayey iiga yaabisay waanna garan waayey sababta uu cigaal u tegi waayey martiqaadka safiirka Ingiriiska, arrinkaas gadaal ayaan ka ogaaday si dadban.

Waxaa waqtigaas Jabuuti tegay Cali sh Aaraye oo ka keenay mucaawino ka kooban baabuur qaboojiye ah iyo cagafcagaf iyo xooga dirays ah oo dawlada Jabuuti ku deeqday markaas oo roobab duufaano wataa ka da’een Saylac oo ay wax yeeleen, golaha wasiiradda ayuu Cali ka sheegay deeqdaa uu ka keenay Jabuuti isagoo ku bushaaraynaya, Cigaal intuu ku qoslay ayuu yidhi Caliyow wax ka weyn a xooggaa diraysa ayey Jabuuti ina tari kartaa haddii ay doonayso.

Waxan ogaaday in uu Cigaal qoraalo badan kula xidhiidhay dawlada Ingiriiska oo gumaysan jirtay Soomaaliland mudo 80 sano ah oo dad badan oo reer soomaaliland ahina ay ku waayeen naftoodi iyagoo u dagaalamaya dawlada ingriiska dagaalkii labaad ee dunida iyo Jabuuti oo uu af iyo adinba ula tegay si kasta ha ahaate labadaas wadan oo uu aad isugu halaynayey inay wax kala qabtaan arrimaha Somaliland nasiib daro labadaba siduu ka filanayey kama helin sidaas awgeed niyad jab ayaa kaga dhacay dhacdooyinkaa ayaa ku kalifay in uu qadadii safiirka tegi waayo. Waxa kale oo aan maqlay oo ah sheeko dadka badan oo reer soomaliland ahi aaminsan yihiin lkaakiin aanan hubin xaqiiqdeeda oo oranaysa sababta mar labaad Cigaal loo xidhay oo jeelka loogu taxaabay waqtigii Siyaad marr uu Cigaal safiir ka ahaa dalka Hindiya 1975-76.

Waxay sheekadaasi oranaysaa xadhigaasi waxa uu la xidhiidhay arrin ku saabsan dalka Jabuuti oo ah Mudane Xasan Guuleed aya waqtiga Cigaal safiirka aha booqday Hindiya isagoo u olalaynay gobanimadda Jabuuti waxaa uu Cigaal kula taliyey Xasan inaanu waxba Soomali wayn ku soo biirin ee uu madaxbanaanidiisa gooni u haysto arrinkaas ayaa Cigaal uu ku soo dacweeyey ninkii safaarada uga hooseeyey oo la oran jiray Ina Yusuf Mareexan sidaasana mar labaad cigaal lagu xidhay, iima suurta gelin in aan Cigaal arrinkaa ka hubiyo markii danbe ee aannu aad isu baranay oo uu iiga sheekayn jiray taariikhdiisa iyo tan Soomaalida.

Mar uu arrimaha Jabuuti ka hadlayey waxa uu ii sheegay markii uu ahaa Ra’iisal wasaaraha ka ahaa soomaliya 1968 uu socdaal ku tegay wadanka Faransiiska Pris uu la kulmay ra’iisal wasaarihii waqtigaa Mr Diigool hadalkii dhex maray waqtigaa ayaa madaxnimada Jabuuti siisay Ciisaha hadii aanan la kulmin weligii Cali Caaraf iyo danaakiladda aya xukunka hayn laha, si kasta ha ahaatee Cigaal quus ayuu ka joogay labdaa dal Jabuuti iyo Egland oo dad badani isku halaynayaan. Mar Mudane Ismaciil Cumar Geelle uu waraysi siiyey wargays ka soo baxa Jabuuti oo ay dawladu leedahay oo la dhaho Qaran ama Nation waqti uu cilaaqaadka Soomaliland iyo Jabuutiaad u xumaaday ka dib shirkii Carta ee lagu soo dhisay waxa loogu yeedhay dawladda ku meelgaarka ah ee Soomaliya waxa uu yidhi Madaxweyne Ismaciil qolada walaalahayo ee reer Soomaliland waxay na weydiisteen ictiraaf marka aannu niraahno kari mayno cadho ayey jiq iska siiyaa.

Mar danbe oo aan la kulmay nin la taliye u ahaa Madaxweynaha Jabuuti oo aan sheekaysanay ayaa ii sii jilciyey waraysiga madaxweynaha waxa uu igu yidhi dawladan Jabuuti waa dawlad yar oo aan nafuud ama awood badan ku lahayn aduunka kana qaadata dawlado badan deeqo iyo mucaawinooyin sidaa darteed kama hor iman karno go’aamadaurur dawleedyadda sida ururkaJaamacada Carabta, Golaha Amaanka ee qarammada midoobay, ururka Midowga Afrika, ururka dawladaha Islaamka kuwaas oo ka soo wada horjeeda kala go’a Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee burburtay, wax aan naga suurtoobayn ayaad nagu duducaysaan, gaar ahaan dalalka Carabta oo aanu xidhiidh sokeeye leenahay marna ma ogola nin dawladii soomaliyeed la kala gooyo anaguna kama hor iman karno sababtoo ah anagaa u baahan sidaas ayey noogu dudayaan walaalahayaga Soomaliland oo ay u fahmi waayeen mawqifkayaga.

Cigaal waxa uu culays dheeraad ah siiyey wadanka Talyaaniga, dalkaas oo ay dadka reer Somaliland aad u neceb yihiin haseyeeshe waxa u cigaal aaminsanaa in uu yahay dalka qudha ee dib u dhiska Soomaliland iyo soomaaliyaba wax ka qaban kara tiroba laba goor ayuu tegay dalkaa talyaaniga haseyeeshe kuma guulaysan arrinkaas, waxaase markhaati ma doonto ah in mar hore iyo hadaba deeqda ugu weyn ee la siiyo dalki laysku oran jiray Soomaliya ay bixiso dawlada Talyaanigu.

Madxweyne Cigaal shaxda siyaasada dibada waxa u ku aha farshaxan weyn sida loo ciyaaro ayuu aad u yaqaanay mudadii uu soomaliya ra’iisal wasaaraha ka noqday waxaa u noqday iyadoo soomalya meel walba colaadi kaga socoto ayuu furfuray oo xidhiidh la yeeshay Itoobiya, Kiinya iyo Faransiiska oo waqtigaa ay ka talin jireen niman aad aduunka looga tixgeliyo sida Joma keenyate, Xayla salaase iyo Diigool ragaas oo ay madxdii ka horeeyey ee reer koonfureed isku dhereriyeen oo ay dagaalo ku qaadeen iyadoo la doonaya dhul waynaha ay dad soomalidu degto siyaasiyiinta oo garaadkoodu aad u hoosayey, cigaal siyaasadoodi mid ka duwan ayuu jeexay oo madxdaas ayuu xidhiidh fiican la samaystay kuwaas oo uga marag furay siyaasadiisa iyo firfircoonaantiisa wax garad waqtigiii uu dalka xukumayey 1967-69. Waftigayagii waxa uu Hargaysa ku soo noqday 9 may 1998.

Dawlada masaarida ayaa qabatay shir ah dib u heshiisiin Soomaaliyeed kuna qabatay magaaldda Qaahira horaantii sanadkii 1998 sida aadla socotaan. Safiir ka socda dawlada Masaarida ayaa socdaal ku yimi hargaysa oo la kulmay madaxweyne Cigaal oo u sheegay in uu ka soo qaybgalo shirka Soomalida ee Qaahira, Cigaal ma jeclaysan sida uu hadalka u yidhi Safiirku dabadeedna is afgarad la’aan ayaa lagu kal tegay, sidaas awgeed dawladaha Carabta oo ay u horayso Masaridu waxay u qaadeen Soomaliland colaad mudo ayaa sidaas loo kale xidhnaa. Hadaba markii shirkii IGAD lagu guuldaraystay qoladii IGAD oo ay Itoobiya hogaaminayso iyagana waa uu ku laaday oo waxa uu ku yidhi “ arrinka Soomaalida waxay Masar Iyo Itoobiya ka dhigteen arrin ay iyagu ku feedhtamaan” taas ayaa keentay martiqaadka Itoobiya si loo mustafeeyo Cigaal.

Madaxda ururka midowga afrika (AOU) waxa uu u xilsaaray arrimaha soomalida urur gobaleedka IGAD, Itoobiya way ka fogaysay Masaarida inay faraha la soo gashomar haddii aanay iyaddu ku jirin ururkaas, Masaariduna waxay isticmaashay ururka Jaamacadda Carabta iyo kan Islaamka si ay Soomalida faraha ula soo gasho, markii xaalku halkaa gaadhay ayaa dawlada Talyaanigu isku dayday inay labada qolo isu soo dhawayso, waxayna samaysay waxay ugu magacdareen ururka IGAD iyo saaxiibadii taas oo ah in ururkii IGAD lagu daray dalal daneeya arrimaha Soomaaliya oo ahaa Jamacada Carabta, ururka Islaamka iyo urirka EU dalalka Masar, Yamen Iyo Talyaaniga.

Waxaa loo soo diray wefti dalkii laysku oran jiray Soomaliya 1998 weftigaas oo ahaa IGAD iyo saaxiibadiiuuna madax u aha aagaasimaha waaxda Afrika ee wasaarada Arimaha Dibada ee Itoobiyaoo hadana ah safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Jarmalka, weftigaas oo soo maray meelo dhawr ah oo soomaliya ah ayaa soo gaadhay Hargaysa waxaannu la socday aragti siyaasadeed oo la yiraahdo (building blocks) oo ah in qoladii ama kooxdi nabad samaysata halkeeda wax loogu qabto sida Soomaliland, Puntland, Jubaland, Hiiraanland IWM hadhowna maamuladaas la wada hadalsiiyo. Nooca ay wateen waxay ka soo horjeeday shirka Qaahira oo doonayey in mar qudha la sameyo dawlad dhexe o soomaaliyeed. Weftigu waxaa uu ka koobnaa safiiro ka socda dhamaan wadamadda IGAD sida Itoobiya, Jabuuti, Kiinya, Suudaan, Erateriya, iyo Ugaandha,

Cigaal gudi aan ku jiro ayuu u xilsaaray mawqifka ay dawlada Soomaliland ka qaadanayso weftigaa isagoo Draft noo soo qoray ku sabsan arrinkaas ay la socdaan iyo taladiisa, hadaba inkastoo arrinka ay la socdeen uu ahaa mid inoo danaynayey hadana waxaa u cuntami waayey isbarbar dhiga layna barbardhigay maamulada kale ee ka jiray Somaliya.

