” Nelson Mandela: Halyaygii Dhabta Ahaa Ee Afrika Oo Geeriyooday – Dr Maxamed-rashiid,A true African Hero has died) Qalinkii: Dr. Maxamed-Rashiidh Sheekh Xasan (Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibeda Somaliland)
December 8, 2013
Nelson
Mandela waxaa uu ahaa halyay Afrika iyo guud ahaan Adduunka oo dhan ka
baxay. Waa ninkii baray dadkiisa iyo dhammaan ummadda Afrika in la is
cafiyo. Markii uu xabsiga ka soo baxay Mandela, wuxuu bilaabay in uu
meesha ka saaro isnacaybkii iyo midab-takoorkii ka dhex jiray ummaddii
cadaanka iyo madowga lahayd ee ku wada noolayd Koonfurta Afrika, una
furo bog cusub oo wada-noolaansho iyo isjecayl ah.
anigu waxaan nasiib u yeeshay
bishii February 1998-kii in aan soo arko halkii uu Mandela ku xidhnaa ee
ku taala Jasiiradda Robben
(Robben Island). Waxyaalaha
cajiibka ah ee xusidda mudan waxa ay tahay in Nelson Mandela uu
xabsigaas ku jiray laba meelood oo ka mid ah marka noloshiisa loo
qaybiyo saddex meelood.
Intii uu Mandela xidhnaa waxaan
ka mid ahaa dadka u dagaalamaay in dib loogu soo celiyo xoriyaddiisa,
si uu u ambaqaado halqankiisa ka-hortagga Midab-takoorka (apartheid).
Markii aan ardayga ka ahaaa London School of Economics (LSE), aniga iyo
ardayda kale ee Afrikaanka ahaa oo aanu ka wada tirsanayn Dhaqdhaqaaqii
Pan Afrika (Pan Africa Movement), waxaan mar walba mudaharaad ku sameyn
jirnay Safaaradda South Afrika ku lahayd London horteeda. Waxaanu Qori
jirnay maqaalo aan uga soo horjeedno midab-takoorka iyo xadhiga Nelson
Mandela. Waxaan ka qayb galay shirar badan oo looga hadlay sidii
xorniyadiisa loogu soo celin lahaa.
Ardayda dagaalka igula jiray waxaa ka mid ahaa shakhsiyada badan oo ay ka mid ahaayeen:
- Mudane Yuusuf Xasan oo hadda ah Xubin Baarlamaanka Kenya ah oo Laga soo Doortay magaalada Nayroobi,
- Prof. Ngugu Wa Thiongo ? oo ah qoraa reer Kenya ah
- Dr. Taajudeen Abdul-Raxeem “Hogaamiyihii Dhaqdhaqaada Pan Afrika (Waxa uu ku geeriyooday Kenya 2011-kii)
- Iyo dad badan oo ololayn jiray Afrika asal ahaana ka soo jeeda qaarada.
Mandela (ama Madiba oo ah
magaca ay ugu yeedhi jireen qabiilkiisu oo macnaheedu tahay “Aabo) wax
badan ayuu qabtay oo lagu xasuusan doono. Waxaa lagu xasuusan karaa
baabiintii midab-takoorka; hirgelintii fikradda in MADOWGA IYO CADAANKU
Wada noolaan karaan. Xaqiiqdii waxyaalihii laga dhaxlay Nelson Mandela
waa kuwo awood badan.
Odhaahyada dhaxal-galka ah ee uu ka tagay Nelson
Mandela waxa ka mid ah mar uu yidhi: “Ummadda South Africa waa in ayna
iloobin wixii soo maray, laakin in ay niyadooda u sheegaan in ay is
cafiyaan (do not forget the past but make you heart to oper for
forgiveness). Arrimaha cajiibka ah ee ay yar tahay in qof bani’aadam ahi
sameeyo waxa ka mid ah in Nelson Mandela uu cafiyay dadkii xidhay ee
mudadii 27 sano ahayd ee uu xabsiga ku jiray. Nelson Mandela adduunka
waxa uu baray macnaha dhabta ah ee cafiska iyo dib-u-hesiishiintu
xambaarsan yihiin.
