Skip to main content

SABABAHA KEENA FURNIINKA QOYSKA



Iyada oo ay jiraan siyaabo badan oo keena furniinka .oo ay dad badani ku kala tageen ayaa hadana waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa dhowr sababoodoo keena furniinka .

  1. Iyada oo aanu jirin jacayl dhaba oo ka dhaxeeya lamaanaha is qaba .hadii uu jirana laba lamaane midkoodbaa mid ka kale jecel .oo mid baa ku dulman jacaylkiisa .guurkaasina waxa uu sii jirayaa uun inta uu ka niyad jabayo qofka wax jecli ka uu jecel yahay.
2. Iyada oo aan run laga sheegin haasawaha la wadaagayo guurka hortii . oo mid waliba uu kan kale u soo bandhigayo dabeecado uu ku wanaagsan yahay .isaga oo qarinaya iinta uu mid waliba leeyahay.waxaana jira arrimo uu mid waliba si gaara u sii qariyo raga iyo dumarkuba iyada oo ay jiri karaan qodobo kale hadan laban ayaa inta badan la sheegaa inay adkaato sida looga run sheegaa.(Dumarku waxa ugu wayn ee ay qariyaan waa dabeecadeeda halka ay raguna qariyaan dhaqaalihiisa ) iyadda oo ay dhici karto in labada dhinacba lagu arko labadaa dabeecadoodba. Guurkaasina waa uu burburaa marka uu mid waliba la soo baxo dabeecadihiisii dhabta ahaa . layaabna ma laha burburkoodaasi waayo iyaga ayaanan been mooyaane run ku bilaabin guurkoodii . somalida ayaa ku maahmaada (Dumarka beenbaa lagu soo xero galiyaa runa waa lagu dhaqaa ) taasi waa halka ay ka bilaabmato is fahami waaga qoysku .

3. Qofka oo ku dhaqaaqa si sal fudayda guurka iyada oo aanu jirin qorshe ku kalifa in uu guursadaa . waayo dad badan ayaa u guursada (hebelba ama heblaayaba waa uu guursadye guurso,inuu caruur dhalo ,inuu ku raaxayto ) iyo aragtiyo la mida oo aan sidaa u sii waynayn .ma xuma in qofku guursado oo uu caruur dhalo oo uu raaxaysto . ee waxa la doonayaa in la isku qabto dhamaan masuuliyadaas oo aan kali kali loo kala qaadin guud ahaan arrimaha qoyska . oo qofkii qorshaystay inuu u guursado sabab qudha jiritaanka guurkiisu waxa uu sii jirayaa inta ay ka dhamaanayso sababtii .

4. Iyadda oo aan loo marin arooska sifooyinkii uu ILAAHAY raalida ka ahaa .waxaana dhacda in aroosyo badan lagu balaysimo si diinta iyo dhaqankaba ka fog taas oo keensanaysa cadho ilaahay .iyana waxa ay keenaysaa inuu qoyskaasi burburo .

5. Waxa laga guuray qodobkii ugu mihiimsanaa dhaqankeenii marka laga hadlayo arrimaha guurka kaas oo ahaa (in gabadha loo sahan tagi jiray oo la soo ogaan jiray xaafadooda iyo iyadaba dhaqankeeda iyo dabeecadeedaba ) halka ay manta ka marayso (maantaan ku arkay . caawaan ku caashaqay ) taas oo meesha ka saaraysa daraasadii la samayn jiray guurka hortii . iyana waxa ay keen sanaysaa in in hore loo kala tago waayo laba qof oo aan is aqoon oo aan is dabeecad fahmin ayey kulansiinaysaa .

Nin waayeel ah ayaa laga hayaa mar uu ka hadlayey in internetka la iska guursado ayuu yidhi (hooy dhalin yaroy waxa aad ogaataan in aan dabeecada internetka la soo dhigin ee muuq qurxoon uun la soo dhigo ) dardaarankaa waxa kale oo ka mid ahaa . in laga fikiro in uu qofku ogaado waxa shaqsiyada qofka ay is barteen ka danbeeya marka laga tago muuqiisa . waxa haboon in uu qofku ogaado qaab fikirka nololeed ee lamaanaha uu doonayo inuu nolosha la qaybsado .waxa uu ka aaminsan yahay guurka.waxa uu jecel yahay . ama neceb yahay .