Waxaa uu ku adkaystay in mawqifka Soomaliland gooni ka ahaado kan soomalida kale, waxaase uu ku dheeraaday wax ka sheega ururka IGAD oo uu ka soo dhigay urur xaaraan ah oo karti uu wax ku qabto lahayn, oo wadamada ku jiraa ay dhamaantood wada col yihiin qaarna dagaalo ka dhex socdaan, waxaa uu ku dheeraaday sida ay wax u heshiisiin karaan kuwa aan iyaguba heshiis ahayn.
Gudigayagii waxaan ku dhiiranay in aan wx ka bedelno Drafkii Cigaal qayb ka mid ah oo uu ku talaxtegay wax ka sheega Jabuuti, isna marki aannu ku celinay aarinka waa nagu raacay waana uu ku qancay in qodobkaa laga reebo, weftigii IGAD iyo saaxiibadii waxannu la shirnay gelin danbe shantii galabnimo (5 pm) dhinaca Soomaliland waxaa uga qayb galay gudigii wasiirada ee loo xilsaaray, Madaxweynaha iyo m/ku xigeenka iyo shirgudoonadaa labda gole (Guurtiga& Wakiilada) halkaas waxaa uu Cigaal ka akhriyey qoraalkii rasmiga ahaa ee qeexayey mawqifka Soomaliland oo ahaa mid lagu gacan shaydhay qorshahii ay weftigu wateen.waxaa casho sharaf loogu sameeyey habeenki Qasriga Madaxtooyadda oo ay uga soo qaybgaleen madaxda hay’adaha ajanebiga ah ee jooga Hargaysa dad badan ka mid aha wax garadka iyo odayaasha Soomaaliland.

Waxaan xusuusta waxanu miis wada fadhiisanay habeenkaas mudane Maxamed Muuse Cawaale wasiirkii Deegaanka iyo ninka u qaabilsanaa EU (commissioner) Soomaaliya oo ahaa nin u dhashay dalka Burtuqiiska, ninkaas anagoo sheekaysanayna ayaan waxaan u timaamay dhawr qof oo ka mid ahaa dadkii reer Soomaliland ee habeenka cashada ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa Maxamed Xawaadle Madar oo aan ku idhi waa Ra’iisal wasaarihii u danbeeyey ee dawladii Soomaliya iyo Axmed maxamed Aadan (qaybe) oo aan ku idhi waa wasiirkii Arimaha dibada ee u danbeeyey dawladii Soomaliya. Ninkaas Bortaqiiska ahi oo ahaa Nin kaftan badan waxaa uu nagu yidhi waxaannu ogaanay in dawladii Maxamed Siyaad ee soomaliya waxa waday ay ahaayeen reer Soomaliland sababtoo ah markii ay burburtay ee aad xagan u soo qaxdeen waa idinkan maamulka samaystay.

Qoladii reer Koonfureed waxba samaysan Kari waaye. Waxaannu isku daynay Hiiraan oo ay nabadi ka jirto in aanu maamul u samayno oo dhaqaale badan ayaanu gelinay haddii aanu nahay EU waxay dhaafi kari waayeen Maxkamado Islaami ah wax ka badan way awoodi kari waayeen inay samaystaan, maalin dhawayd oo aan booqasho ku tegay iyadoo Badhasaabkii aan la socdo oo uu magaalda I tustusayo ayaanu ku soo baxnay dad ay Maxkamadii karbaashayso markaas ayuu iga xishooday oo wax uuu ii sheego garan waayey, waxaanna uu raaciyey Soomalida koonfureed haddii aan maamul loo samayn waxay noqonaysaa xurun hubka iyo daroogada lagu kal iibsado.

Waqtigaa ma ay jirin AL-Qaacida iyo Argagixiso ee wuu ku dari lahaa waayo webiyadii iyo kanaaladii la sameeyey cid lacag ma geliso. Waxa uu hadalkiisi ku soo gunaanaday haddii aydinaan idinku reer Soomaliland ku noqon maamul uma samaysmayo sidaas awgeed waxa uu Caalamku aqoonsaday in aad ka mid noqotaan Soomaliya oo aan laydin Ictiraafin. Arrinkaasi waa naga yaabiyey waannu kala garan waynay in uu nala kaftamayey iyo in run tahay waxaa uu noo sheegay si kasta ha noqotee xubnigii weftiga la socday ee ka socday wadamadda Yaman, Masar iyo Jaamacada Carabtu go’aankaa lagu gacan saydhay weftigaa aad ayey ugu diirsadeen.

Mudo yar ka dibna waa arrinkii dhaliyey in Madaxweyne Cigaal martiqaad rasmi ah ka helo dalalka Masar iyo Yaman waxaa halkaa ku jira arrin yaab ah oo markii hore Cigaal waxaa uu u hiiliyey IGAD oo carabta waa ku laaday hadana IGAD ayuu ku laadan oo Carabtuu soo dhaweeyey, isdaas ayuu isugu ciyaarsiin jiray hadba labadii qolo ee is haysata. Waa danbe waxaan la kulmay khabiir Itoobiyaan ah oo wadankii Soomalia la oran jiray buugaag iyo qoraalo ka qoray oo xog aad ah u hayey waxa uu ii sheegay in dawlada Itoobiya Madaxweyne Cigaal aad iyo aad uga danbayn jirtay iskana ay ilaalin jireen inay ku gefaan waayo waa nin waxkala dooran kara ama leh (choices) sidaas ayuu maalinba dhinacay u badinayso kubada ugu laadi jiray

MAAMUL FIDINTII

Mudadii uu socday dagaalkii sokeeye 1994-96 waxaa maamulka dawlada Soomaliland ku ekaa dhinaca bari degmada Sheekh, hadaba sandkii 1996 markii la isugu yimi shir weynihii beelaha Soomaliland ee lagu soo afjaray colaada sokeeye dibna loogu doortay Madaxweyne Cigaal oo aan anigana ka noqday wasiirka W/ Qorshaynta waxaa xukuumadda soo food saartay xaalad beni-aadanimo oo xun oo ka muuqatay magaaladii Burco oo ahayd magaalada labaad ee dalka waxaa naafeeyey dagaaladii sokeeye waxay ahayd meel beelihii wada daganaa u kala qaxeen Oodweyne iyo Yiroowe, waxaa burburay adeegyadii bulshada sida goobihii waxbarashada, cafimaadka xafiisyadii dawlada , booliiska iyo wixii ummada ka dhaxeeyey oo dhan.

Magaalada waxaa dhextaalay kumanaan miino ah meesha noocaas ah ayey dadkii ku soo qamaameen oo ay dib u soo degeen markii la heshiiyey, waxay noqotay meel xerro dhiig ah oo ay maalin walba ka dhacaan dilal iyo dad ay miino ku qaraxday iyadoo dhakhtar iyo ciidankii nabadgalyadu midna aannu jirin. Maanta magaaldii burco waa magaalo dhisan oo horumar fiican gaadhay waxaa laga dhisay Huteelo waaweyn, guryo waaweyn, waxaa jooga 4 shirkadood oo isgaarsiin, waxay leedahay nal, biyo , dhakhtar, xaga waxbarashada waxaa xitaa laga furay jaamacad, hadaba siday dhakhsaha ugu soo kabatay ayaa ah wax musjiso ah, waxayna tusaale u noqonaysa adkaysiga, isku filnaashaha iyo kartida umadda Soomaliland, waxaa mudnaanta kowaad leh dadweynaha reer Burco ee dalka iyo dibadaba jooga, D/hoose ee Burco oo madaxa ka ahaa Moyar Maxamed Xuseen, masuuliyiinta D/dhexe iyo Madaxweyne Cigaal oo mar walba ku dadaaalayey nabad ku wada noolaashaha dadweynaha reer Burco dhaqaale badan ku bixiyey arrinkaas. Wasaaradda Qorshayntu waxay ka qayb qaadatay isku dubaridka hay’adaha sidii loogu dhiirigelin lahaa inay tagaan burco hawlana ay ka bilaabaan. Waxaa hawshaa gacan weyn naga siisay hay’adda HABITAT ee UN.

Waxaa iyana muhiimadeeda weyn lahayd haddii aan miinada laga safayn magaaladda inaanay dadku ku soo noqon Karin. Madaxweyne Cigaal ayaa dhawr jeer ka codsaday hay’ada UNDP inay arinkaas wax ka qabato laakiin way ka madax adkaysatay iyadoo marmarsiiyo ka dhiganaysay miisaaniyad uma hayno hawshaas, markii xaalku halkaa

marayey ayaa Cigaal waxaa uu dalka ka eryey wakiilkii UNDP ee hargaysa u joogay waxaannu ka mamnuucay inay dalka soo galaan madaxdii hay’adaas ee joogay Nayroobi. Cigaal arrinkaas waa ka noqday markii ay UNDP ogolaatay inay Burco miinada ka saarto taas oo ay shirkad South African ay soo kiraysteen si ay hawshaas u bilowdo.