Iyada oo la waynaynayo
halyaygan ka baxay Afrika, 18-kii Bishii July 2009-kii oo ku beegnayd
maalintii dhalashadiisa ayaa lagu dhawaaqay inay tahay Maalintii Mandela
(Mandela Day), taas oo caalamka laga xuso si kor loogu qaado nabadda
caalamka, laguna xuso waxyaalihii laga dhaxlay Nelson Mandela.
Waxyaalaha muujina qiimaha uu Nelson Mandela uu ku lahaa wadankiisa waxa
ka mid ah qoraal ku xardhan Xarrunta Xusuusta Nelson Mandela (Nelson
Mandela Centre of Memory) oo ah: “Mudane Mandela waxa uu u hibeeyay 67
sano oo ka mid ah cimrigiisa u dagaalanka xoriyadda bani’aadamka.
Dhammaantayo Waxa aynu dalbanaynaa in qof kastaa 67 daqiiqao oo
wakhtigiisa ah in uu ku caawiyo bulshadiisa.”
Markii la soo daaday Nelson
Mandela 1991-kii, waxa uu isla markiiba uu si geesimo leh ula hadlay
quwadihii shisheeye una sheegay in ayna hoos u dhigin cadaadiska ay ku
hayeen dawladdii Koonfur Afrika si loo sameeyo isbadal dhinaca dastuurka
ah. Nelson isaga oo ay ka go’nayd in si nabadgalyo ah wax kastaa u
dhacaan, haddana waxa uu ku dhawaaqay in halgankii hubaysnaa ee Xisbigii
ANC ay halkii ka sii socdaan illaa dadka madow ee ugu tirada badan
Koonfur Afrika ay ka helayaan xaq ay ku codeeyaan.
Sanadkii 1991-kii, Mandela waxa
loo doortay guddoomiyaha ururkii African National Congress (ANC) iyada
oo saaxiibkii Oliver Tambo ku-xigeen loo doortay. Mandela waxa uu halkii
ka sii waday wadahadaladii uu kula jiray Madaxweynihii markaas ee F.W.
de Klerk si loo qabto doorashii ugu horeysay ee ay ku loolamaan
jinsiyado kala duwani (multiracial elections). Qoomiyada cadaanka ee
reer South Afrika waxa ay aad u doonayeen in awooda la wadaago, halka
qoomiyadda madowga ah ee reer Koonfur Afrika ay ka doonayeen in gabi
ahaanba ay a wareegaan majaraha xukunka dalka. Waxa jirtay in in badan
geedi-socodkii wadahadalada cadaanka iyo madowgu uu la kulmay
turaanturooyin kuwaas oo ay ka dhalatay in ay rabshado ka dhacaan guud
ahaan dalka, iyada oo ay ka mid ahaayeen shirqoolkii dilka ee
hogaamiyihii ANC Chris Hani.
Nelson Mandela waxa uu
geeriyooday Bishan December ee aynu ku jirno 5-teedii isada oo ku sugan
gurigiisa ku yaala magaalada Johannesburg.
Somaliland iyo Caalamku Maxay
Ka Dhaxli Karaan Nelson Mandela? Somaliland iyo guud ahaan caalamka oo
dhami waxa ay ka dhaxli kartaan taariikhda Nelson Mandela
isku-tanaasulka, is-cafiska, wada-noolaanshaha, ka-fogaanshaha qabiilka,
iyo wax kasta oo dhibaya midnimada dadka.
Qalinkii Dr Maxamed-Rashiis Sheekh Xasan (Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibeda Somaliland)
Are you in need of a loan? Do you want to pay off your bills? Do you want to be financially stable? All you have to do is to contact us for more information on how to get started and get the loan you desire. This offer is open to all that will be able to repay back in due time. Note-that repayment time frame is negotiable and at interest rate of 3% just email us (creditloan11@gmail.com)
ReplyDelete