6. Labada lamaane ama midkood oo aan ogayn masuuliyada uu leeyahay qoysku .waxaana dhacda in dad badan oo aan masuuliyada naftooda ka saran qaadi Karini ay isku raraan mid qoys taas oo marka danbana ku kalifta inay tahli kari waayaan sidii ay u sii wadi lahaayeen hoygaa .taas oo marka danbana keenta inuu reerkaasi halkaas ku burburo

7. Iyada oo ay yaraato kalsoonida ka dhaxaysa labada lamaane ee is qaba .taas oo keensanaysa inay kala aamin baxaan oo ay isku aamini waayaan hab u socodkii qoyska , iyaduna waa caqabadaha ugu way nee qoys soo food saara keensatana in la gaadho furniin

8. Marka khilaaf soo kala dhex galo qoys wiilka iyo gabdhuba waxa ay tallo ula tagaan ehel iyo asxaab mid waliba cidii uu maciin bidayey . qoyskaasi marka uu halkaa marayo waxa dhaca laba arrimood midkood .waa ta koobaade inay ku hagaagaan dad waayeel ah ama caqli qabeen ah oo u dajiya oo isku soo jiida . kana shaqeeya sidii uu u sii jiri lahaa gurigoodaasi ama waxa ay la kulmi qaar karkaarka waydaariya dhismaha reerkaa .oo taladoodu noqoto mid la eedo oo gurigaa albaabada loogu soo laabo

Qalinkii :Cabdiqaadir Sh Maxamuud Muxumed
Cabdi_sheekh666@hotmail.com

Comments

Popular posts from this blog

XASUUS QORKII GEES GEERIDII CIGAAL KA DIB

Xasuus Qorkii Gees Geeridii Cigaal Ka Dib Qalinkii . Maxamed Siciid Gees Samayntii Distoorka. Haddii aan halkaas kaga yara joogsano nabadayntii beelaha Soomaaliland aan wax yar ka iraahdo Dimuqraadiyentii inagoo ka bilaabayna samayntii Distoorka. Shirweynihii qaran ee Hargeysa lagu qabtay 1996waxaa barber socday Gudi ka kooban 15qof oo Shirgudoonkii shirkuu doorteen inay isku began laba distoor oo mid uu sameeyey Khabiir Soodaani ah oo markii hore loo keenay inuu la taliyo guddigii baarlamaanka ee loo magacaabay oo loo xilsaaray in ay sameeyaan distoor sidi uu Axdi qarameedkii Boorame dhigaayey. Waxaa dhacday in ay is qabteen Khabiirkii oo Madaxweyne Cigaal ku xidhnaa lagana urinayey iyo gudigiiBaarlamaanka. Sidaas darteed waxay arrintii keentay in laba distoor la soo saaro mid Khabiirkii sameeyey iyo mid Gudigii Baarlamaanku sameeyeen . Gudigaas ka koobnaa 15 qof waxay ahaayeen SH.Cabdiilaahi sh. Cali Jawhar Guddoomiye Maxamed Axmed Cabdulle Guddoomiye-ku-x

The 1969 Military Coup in Somalia. Part 1- 10. By Dr. Mohamed Rashid Sheikh Hassan. * History*

''The Military Take Over (1969 coup d'état); The Beginning of the New Era'' Forty years have passed since the military forces took over power in Somalia in a bloodless coup overthrowing the post-colonial state founded on western democratic model. I would like to assess the history and the legacy of this regime in a series of articles. The Prime Minster Mohamed Haji Ibrahim Egal was in the United States for an official visit at the time when the news of the assassination of the President, Abdirashid Ali Sharmarke reached him. The constitution of the country stated the parliament must elect a successor immediately, if such a situation arises. When the lobbying and campaigning that who would succeed the President started, it became clear that personal interests were overriding national ones and the new candidate would not be judged by his national contributions or political skills. Reports of money exchanging hands for buying voters