Hadaba intaan hawshaas la fulin ayaa waxay soo bandhigtay UNDP heshiis ku saabsan arrinkaas oo ay la gelayso dawlada Soomaliland waxayna ahayd inay heshiiska dhinaca Sooamliland u saxeexan wasaaradaaha Qorshaynta iyo Gaashandhiga oo ahayd wasaarada hawsha loo qabanayey oo uu markaas wasiir ka ahaa Eng: Caynab markaas oo hay’ada miino saarka Qaranka la hoos geeyey gaashandhiga oo laga wereejiyey wasarada Dib u dejinta si askar ciidanka qaranka ka mid ah loogu tababaro hawsha miino saarka oo ciidanku yeeshan qayb hawshaas qaabilsan si aynaan cid dibadeed ugu baahan nasiib darro muda yar ka dib ayaa nin madax ka ahaan jiray hay’ada miino saarka oo xilkii laga qaaday ayaa xafiiska UNta ee Newyork fax u diray uu ku sheegayo in macaawinaddi UN ta Soomaliland ay ciidamo ku tababaranayso. Markaas ayaa lala soo xidhiidhay madaxdii UN ta ee Nayroobi joogay oo aarinkaas la soo weydiiyey, markii xaalku sidaa noqday aya mar labaad hay’adii miino sarka la hoos geeyey wasaarada Dibu dejinta ujeedadii laga lahana halkaas ayey ku burburtay, hadana hay’ad walbaa iyadaa cid shaqalaysata oo u tababarata sida DDG iyo Hallo Trust dadkaas oo suuqa gala marka shaqadu ka dhamaato.

Hadaba heshiiskii aanu saxeexaynay Aniga Gees iyo Caynab waxaa ku jiray qodob oranayey 3 bilood ee hore cidda hawshaas wax ku noqotaa wax magdhaw ah kuma laha hay’ada UNDP, qodobkaasi waa nagu adkaaday mashruucuna waxa uu ku xidhan yahay in heshiiska la saxeexo, Cigaal iyo hay’aduna halkay kale joogeen waannu ogayn isku dhac danbena ma aanu rabin, sidaa awgeed ayaanu aniga Gees iyo Caynab anagoo cidna la tashan saxeexnay heshiiskii oo nidhi cida wax ku noqota mudadaas waxa bixinaysa xukuumadda Soomaliland, sidaas ayaa shaqadii lagu bilaabay oo miinadii lagaga saaray Burco taasina waxay sababtay inay dalka yimaadaan hay’ado kale oo miino saar. Waxaa iyana garab socotay hawshaa hawl maamul fidin ah oo maamul loo samaynayo labadaas gobal ee Sanaag iyo Togdheer. Hawshaas laba wefti oo ka kooban Wasiiro, Xildhibaano iyo madaxda kale ee dalka ayaa loo kala diray labada gobol.

Weftiga Togdheer waxaa hogaaminayey Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo wasiirki Maaliyadda waxaana ka mid ahaa Cabdi Aw Daahir wasiirkii Caafimaadka, Daahir sh. Maxamuud Wasiirkii Waxbarashada, Maxamed X warsame, Cali sh Aareye, C/rashiid Ducaale Qanbi iyo Bashiir X Xasan Geelle iyo xildhibaano iyo madax kale.

Weftiga Sanaag waxaa hogaaminayey Jamac Saalax Maxmed wasiirkii Madaxtooyadda waxaa ka mid ahaa Maxamuud Saalax Nuur w/ Arrimaha Dibada, Maxamed Sacviid Gees Wasiirkii Qorshaynta Maxamed Muuse Cawaale wasiirki Degaanka, Cabdilaahi Maxamed Ducaale wasiirkii duulista hawada, Maxamed Faarax Jaahweyn wasiiru Dawlihii A/gudaha, Cawl Suldaan Maxamuud W/xigeenkii Xanaanada xoolaha, Xuseen Faarax Doodi w/ xigeenkii Maaliyadda, , iyo xildhibaano iyo madax kale.

Labadas kooxood waxaa loo diray inay maamul u soo sameeyaan labadaas gobol ayna ciidan beeleedka soo qarameeyaan oo soo dhisaan ciidan qaran, hawshaas oo bilaabantay bishii 6 june socotayna ilaa bisha 10 October 1998 waxaa dhidibada loo soo taagay maamulka D/hoose iyo ka D/dhexe ee labadaas gobol iyadoo lasoo qarameeyey ciidan ka badan 4000 askari.

Waxaa xusid mudan waqtigaa in dhoofkii xoolaha nool xayiraadi saarnayd kaas oo ahaa lafdhabrka dhaqaalaha dalka oo wiiqday wax qabadkii xukuumadda, waxaa yaab lahaa sida lo hirgeliyey barmaamijka intaa baaxad le’ag iyadoo aanu dhaqaale jirin. Mar aan arrinkaas kala sheekaystay mudane Siilaanyo oo ahaa wasiirki maaliyadda waxa uu igu yidhi “war nin ka dhiiran ina Cigaal ma arag waayo xoolahii oo la joojiyey dhaqaalihii oo hoosta galay ayuu hawshaas galay xagguu ka keenaya kharashkaas” waxaa hadaba xiiso leh in kharashkaas uu Cigaal ka sii hormarsaday shirkada Total ee dayactiraysay haamaha shidaalka Berbera oo lagana kireeyey, arrinta shirkadaas Tootal oo dalka sheeko badan ku reebtay oo mucaaradku had iyo goor ku doodi jireen in Cigaal lacag ka qaatay iyada oo aan la ogayn meel uu lacagtaa geeyey arrinkaa soomalida ka maahmaahday “ Allow nimaan wax ogayn ha caadaabin’

Anigu waxaan ka mid noqday kooxdii wasiirada ee ka hawlgalay Sanaag waxaan tegay Ceerigaaabo halkaas oo ay iigu danbaysay 5 sano ka hor markii aan ka qaybgalayey shirkii nabadaynta beelaha Sanaag ee aan hore uga soo sheekeeyey halkaas waxaannu joognay 5 bilood waxaannu Hargaysa ku soo noqonay anagoo soo dhisnay Ciidan qaran, Maamulkii gobalka iyo kii degmooyinka soo dhaqaajinay, haseyeeshe hawshaasi ma sahlanayn, waxaannu soo bilownay qaadista cashuuraha D/dhexe iyo tan D/hoose hawshaas waxaa ku dhintay hal askari, dad shicibah iyo askarina waa ku dhaawacmeen, guri waa lagu dumiyey, dad waa lagu xidhxidhay si ay hawshaasi u fusho, baabuurna waa lanaga dhacay inkastoo markii danbe lanoo soo celiyey.

Waxaa nagu soo maray intii aannu halkaas joognay arrimo aan la ilaawi Karin, waxaa dhacday inaanu la kulanay arrimo shaqaaqo dil ah oo dhexmartay laba ardaa oo wada degan Ceerigaaabo kuwaas oo mar horena isku dhacay oo kala ahaa ardaa ka tirsan beesha H/yoonis iyo mid ka tirsan beesha H/jeclo heshiis ayaa hore loogu sameeyey ahaa in cidii wax danbe gaysataa ay keenayaan gacan ku dhiiglaha ayna bixiyaan lacag ganaax ah (boon) oo halkaa taagan ayuu ku soo beegmay weftigu, gacanta danbe ama dilka danbe waxaa geystay ardaaga H/jeclo, ardaaga H/yoonis oo uu ka dhintay ninka danbena waxaa uu ku adkaystay in ninkii dilka geystay la keeno sidii uu ahaa heshiisku , sidaas ayaa ardaagi H/jeclo lagu khasbay inay keenaan ninkii markii ay ka dhego adaygeena waxaa laga xidhay odayaal dhawr ah, ciidan Booliis ahna waa lagu saaray meeshii ninka lagu tilmamay inta cid garanaysa lagu daray, laakiin waxba may soo qaban, anaguna ma aanu filayn in la soo qabanayo laakiin ardaaga kale ayaanu madaxa ugu buuxinaynay in la soo qabto xadhiga iyo booliisku waxay ahayd arrin (psychology) ahaan wax ka taraysay heshiiska beelaha sababtoo ah dhaqanka Soomalida xadhiga iyo jeelka way neceb yihiin.

Arrinkii waxaannu ku soo gabagabynay in ardaagii wax dilay ay bixiyaan mag dheeri ah iyo lacagtii ganaaxa oo dhamayd (100.000,000 sh So) 100 malyan oo aha shilinkii Soomaliga, waxa kale oo aanu hoos ahaan lacag u siinay odaygii dhalay ninkii la dilay si aanu u samir siino isagoo lahaa wiilka oo keliya. Ardagi H/jeclo waxannu kula balanay inay lacagta ganaaxa hada bixiyaan si aannu hawsha u furdaamino magtuse geed ka go’an ayey ahayd oo waa laga balamayey, sidaas ayey ku bixiyeen lacagtii ganaaxa ahayd iyagana dawlada ayaa mardanbe dib ugu celisay sidaad oo kale marar badan ayey dawladu beelaha ka bixisay mago iyo ganaaxyo si loo ilaaliyo nabada iyo wada noolashaha bulsha weynta Soomaalialnd sababtoo ah nabada ayaa wax walba laga horumarin jiray sidaas ayeyna Soomaaliland ku horumartay iyadoo nabada loo huri jiray naf iyo maalba.

Waxaa iyana xusid mudan sida lagu bilaabay cashuuraha gobalka Sanaag kan D/dhex iyo tan dawaladda hooseba.waxaannu u yeedhnay ninkii jaadka Ceerigaaabo wakiilka ka ahaa oo nidhi imisa ayaad cashuur na siin kartaa waxaa uu noo sheegay in uu iibiyo 100 marduuf maalintii uuna na siinayo halkii marduufba 1000 (kun shilin oo soomali ah) waan ka aqbalnay, waxa kale oo aanu u yeedhanay ganacsatada kale ee wax kala soo degta xeebta maydh xoolahana ka dhoofisa iyagana waxaanu kula heshiinay intay awoodayeen taas oo ahayd 1/3 cashuurta laga qaado dalka , markii aanu helnay cashuuraha ayaanu amaahanay laba gaadhi oo ahaa Landrover oo aanu saarnay askar ah ilaalo ah oo habeenkii magaalada wareega taas oo wax weyn ka tartay tuugo waqtigaa magaaladu qaati ka joogeen anagoo u qornay askartaa lacag masaariif ah iyo shidaal laga siinayo lacagta cashuurta ah ee la ururinayo.

Madaxweynaha ayaanu arrinkas u soo bandhignay cashuur jebinta ah isna waa naga aqbalay, sanad iyo badh ka dib cashuurihii kor ayaa loo qaaday oo cashuuraha dalka waa la mideeyey oo waa la simay cashuuraha dalkoo dhan.

Waxa kale oo iyana aan xusuusta markii aanu qaramaynay ciidan beeleedkii waxaannu isugu geynay 600 askari meesha la yirqaahdo Biyo guduud anagoo isku dhafnay oo u samaynay ururo iyo horjoogayaal ciidamadaas oo aahaa ciidan beeleedyadii oo wata hubkoodii fududaa iyo tiknikadoodaba oo aan hore meel isugu iman jirin, halkaas ayaa tababar loogu bilabay oo loogu dhisay xafiisyadii, aqaladii ay seexan lahaayeen iyagoo qotay ceelkii ay ka cabi lahaayeen taas oo dadki degaankana anfacday iyagoo samaystay muufadii ay ku duban lahaayeen rootiga kaas oo ka fiicnayd kii magaalada lagu cuni jiray. Anaguna waxaannu u geynay mashiinkii nalka iyo saxanka dishka si ay uga daawadaan oo ay ugu hamiyan horumarka ay gaadheen dadka dunida kula nool oo ay uga baxaan nolashii day-daynimada . Sidaas si le’eg aye weftigii Burcana u soo sameeyeen maamulkii Gobalka iyo degmooyinka iyo ciidan qaran oo aanu ku soo wada noqonay Hargaysa

Intii aan Ceerigaaabo joognay mar aan ku soo noqday Hargaysa waxan ka mid noqday guddi wasiiro ah oo loo qorsheeyey inay ka qayb galaan kulan saddex geesood ah oo dhex marayey xukuumada iyo labada gole ee Guurtiga iyo wakiiladda oo lagaga arrinsanayey dib u habaynta Distoorka sidii hore loogu taliyey shir weynihii beelaha soomaliland ee Hargaysa wasiiradda hawshaas loo xulay waxay ahaayeen Axmed Maxemed Siilaanyo wasiirkii maaliyadda, Cumar Maxamed Nimcaale wasiirkii A/ gudaha, Rashiid Xaaji Cabdilaahi wasiirkii gaashandhiga, Muuse Xaaji Maxamed (Inji) wasiirkii beeraha iyo Maxamed Saciid Gees wasiirkii qorshaynta kulankaasi waxa uu ka dhacay guriga Goodirka loo yaqaano ee Maxkamadda Sare waxaa shirkaa kka qayb galay Madaxweyne Cigaal, shanta wasiir, labada shirgudoon ee golayaasha Guurtiga iyo wakiilada iyo dhamaan xildhibaanada labada gole shirkaas oo ku saabsana dib u habaynta distoorka iyo xogwaran au dawladu siinaysay labada gole.

Waxaa hadalkii bilaabay Mudane Siilaanyo isagoo hadalkii wata ayaa waxa ka dhabqiyey xildhibaan la yiraahdo Farjar oo muran ku bilaabay, mudane siilaanyo sidii uu ninka ula murmayey ayuu ka duway mawduuci shirka ujeedadiisu ahayd, waxa ku xigay oo iga horeeyey labada wasiir ee Cumar Iyo Rashiid waxa muuqday in aan laga helin hadalkoodi oo laga caajisay markaa ka dib ayuu hadalkii anig aigu soo wareegay markii aan hadalkii bilaabay ayaa si fiican meeshi looga bogay hadalkaygii oo uu sacabku kala go’ yeelan waayey cigaalna aa dugu bogay aniguse ma dareemin oo markii shirkii dhamaaday gurigaygii ayaan ku soo noqday oo nin ayaa gaadhigiisa igu soo qaaday waayo anigu waqtigaa gaadhi ma lahayn, waxaa imi gurigaygii oo sidii caada ahayd waxaan u fadhiistay mijintii gelinka danbe, wasiiradii gaadhiyaasha watay madaxtooyadii ayey madaxweynihii kaga daba tageen, anigoo fadhiya oo ila fadhiyo wasiirka Ciyaaraha hada oo marka aaha sarkaal Baanka ah Maxamuud Saciid maxamed ayaa albaabka la soo garaacay markii laga furay waa askari ka tirsan ilaalada madaxtooyadda oo ii siday bushqad uu cigaal iigu soo dhiibay markii aan ku soo noqday fadhigaygii ayaan furay bushqadii waxaan ka helay lacag dhan 2000$ ( laba kun oo doolar) arrinkaasi waa iga yaabiyey.

Hadaba Marxuun Cigaal waxa uu ahaa ninka caykaas ah oo aan qarsan Karin qofka waxa u ku arko markaas, waxa uu u qabana ma qarsan karo ee markiiba waa u sheega. Cigaal waxa uu aha anin aan la malayn Karin Dec 1997 dabayaaqadeedi anagoo fadhina shirkii golaha wasiiradda ayuu Cigaal yidhi anigu waxaan doonaya in aan istiqaalad dhiibo oo shaqada ka fadhiisto waxaanna u qorayaa labada shirgudoon sida dastuurku qorayo, arrintaasi wareer ayey ku keentay wasiiradii shirka fadhiyey intuu shirkii ka kacay ayuu xagii gurgiisa isaga dhaqaaqay waqtigaas Madaxweyne ku xigeenku Daahir Rayaale Kaahin waxa uu ku maqnaa Ceerigaaabo, cid shirkii gudoomisa ayaannu waynay ka dib waxaannu ka hawlgalnay oo aanu culayska saarnay xildhibaanadii labad agole si aanay u aqbalin istiqaalada shaqo fadhiisiga, maalintii danbe ayey golayaashi ku diideen cod aqlabiyad ah sida as oo uu dastuurku ogolaanayo, sidaa ayuu Cigaal xilkii ku hayey ilaa 3 may 2002 uu ku geeriyooday. Ilaa hada lama garanayo waxa ku kelifay istiqaalada isagoo hayey mudo yar oo dhan 10 bilood markii la doortay 23 feb 1997 hase yeeshe waxa loo badinaya in ay sababtay khilaaf isqabad oo dhex maray Cigaal iyo odayaal reerkiisa ah Habar awal. Sidaas si le’eg aye weftigii Burcana u soo sameeyeen maamulkii Gobalka iyo degmooyinka iyo ciidan qaran oo aanu ku soo wada noqonay Hargaysa

SAFARKII YAMAN IYO MASAR

Waxaa uu madaxweyne Cigaal martiqaadka helay dawladaha Yaman iyo Masar markii uu ku gacan saydhay hindisihii IGAD.

Aniguna waxaan ka mid noqday weftigii Cigaal u raacayey Yaman iyo Masar taas oo noqonaysa markii sadexaad eee aannu cigaal isu raacna socdaal dalka dibadiisa ah, waxaa hore u sii tegay Yaman mudane Maxamuud Saalax Nuur (fagadhe) oo ahaa wasiirkii arimaha Dibada ka dibna waxaa lanoo soo diray diyaarad ay leedahay dawlada Yaman, diyaaradaas waxaanu hargaysa ka raacnay 23ferbuary 1999, waxaa uu ka koobna weftiga madaxweynuhu wasiirka qorshaynta Maxamed Saciid Gees, wasiirka gaaashandhiga Rashiid Xaaji Cabdilaahi, xoghanta madaxweynaha C/raxmaan Dalmar iyo ilaalada Madaxweynaha Cabdi Jaamac sidii ay caadadu ahayd waxa uu madaxweynahu salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan ciidanka qaranka iyadoo ay halkaa ku sii sagootiyeen madaxda qaranka iyo dadweyne aad u fara badan, waxaa diyaarada dalka yamen soo raacay oo la socday niman ka tirsan sirdoonka Yaman, nimankaasi intii uu madaxweynuhu salaanta qaadanyey iyaga iyo duuliyayaasha diyaaraduba daaqaday ka daawanayeen siday mar danbe noo sheegeen waxayna yiraahdeen waxaannu soomaliland moodaynay sida soomalida kale ee waan la yaabnay wadankan ay maamulka , nabada iyo kala danbayntu ka jirto sidaasna waxay gaarsiiyeen dawladoodi taas oo aannu ka garanay sida lanoogu soo dhaweeyey iyo waraysigii lanala yeeshay.

Garoonka diyaaradaha ee Sanca ayaannu ka degnay iyadoo ay nagu sugayeen madax ka socota dawlada Yaman oo uu hogaamiyayey ninka haysta Amni siyaasiga wadanka ama Sirdoonka halkaas waxaa lanagaga qaaday baabuurta dhaadheer ee loogu talagalay marti sharafta waxaanna lana dejiyey Hutel Shariton Sanca, aniga socdaalkan aan ku imi Yaman waxa uu ii lahaa arrimo gaar ah. Waxaa qado sharaf lanoogu sameeyey hutelkii aanu deganayn waxaana ka soo qayb galay madaxa Sirdoonka iyo wasiiro iyo madax kale oo Yaman ah.

Gelinkii danbena waxaannu yeelanay fadhi qayilaad ah taas oo ah arrin ay wadaagan dalalka Yaman iyo Soomaliland waxaanna la fadhiisiyey guriga Madaxweyne ku xigeenka Yaman Abdoo Rabi Mansuur waxaanna ka soo qayb galay wasiirka Qorshaynta Yaman oo hada ah Ra’iisal wasaaraha Yaman Dr. Bajamaal iyo madaxa Hay’ada Amni siyaasiga dalka iyo hawl wadeeno ka tirsan sirdoonka iyo madaxtooyadda, halkaas ayaa jaad iyo badeecado lana hor dhigay dabadeedna waxaa noo bilaabantay wada hadalkii iyo is xog waraysigii. Waxaan xussusta mudane Fagadhe oo ahaan jiray reer Cadmeed ayaa hadba waxa uu weydiinayey niman siyaasiyiin ahaa oo ay isku yaqaaneed Cadan waayo Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirkuba waxay ka soo jeedeen Yamantii Koonfureed (Cadan) nimankii uu magacaabay ayaa waxaa loo sheegay in qaar ay xidhan yihiin, qaarna la dilay kuwana ay dhinteen.mudane Cigaaal ayaa kula kaftamay war cid danbe ha inagu weydiin ilaa fiidkii ayey socotay wada sheekaysigii.

Maalintii labaad ayaa 9 subaxnimo ayaannu la kulanay Madaxweyne Cali Cabdale Saalax isagoo nagu qaabilay qasriga madaxtooyada Sanca waxaa xusid mudan markii aanmu gelaynay qolka weyn ee uu wax ku qaabilo ayaa lanaga reebay shandadihii gacanta ee aannu sidanay taas oo yaab nagu noqotay lakiin dib ayaannu ka ogaanay in Madaxweyne Hore oo Yamanta Waqooyi ahaa lagu dilay Shandad nin Dibloomasi ahi uula soo galay oo Bam ku jiray oo ku qaraxday. Sidaas ayaa shandadaha lanooga reebay dareenka jiray awgiis. Markii aanu u soo galnay Cali Cabdale Saalax intuu kor u istaagay oo salaan noo soo fidiyey ayuu nagu qoslay oo yidhi war nimankan reer Soomaliland buurbuurana, markaa Cigaal ayaa si dhakhso ah ugu jawaabay xoolahii aad naga xayirteen ayaannu cunay halkaas oo lagu wada qoslay, la yaab ma laha waayo nimanka meesha marayey waxay ahaayeen Cigaal, Fagadhe, Rashiid iyo Gees.

Madaxweyne Cali waxa uu hadalkisi ku bilaabay waxaa ii waramay Madaxweyne ku xigeenkii iyo madaxdii kale ee aydin is aragteen iyadoo ay markaas la fadhiyeen madaxweyne ku xigeenkii, wasiirki Qorshaynta iyo madaxii Amni siyaasigu ee aannu shalay wada fadhinay.

Waxaa uu yidhi aad ayaannu ula soconaa arrimaha dalkii la Oran jiray Soomaliya waxa ka socda anagaana ugu dhuun daloolna waxaannu nahay dalka carbeed ee ugu dhaw juqraafi ahaan, kumayaan qaxooti ah aya degan dalkayaga oo ka oo qaxay

dagaalda ka socda. Idinka reer Soomaliland waxa u isticmaalayey erayga (ardu soomaal ) waannu ka war ahyna in aad nabad tihiin oo aad maamul samaysateen sidaas awgeed ayaan diyaaradayda idinku soo diray oo ugu soo aaminay, qolada kale ee qabqablayaasha dagaal ee Soomaliya halkan ayaan isugu yeedhay oo aan isku dayey in aan ku heshiisiiyo oo nabadgelyada la soo celiyo waan af garan waayey, kuwa wax qabsanay ma aha waannuna ugu taag weynay.

Hadaba idinku waxaad leedihiin maamul, ciidan, booliis, markuu halkaa marayey ayuu na waydiiyey tirada ciidankeena, waxaannu u sheegnay inay dhan yihiin 20,000 (labaatan kun) askari, waxa uu yidhi waxaan idiin soo dirayaa niman farsamo yaqaan ah oo idiin kiciya taangiyada iyo Beebeeyada idinka fadhiya, hase yeeshe waxaan idinkula talinaya Jaamacadda carabtu idin ictiraafimayso waayo haddii ay idin ictiraafto waxaa jira dalal badan oo Carab ah oo doonaya inay kala Googo’aan sida Suudan, Ciraaq, iyo Al jeeriya kuwaas ayey ka baqayaan inay kala furfurtaan. Anagu reer Cadmeedka arrinkaas waannu ku dagaalanay dhawaan. Sidaas awgeed maslaxada Carabta kuma jirto.
Hadaba waxaan idinkula talinayaa oo aan weliba gacan idinku siinayaa in aad idinku sheegataan dawladii soomaaliyeed oo aad ka noqotaan goosiga, anagu waxaannu noqonaynaa dawlada ugu horaysa oo idin ictiraafta dalalka khaliijkana anigaa ictiraaf iyo dhaqaale aad dalka ku dhistaan idinka raadinaya dhamaan waan isku fiicanahay weliba waxaan ka bilabayaa Suldaanka Cumaan Suldaan Qaabuus, markii uu halkaa marayey ayuu eegay dhinacii Marxuun Cigaal. Madaxweyne Cali ayaa hadalkiisi ku soo dhameeyey ha la degdegina ee ka soo tashada oo weliba waa idinkan ku socda Masar ee la soo qaada arrinkaas oo ha u sheegina in aan anigu idiin soo jeediyey waayo wax aan xagooda ka iman ma aqbalaan oo jaamacada Carabta iyaga iska maamusha, waa idinka caawa dhoofaye soo noqodka ayeynu isa sii arki doona.

Waxaa lanoo soo xejiyey diyaarad ay leedahay shirkada Luftahansa oo caawa tegaysa Qaahiro first classka sidaas ayaanu ugu baqoolnay Masar.

Sidii aan hore u soo sheegay aniga safarka Yaman ku imi oo aan la kulmay madaxda Yaman ilaa Madaxweynihii arrin gaar ah ayuu igu joogay waxaa uu igu riday fikir xaga nolosha ah waxaanna xususutay oo I taabatay aayada Quraanka ( )waayo 1992 ayaanu nimi yaman aniga iyo qoyskayga oo qaxooti ah meesha aan manta ku imi anigoo ah marti sharafeed, waxaan ka baqi jiray in aniga iyo reerkayga lana raaafo oo lana masaafuriyo, marka aan ka soo baxo ama ku noqonayana waxay igu ahayd mushkilad maantana sidaas ayaa lanoogu soo dhaweeyey miyaanay mucjiso ahayn.

Markii aanu joognay Sanca ayaa mudane Fagadhe la xidhiidhay safiirka u fadhiyey Masaarida dalka Yaman ee magaalada Samca oo u sheegay in aanaanu ku degay meelihii la dejin jiray hogaamiyaasha dagaal ee reer koonfureed, sidaa darted waxaa lanagu dejiyey hutelka weyn ee Ramsiis Hilton ee ku yaal coonka webiga Niil markii ay saacada Qaahira ahayd 4 subaxnimo ayaannu ka degnay Airporka Qaahira, waxaanna lanoo sheegay in beri 9 subaxnimo aanu la balan sanahay wasiirka Arimaha dibada Masar Camri Muusa oo hada ah xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta. Anagoo aan waqti badan seexan oo aan hurdadii ka bogan ayaannu 9 subaxnimo la kulanay mudane Camar Muuse wasiirkii arimaha dibada ee Masar.

Waxaa uu iila muuqday nin dabacsan oo aanay ku jirin isla wayni, waxa uu nagu qaabilay xafiiskiisa si fiican ayuu u dhagaystay Madaxweyne Cigaal o ay marhore kulmeen 1994, Cigaalna si fiican ayuu uga hadlay arrintii Soomaliland waxaa uu noo sheegay in aannu la kulmi doono madaxda kale ee dalka Masar marka laga reebo Madaxweyne Xusni Mubaarak oo socdaal dibadeed ku maqan, kulankayagii labaad waxaannu la kulanay madax Amni Siyaasiga ama Sirdoonka ninkaas oo layiraahdo Cumar Sulaymaan ninkaas oo lagu wado in uu bedelo Xusni Mubaarak sida ay jaraaidku qoreen , waxaa ka muuqday in uu xog badan u hayo Soomaliya iyo Soomalilandba halka ay kal marayaan iyo waxa ka socdaba uuna ka aragti duwan yahay wasaarada Arimaha dibada ee dalkiisa sida aannu ogaan doono is waraysi dheer ka dib.

Waxaanu isna la kulanay Wasiirka Waraabka iyo Beeraha ee Masar oo la yiraahdo Yusuf Waalioo isla markaa ahaa ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka iyo Gudoomiyaha xisbiga dalka ka taliya oo ilaa waqtigii madaxweynihii hore ee geeriyooday Anwar Sadaat ahaa wasiir oo noqonaysa mudo 20 sano ah, waxaannu ka mid ahaa koox wasiiro ah oo mudo badan xilka hayey laguna naanayso (dinosaur).

Cigaal iyo wasiirkaasi muday murmayeen oo hadalka is dhaafsanyeen muran ku saabsan dawlada Maraykanka oo wasiir Yusuf Waali uu dhaleecaynayo Cigaalna difaacayo, cigaal ayaa hadalkii ku soo gunaanaday 12 sano ayaan laygu xidhay raacsanaantayda Maraykan, aniga iyo weftigayagii waxaannu la yaabnay murankan aan waxba noogu jirin ee waxa keenay, mar danbe waxaannu ogaanay in wasiir Yusuf yahay dadka ugu dhawdhaw Maraykanka oo uu Cigaal baadhanayeysi uu u ogaado ryigiisa. Mawqifkayaga socdaalka waxaa ugu waynaa sidii Sacuudigu nooga qaadi lahaa xayiraada xoolaha loo dhoofin jiray saylada Sacuudiga si arrinkaasi Masaaridu nooga caawin lahaa, waxaannu wadanay warbixin ay soo saartay hay’ada cuntada iyo beeraha ee xafiiskeeda qaabilsan Afrikada bari iyo hay’ada caafimaadka aduunka xafiiskeeda Qaahira EMRO labadaas warbixinood oo cadaynaya in ay xoolaha Soomaliyeed caafimaad qabaan oo aanay waxba ka jirin cudurka lagu sheegay, marka aanu warbixinada hor dhignay wasiir Yusuf Waali.

Waxa uu nagu yidhi waan ognahay oo wax caafimaad daro ahi ma jiraan xoolahiina anigaa la hadlaya Wasiirka Beeraha ee Sacuudiga oo ahaa ardaygaygii oo aanu aad isu naqaano si uu xayiraada xoolahiina uga qaad, mudo yar ka bacdi markii aanu ku soo noqonay Hargaysa ayaa xoolahii u dhoofi jiray Sacuudiga xayiraadi laga qaaday, halkaa waxaa iiga cadaatay in xayiraada dhoofka xoolaha ay ahayd mid siyaasadi ka danbayso ee aanu marna jirin xanuunka lagu sheegay in lagu arkay xoolaha Soomaaliyed ee Rift Valley ( xumada waadiga dilaaca).

Meelkasta ha ka yimaadaan xoolaha Soomalidu 90% waxay ka dhoofaan dekedda Berbera sida awgeed waxaa cad in loola jeedo cuna qabatayn la sarayo dawlada Soomaliland si ay uga noqoto goosashada ay ku dhawaaqday oo ay uga qayb gasho shirarka dib u heshiisiinta kooxaha Soomaaliyeed, waxa taa markhaati u ah xiliyadda xoolaha la xayiray waxay kal ahaayeen Febaury 1998 iyo Decanbar2000 waqtigaa danbe oo shirki Carta socday ee lagu dhisayey dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya(GMT) shirkaas waxa la soo gabagabeeyey dawladana la dhisay bishii Augost xayiraada xoolahana waxaa la soo rogay Decanbar, shirkii Qaahira ee kooxaha Soomaliyeed isna Soomaliland kama qayb gelin waxaa la soo gabagabeeyey Decanbar 1997 xoolahana waxaa la xayiray Febaury 1998.

Halkaas waxa ka cad in Soomaliland iyo dadka kale ee Soomalida ee xoolaha dhaqatada ahi oo ay u yihiin lafdhabarkooda dhaqaale ay jaamacada Carabtu ka dhigatay xoolahooda hub siyaasadeed oo cuntadii daruuriga ahayd ay ka cunaqabateeyaan taas oo ay kumanaan qof gaajo ugu dhintaan sababta cunaqabatayntaas.

Dawladaha Carabta ee Muslinka ahi waxay soo masaafuriyaan xoogaaga yar ee Soomalida ah ee ka xoogsada dalalkooda, wax mucaawino ah ma siiyaan dadka tabaalaysan ee Soomaalida ah qaxootina kama qaadan, umana ogola inay soo galaan wadamadooda halka dawladaha reer galbeedka ah ee gaalada ahi ay boqolaal kun oo qof geeyeen wadamadooda oo siiyeen dhalashada wadamadooda kana shaqaystaan dadkooda ka soo masruufaan iyago weliba iyagu ka daadgureeya xeryaha qaxootiga ee Kiinya, Arrinkaasi waa tii uu sheegay Sayid Maxamed Cabdile Xasan mar la waydiiyey in ay carabta ciidan waydiistaan waxa u yidhi” maandhow ciyaayirka iga daa carabi waa tii”.

Maalintii danbe waxaanu la kulanay madax kale oo ay ka mid yihiin wasiirka waxbarashada oo aanu waydiisanay deeq waxbarasho iyo Macalimiin. Waxa kale oo aanu la kulanay wasiir dawlaha Arimah Afrika oo ay weheliyaan kooxdii qabanqaabisay shirkii kooxa soomaalida ee qaahira oo ay madax ka ahayd gabadha la yiraahdo Dr Faisa abu Naja oo hada u dalacday wasiir dawlaha arimaha Afrika hadaba markii aanu la kulanay kooxda ayuu Cigaal la soo qaaday arrinkii uu ku taliyey madaxweynaha Cali Cabdale Saalax, qoladii Masaaridu intay cabaar aamuseen oo aanay wax xiiso ah u arag ayey noogu jawaabeen anagu kooxaha Soomalida uma kal eexanayno. Sidaa fudud ayey u soo afjarantay mashruuci dawlada Yaman. Markii aanu ku soo noqonay madaxweynihi Yamanwaan u sheegnay wixii aanu kala soo kulanay Masar. Hadaba waxa is waydiinleh haddii talada la qaadan lahaa maxay yeeli lahayeen Cigaal iyo dawladiisa, labada gole ee qaranku, dad weynaha reer Soomaliland, kooxaha reer Koonfureed, dawlada Itoobiya ee aynu jaarka nahay haddi soomaliland la ictiraafo oo la siiyo kuraasti caalamiga ee Soomaliya, iyo dawlada Jabuuti haddii Hargaysa noqon lahayd Caasimada Soomaliyeed. Waa suaalo xiiso leh laakiin aan jawaab u baahnayn ilayn ma ayna dhicine.

Waxaan arinkaa ka sheekaysanay nin aan saaxiib nahay oo aan markaa ku jirin xukuumadii Cigaal laakin mar danbe ku soo biiray waxa uu yidhi Walaahi waxay ahayd fursadb ina dhaaftay haddii la yeeli laha waxa u hadalkiisa ku soo daray horta qolada kooxaha koonfureed marna inama yeeleen, laakiin waxaynu yeelan lahayn sharciyada inaga maqan iyagan waxaa loo arki laha gobalo inag go’ay oo diidan dawlada la ictiraafsan yahay waxaynu heli lahayn kaalmo caalami ah oo aynu dalkeena ku dhisano oo ku horumarino inta qolada kale is haysato, marki aan waydiiyey in arrinkasi inagu celini karilaha Soomaliweyntii hore waxa uu igu yidhi soomali Xamar caasimad u tahay aya la raadinaya ee mid Hargaysi u tahay waa laga carari lahaa waa inta aynu garan waynay sidaas ayey ku suurta geli lahayd Ictiraafka Soomaliland ayuu hadalkiisi ku xidhay. Saaxiibkay sidaas ayuu ku taliyey laakiin waxay ahayd ciyi waa kabaryey oo madhicin dibna u dhici mayso. Markii aanu ka soo noqonay socdaal kayagaas Yemen iyo Masar iyadoo nala soo siiyey idaacada maanta hargeisa ka hadasha; Cigaal wuxuu ka hadlay khayriyada sida caadadiisu ahayd markuu ka soo noqdo socdaal dibadeed dadka ayuu u warami jiray, waxaa uu hadalkiisii ku celceyey madax waynaha Yemeneed wuu ila taliyey laakiin dadka uma sheegin waxa uu ku taliyey.

Hadaba xafladii 18kii may 1999 ee habeenkii lagu qabtay qasriga madaxtooyada ayuu Cigaal kasoo jeediyey khudbad dheer, waxaa xiiso lahayd inuu ku soo qaaday laba wasiir oo ka tirsan xukuumadiisa waxana ahaayeen Md, Yuusuf Caynab Muuse Wasiirkii H/guud iyo Maxamed Siciid Gees wasiirkii qorshaynta wuxuu ku dheeraaday amaanta labada wasiir wuxuuna yidhi; sida labada wasiir ee lugeeya ee looyaqaano nacasyada haddii aan heli lahaa kuwa lamida oo ku jira dawladayda wax badan ayaa noo qabsoomi lahaa, waxaa kale oo uu ku soo qaaday kuna dheeraaday hawlaha wasaarada qorshaynta isagoo ku hadlay af ingriisi oo la hadlaya madaxda hayadaha ayuu ku yidhi kala xidhiidha hawlihiina wasaarada qorshaynta iyadaa u xilsaaran isku dubaridka hawlahaas.

Dadkii xaflada joogey may fahmin arinta wasaaradda iyo labada wasiir ee uu ugu dheeraaday iyadoo khudbada laga sii daynayo idaacada iyo jaraa’idka laakiin aniga xiiso gaar ah ayey ii lahayd sobabtoo ah laba cisho ka hor ayuu iigu yeedhay xafiiskiisa oo igu yidhi sidaan wax kale uga filayey Geesow wasaaradii qorshaynta waad dhistay, halkuu hadal kale iga filayey ayaan ugu hawaabay haa waan dhisay, dib ayuu u fadhiistay isagoo aad moodo in aanu iga filayn jawaabtaa, intuu hadalkii ku soo noqday ayuu yidhi waxaan goostay inaan kuu dhiibo wasaarada maaliyada,hadana waxaan ugu jawaabay anigu qaban maayo wasaaradaas, jawaabtaydii danbe ayaa ka yaabisay, wuxuu yidhi waayo, waxaan u sheegay inaytahay meel warbadan, xaasid badan oo qofka wuxuu doonayo kaa waaya uu ashtako, dacaayad iyo been abuur kugu bilaabayo sidaa awgeed iga daa. Wuxuu yidhi Geesow horaa loo yidhi Canaan ka yaab reer ma doogsho, anigaba waxaa maalin walba la igu hayo waad ogtahay ee xilka waad qabanaysaa, waxaan ku idhi hadalkaa danbe ayaan kaaga aqbalay.

Wasiirka aan ka tirsanaayaa wasaaradu waa Axmed Maxamed Siilaanyo, oo ahaa gudoomiyihii ugu muddada dheeraa Jabhadii SNM aniguna waxaan ahay nin faqasha sida dad badani u arkaan siddaa darteed ayuu cigaal dad waynaha ugu sii bislaynayey isbadalka soo socda khubadiisuna arrinkaas ayey ku fadhiday. Cigaal waxa uu soo wada ama ku talagalkiisa dadka khayriyada ayuu uga sii sheegi jiray oo uu googol dhig uga dhigi jiray, khudbadiisu waxay xusuus u ahaan jirtay ujeedooyin siyaasadeed oo ay horedhac u sii ahan jirtay.

Mudane Siilaanyo ma ahayn nin musuqmaasaq mana ahayn nin cid meel sii dhigtay ee rag dawlada ku jiray iyo rag kaloo xilxl kale hayey ayaa arrinkaas madaxweyne Cigaal geliyey, waayo cigaal hadalkiisi waxa uu ku soo daray ninkii meesha hayey isagoo sheegaya Siilaanyo rag ayuu meelo sii dhigtay lacagna wuu urursanayaa, dib ayaan ka ogaan doona cidda arrinkaa ka danbaysay iyo arrimo kale oo badan. Mmarkii aan helay wareegtadii madaxweynaha ee laygu magaacaabay xilka wasaaradda Maaliyadda Siilaanyana loogu dhibay wasaaradda Qorshaynata ayaa waxaa madaxtooyadda kula kulmay Siilaanyo intuu I gacan qaaday ayuu igu yidhi xalay oo dhan waxaan ka warwarsana xilka laguu magacaabay waayo waa runtii oo wuu adkaa waqtigaa oo xayiraadi saarnayd dhoofkii xoolaha, ciidamo aad u badan laga soo qoray Sanaag iyo Togdheer iyo Burco burbursan oo dib u dhis u baahan dhibteeda ayey lahayd,

Markii aan gurigayga imi ayan tukaday laba ragcadood oo salaatu Istikhaara ah oo aan ilaahay ka baryey in aanu xilkaa igu ceabayn, waxaan xilkii wasaarada tirsaday 27 may 1999 nasiib wanaag isla markii dawlada Sacuudiga ayaa ka qaaday xayireaadii xoolahii u dhoofi jiray, qolo ila fadhiday maalintii aan ducaysanayey ayaa maqlay warkii markaas ayey yiraahdeen waa laga aqbalay ducadaadi. Taasi waxay runtii qayb ka qaadatay kobcintii dhaqaalaha dalka iyo dakhligii xukuumada, dakhligaa dawlada ee kordhay waxa uu suurageliyey in mushahaarkii shaqaalaha la kordhiyo si xaaladooda nololeed kor loogu qaadoiyo in mashaariic dib udhis iyo horumarineed lagu talaabsado, sidii aan hore u soo sheegay xilka wasiirka maaliyadda shaki ayaan ka qabay hasayeeshe falsafadii Cigaal ayaan dhaafi kari waayey ee ahayd in aanay beeline iska yeelan wasaarad oo aanay ka dhigan meel ay iyadu iska leedahay sidaas awgeed ayuu waxaa u ku taami jiray qof kasta oo u dhashay Soomaliland inuu qaban karo xilkasta oo uu u qalmo iyo wasaarad kasta sidaas darted ayuu had iyo goor isugu shaandhayn jiray wasiirada.

Markii aan xilka wasaarada tirsaday waxaa la yaabay kal daadsanaanta ka muuqatay inkastoo shaqaaluhu iigu xog warameen in wasiirkii iga horeeyey hawl badan ka qabtay, waxa dayac badani ka muuqdeen dhismaha xarunta wasaaradda, qalabka shaqada, gaadiidka, isgaarsiinta, iyo shaqaalahaba. Mar haddii xafiisyadii xarunta ay sidaa yihiin maxaa laga malaynayaa laamaha gobalada. Mar aan booqday xafiiska Xisaabiya guud waxaan arkay faylashii xisaabaadka iyo jiwanadii oo dhulka wadhan, xafiiska Cashuuraha berigu isna ka darnaa. Xiligaa aan xilka tirsaday waxa uu aha xiliga Gu’ga aroor ayaan shaqo tegay iyadoo habeenkii oo dhan jir (roob) ahayd waxaan tegay xafiiskaygii oo ay biyo ka buuxsameen oolaba islaamood ka dhurayaan, markaan waydiiyey waxa biyaha sababay waxay iigu jawaabeen saqafka daarta ayaa soo daroora oo markii roob da’o sidaas ayey meeshu ceel u noqotaa, xafiiska waaxda maamulka ee wasaaradu waxay u ekeyd bush ama sandaqad aan albaab lahayn oo dusha laga dhaco, faylasha xisaabaadkuna meel walba way daadsanayeen, kastamka Hargaysa isaguna ma dhaamin oo alaabta diyaaradaha xamuulku keenaan waxaa lagu soo daabuli jiray baabuur oo intay jidka soo socdaan ayey qaar iska leexan jireen.

Markii aan meeshi arkay waxaan bilaabay wada tashi aan la yeesho Agaasimaha guud, Xisaabiyaha guud iyo Agaasime waaxeedka wasaarada oo sabti walba layugu yimaado oolagu falanqeeyo hawsha wasaarada ooMinutes (Go’aamo) la qaado oo fayl la geliyo. 31 bilood ka dib markii xilka wasarada layga wareejiyey waxaan ka tegay laba fayl oo ay ku jiraan dhamaan wixii dhibaato wasaradda soo maray iyo sidii loo xaliyey oo ay haysay xoghaynta xafiiska wasiirka, waxa kale oo aan qorshaynay in ay galabta Arbacada gelinka danbe ay soo noqdaan Agaasimayaasha waaxyaha ee wasaarada oo diyaariyaan soo jeedintooda si ay sabtida kulanka u keenaan oo lagu go’aamiyo arinkaas waxaan uga dan laha asi laysula socdo oo aanay cidina wax gaar ah aanay qabsan.

Hawshii waxaan ka bilaabay in aan dayactir ku sameeyo xarunta wasaarada iyadoo la dayactiray saqafkii dhismaha xarunta ee soo daroorayey, xafiiska xoghaynta wasiirka oo ahaa meel bahalo ku dhinteen oo iska xidhnaa, waxa kale oo aan dib u dhisnay xafiiskii waaxda maamulka ee wasaarada oo dabaqa hoose ku yaala, waxa kale oo samaynay waaxda Arkiifiyadda oo aan hore u jirin si warqada xafiiska ka baxda iyo ta soo gashaba loo ogaado. Waxa kale oo igu yaab badnaa oo wasaarada maaliyada keliya ma aha ee dhamaan wasaaradihii aan ka shaqeeyey igala kulantay mushkilada musqulaha xumada hore waa anigii u soo sheegay in aan musqul iyo biyo u soo sameeyey wasaaradii Qorshaynta, hadaba wasaaradda maaliyadu waqtigaas waxa ka dhaxeeyey hal musqul oo ku taalay xafiiska wasiirka oo madaxda wasaaradu saf u geli jireen, garan mayo meesha ay tegi jireen shaqaalaha kale, waxaa ayaan daro ahayd in dhismaha wasaaradu lahyd ugu yaraan 3 musqulood oo kale oo intuba laga dhigtay maqaasiino. 3-musquloodba dib ayaan u dayactirnay oo biyo u gelinay silo isticmaali karo. Arrinkaas oo kale waxay iga qabsan doonta wasaarada Arimaha dibada oo iyana musqushii laga dhigay maqaasiin oo iyadana aan dib u hagaajiyey.

Waxaan xusuustay waqti aan joogay Lafoole oo aan dhalinyaro ahaa ayaan oran jiray marka la kaftamayo “ dadka ilbaxnimadiisa waxa laga qiyaasa siday musqulahooda ula dhaqmaan, mar hadii aynu musqulaheena hagaajisan karayn awood aynu dawladnimo ku maamulnaa ma jirto.

Waxaan wasaarada ku xidhay isgaarsiin lah xarun dhaxe (central) oo casri ah oo isku xidhaysa dhamaan waaxyada wasaarada sida Xisaabaadka guud, Cashuuraha beriga iyo Kastamka Hargaysa. Waxaa dhamaaday dhismihii kastamka Burco iyo Kan Kala baydh oo hore loo bilaabay, waxaan dib u dhis ku samaynay Kastamka Saylac iyo Kan Maydh. Waxaanu dhisnay wasaarada maaliyadda ee Berbera, wasaarada Maaliyada Ceerigaaabo iyo Kastamka Airporka Hargaysa, xafiiska Xisaabaadka guud oo aan u samaynay meel lagu xafido faylasha xisaabta iyo jiwanadda iyo deyr aan ku soo wareejinayxafiisyada Xisaabadka guud. Waxaa isna qorshaha noogu jiray deyr aan ku wareejino xafiisyada Cashuuraha beriga oo markaan ka tegay lagu wareejiyey. Xafiisyada cashuuraha beriga ee Gabilay iyo Boorame ayaanu dayactir ku samaynay. Gadiid cusub oo hor leh ayaanu u iibinay wasaarada iyo waaxyaheeda ilaa heer gobol. Anigoo kaashanay hay’ada aanu hore xidhiidh u lahayn ee UNDOS oo ka tirsan jamacada qaruumaha midoobay waxaa noo suurtaabay inaanu gaarsiino xafiisyada xarunta wasaarada, Xisaabka guud, Cashuuraha Beriga, kastaqmka Berbera, cashuuraha beriga iyo xisaabiya guud ee Berbera. Sidaas ayaannu qalabkii hawshu ku socotayna wax uga qabanay.

Shaqaalaha Wasaradda

Shaqaale badan oo tiradoodu gaadhaysay ilaa 800 qof ayaa wasaradda maaliyadda mushahaar ka qaadan jiray oo ay intooda badani xil hayn, goobaha dakhligana waa lays dul buuxay, dadku waa wada macaan jecel lacag aya la wada raadinaya, waana gartood oo mushahaar ma qaataan. Kastamka Berbera waxaa ku qornaa 82 shaqaale ah kan Kalabaydhna ilaa dhawr iyo sodan shaqaale isla markaana shaqaale badan ayaa tubnaa gidaarka xarunta wasaradda ooloo yaqaanay Buul oo mushahaar uun qaata lakin aan wax shaqo ah hayn. Waxaa waqtigaa wasiirka la kulmi jiray oo ilaa maantana socota sidaan u malaynayo arrin la yiraahdo waasto oo ah Wasiir inan wada, Xildhibaan inin wada, Suldaan inin wada iyo saaxiib inin wada.

Oo dhamaantood rabaan meel uu ininku soo ilaashaday in la geeyo, hadii aad ku tiraahdo waryaa ininku waa shaqaale mushahaarna waa qaata, waxay kuugu jawabayaan waxaan u doonaunaa meel uu wax ka dhadhamiyo, taas oo macnaheedu yahy meel uu wax ka xado, waanna qodobka ugu weyn ee Soomaliland iyo Soomaliyaba aanu maamul dawladeed uga tisqaadayn, waayo dadwaynahii aya mar raali ka ah in xoolaha dawlada la xado marna oranaya maxay dawladu hawl u qaban wayday oo horumar u samayn wayday. Arrinku waa “ Beerka jecli xaydha jecli” si kasta arrinkaasi ha ahaadee waxaanu isku daynay Aniga iyo Madaxdii wasaaradu sidii aanu shaqaalaha wax ugu qaban lahayn anagoo la kaashanayna Hay’adii shaqalaha dawlada (civil service commission) oo markaa ka hor aan cidina hor tegi jirin aan ahayn wasiir qof shaqaale ah ka xalalaysanaya. Waxaanu qorshaynay Imtixaan ah afar derejo ABCD oo aanu u soo bandhignay shaqaalihii qof walba darajaduu doonaya in uu isu diiwaan geliyo una diyaargaroobo imtixaan, iyadoo intixaanka laga qaaday shaqaalihii oo dhan oo qof walba goobtiisa lagaga qaaday, imtixaanka cidid ku dhacday waa la eryey ciddii aan ka qayb gelina waa la eryey.

Miisaaniyadii 2000 ayaa loogu daray shaqaalaha mushahaarkoodi cusbaa ooloo kordhiyey laguna qorsheeyey derejooyinka shaqaalaha waanna marka keliyaee intay jirtay Soomaliland horayso iyo danbayso shaqaalaha loo kordhiyey mushahaar. Waqtigaas oo dhoofka xoolahu socday waxa sarifka doolar marayey 1$ = 2500-3000 Sh Sl markaas shaqalaha derajada D waxaa mushahaarkiisu aha a120, 000 sh Sl oo u dhigmaysay 40$. Wadanka Naajeeriya ee batroolka leh ayey waqtigaa mushahaarka qofka u hooseeya ahaa 40$.

Wasaaradihii kale iyo hay’adihii kale iyagana waxaa khasab ku noqday inay imtixaanka galaan si ay u helaan korodhka mushahaarka sidaas ayey shaqaalaha dawlada oo dhami ku galeen imtixaankii oo ay u soo samaysay hay”ada Shaqaalahu, waxaa qorshaha ku jiray inay derejo kastaa yeelato jaranjarooyin sida A1 A2 ama B3 B4.

Hadaba si sare loogu qaado aqoonta shaqaalaha ayaan anigoo la kaashanay ahay’adii UNDOS oo ay wada shaqayntu naga dhaxaysay ayaanu u bilownay koorasyo barashada kanbuyuutarka Agaasimayaashi waaxyaha ee wasaarada oo aanu hoosna u sii wadnay ilaa an gaarsiinay shaqalaha, taasi waxay keentay in siminaar ay qabatay Banka Adunka oo lagu qabtay Nayroobi oo ay ka soo qayb galeen dalal badan oo ah bariga iyo galbeedka Afrika ahi ay xubintii uga qayb gashay Soomaliland lala yaabay oo aqoon u lahayd cilmiga Kanbiyuutarka iyadoo dalal dhisan oo la aqoonsan yahay dadki ka socday aanay warba u hayn cilmiga kanbiyuutarka.

Imtixaankii qiimaynta shaqaaluhu waxa u noo suurta geliyey in aanu helno shaqaale kooban oo ka hawl gala goobahii dakhliga tusaale kastamka Berbera waxa ka hawl geli jiray 82 shaqaale waxaa ku soo hadhay 41meelaha kalena sidaa si la mid ah ayey u yaraadeen, iskasta ha ahaate waxaa dhici jiray inay wasaarada joogi jireen shaqaale buul ah oo ka tirsan waaxda Kastamada halka waaxya kale ay u baahan jireen in lagu so kordhiyo shaqaale kale, hadaba si shaqaalaha waaxyaha wasaarada laysugu dheeli tiro ayaan waxaan sameeyey 40 sarkaal oo ka tirsanaa waaxda kastamka oo buulka ahaa ayaan waxaan u bedelay waaxyaha kale gaar ahaan waaxda Cashuuraha Beriga, arrinkaasi waxaa uu ka mid ahaa arrimihii laygaga bedelay xilkii wasaarada Maaliyadda markii ay cabashooyin beelaysani u tageen dhegihii Cigaal. Cshuuraha Berigu waxay u baahnayd shaqaale iyo qorshe wax qabad waxaan u furay shaqaalaha Cashuuraha beriga ee Xarrunta iyo gobaladaba siminaar ay iyana ka soo qayb galeen Agaasimaayaasha guud ee wasaaradaha kale iyo madaxda Hay’adaha kale ee dawlada iyo waaxda garsoorku iyo xoghayaasha fulinta ee Dawladaha hoose ee dalka halkaas oolagu barayey nidaamka cashuuraha beriga iyo cashuuraha ku baaqda, waxaannu iyagana casuumaad ka qayb gal ah u fidinay ganacsatada waaweyn anagoo kaashanayna Rugta Ganacsiga oo aan waqtigaa lacag aanaanu waydiisanayn oo aanu uga dan lahayn isbarasho iyo siday u bixin lahaayeen cashuurta macaashmacaashka marka la waydiiyo.

Waxaannu ku guulaysanay in aanu kor u qaadno dakhliga cashuuraha beriga, hase yeeshe qorshihii muu wada hirgelin intii aan joogay wasaarada. Waxaan Cigaal kula taliyey inu u magacaabo wasiir u gaar ah ama laga dhigo Hay’ad madax banana oo laga gooyo wasaarada maaliyadda oo ay ku hoos dulman tahay, cashhuraha beriga oo ah asaaska dawladnimo ee la higsanayo oo ah in muwaadin kasta bixiyo cashuurta ku waajibta dakhligiisa maaliyadeed si adeega bulshada loogu horumariyo, hawshaasi waxay sugaysaa in wax laga qabto oo dadka aad loo baro inay wax bixiyaan, miisaaniyad laguma dhiso dakhliga kastamka oo keliya ee waxaa lagu xisaabtama cashuurta ay muwaadiniintu bixiyaan. Waxaa noo suurta galay in aanu furno kastamo cusub sida kastamka Caynabo o keenay in magaalada laga furay Baan iyo kastamka Faraweyne.kuwaas oo kor u sii qaaday dakhligii wasaarada iyo dalkaba.

Comments

  1. $$$ GENUINE LOAN WITH 3% INTEREST RATE APPLY NOW $$$.
    Do you need finance to start up your own business or expand your business, Do you need funds to pay off your debt? We give out loan to interested individuals and company's who are seeking loan with good faith. Are you seriously in need of an urgent loan contact us.
    Email: shadiraaliuloancompany1@gmail.com

    LOAN APPLICATION DETAILS.
    First Name:
    Last Name:
    Date Of Birth:
    Address:
    Sex:
    Phone No:
    City:
    Zip Code:
    State:
    Country:
    Nationality:
    Occupation:
    Monthly Income:
    Loan Amount:
    Loan Duration:
    Purpose of the loan:
    Email: shadiraaliuloancompany1@gmail.com


    $$$ GENUINE LOAN WITH 3% INTEREST RATE APPLY NOW $$$.
    Do you need finance to start up your own business or expand your business, Do you need funds to pay off your debt? We give out loan to interested individuals and company's who are seeking loan with good faith. Are you seriously in need of an urgent loan contact us.
    Email: shadiraaliuloancompany1@gmail.com

    LOAN APPLICATION DETAILS.
    First Name:
    Last Name:
    Date Of Birth:
    Address:
    Sex:
    Phone No:
    City:
    Zip Code:
    State:
    Country:
    Nationality:
    Occupation:
    Monthly Income:
    Loan Amount:
    Loan Duration:
    Purpose of the loan:
    Email: shadiraaliuloancompany1@gmail.com

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

The 1969 Military Coup in Somalia. Part 1- 10. By Dr. Mohamed Rashid Sheikh Hassan. * History*

''The Military Take Over (1969 coup d'état); The Beginning of the New Era'' Forty years have passed since the military forces took over power in Somalia in a bloodless coup overthrowing the post-colonial state founded on western democratic model. I would like to assess the history and the legacy of this regime in a series of articles. The Prime Minster Mohamed Haji Ibrahim Egal was in the United States for an official visit at the time when the news of the assassination of the President, Abdirashid Ali Sharmarke reached him. The constitution of the country stated the parliament must elect a successor immediately, if such a situation arises. When the lobbying and campaigning that who would succeed the President started, it became clear that personal interests were overriding national ones and the new candidate would not be judged by his national contributions or political skills. Reports of money exchanging hands for buying voters

SABABAHA KEENA FURNIINKA QOYSKA

Iyada oo ay jiraan siyaabo badan oo keena furniinka .oo ay dad badani ku kala tageen ayaa hadana waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa dhowr sababoodoo keena furniinka . Iyada oo aanu jirin jacayl dhaba oo ka dhaxeeya lamaanaha is qaba .hadii uu jirana laba lamaane midkoodbaa mid ka kale jecel .oo mid baa ku dulman jacaylkiisa .guurkaasina waxa uu sii jirayaa uun inta uu ka niyad jabayo qofka wax jecli ka uu jecel yahay. 2. Iyada oo aan run laga sheegin haasawaha la wadaagayo guurka hortii . oo mid waliba uu kan kale u soo bandhigayo dabeecado uu ku wanaagsan yahay .isaga oo qarinaya iinta uu mid waliba leeyahay.waxaana jira arrimo uu mid waliba si gaara u sii qariyo raga iyo dumarkuba iyada oo ay jiri karaan qodobo kale hadan laban ayaa inta badan la sheegaa inay adkaato sida looga run sheegaa.(Dumarku waxa ugu wayn ee ay qariyaan waa dabeecadeeda halka ay raguna qariyaan dhaqaalihiisa ) iyadda oo ay dhici karto in labada dhinacba lagu arko labadaa dabeecadoodba