Skip to main content

Posts

Showing posts from 2022

Yusuf Garaad

Yusuf Garaad Iyo Hadraawi  Tartankii doorashada Somalia ee uu ka midka ahaa musharixiintii u tartamayay kursiga madaxwayanah Somalia Yusuf Garaad Cumar ayaa qabsoomay  10 September, 2012.  Abwaan Maxamed Xaashi  Dhamac Gaariye ayaa ku geeriyooday dalka Norway 30th September, 2012. Yusuf Garad Cumar wuxu ka soo qayb galay aaskii Abwaan gaariye oo todobaad ka dib lagu qabtay magalada Hargaysa. Dawlada Somaliland oo uu hogaaminayay Mudan Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo kor umay qaadin imaatinkaa Yusuf Garaad iyada oo ay mamnuuc ahayd isku socodka siyaasiyiinta Somalia iyo Somaliland. Dawladii Somalia loo doortay madaxwayihii cusbaa wuxu u magacaabay Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Somali. Alle ha u naxariistee waxaa Hargaysa ku geeriyooday Abwaankii weeynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, Khamiis August 19, 2022 waxana lagu aasay xabaalo ku yaal magaalada Hargaysa wax ka soo qayb galay Yusuf Garaad oo ah nin ah nin saaxiibtinimo wanaagsan leh oo labadaa ninba aaskoodii ka soo muuqday i

Mayerka Burco

Ismanu garanayn horena iskumanu arag waxa kaliya oo aanu ku arkay aaskii Hadraawi ALLAH ha u naxariistee isaga oo daalan kabo ma uu xidhnayn xabaasha ayuu ka soo baxay oo laga soo saray markii maydka la dhigayay isaga oo aad moodo ninka dhintay in uu aabihii ahaa. Xabaasha dusheeda ayaan taagnaa dhooqadii qoyanayd aynu walaaqaynay waxase daal xoog ahi ka muuqdaa Maayerka Burco oo ku jira xabaasha dhexdeeda. Markan waxooga is ag taagnayn ee uu ka tagi wayay xabaashi halka madaxda kale oo dhami ay sawir ku galayeen kana laabanayeen boodhka ayan naftaydu garawsatay in aan si gaara ugu soo tacsiyadeeyo maadama marxuumku uu daganaa magaalada uu odayga ka yahay ee Burco. Mayerka Magalada Burco (Cabdirisaaq Herro) waa nin dhalinyaro ah oo qalbi wanagsan sida iiga muuqatay ALLAH ha dhawro shaqada wanaagsan ILAHAY ha la qabto.

Talo ku socota Madaxwaynaha Qaranka iyo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani

Mudane Madaxwayne Mudane Gudoomiye Kala-aragti duwanaashaha siyaasadu waa quruxda Qaranka Somaliland iyo Dimuquradiyada aynu qaadanay laakin maha wax la isku colaysto oo la gaadho heer la isku tilmaamo budhcad siyaasi, gacan ku dhiigle iyo madax aan miir qabin. Madaxdii Qarankow maxaad ka filaysaan in ay dadka cadowgu ahi idinku yeedhi doonan markaad sidaa iskula hadashaan? Ma'se ka fikirteen dhagxumada dadkiina gaadhaysa?. Hadaydaan isku tudhayn dadkiina u tudha. Waxan idinka codsanaynaa in aad ka kortaan caadifada iyo shaqsi nacaybka aad isku haysaan oo aad ka fikirtaan sidii aad uga wada shaqayn lahaydeen in aan qof danbe inagaga dhiman nacaybkiina gaar ahaaneed. Waxa kale oo aanu idinku dhiiri galinaynaa marka aad saxaafada la hadlaysaan in aydaan isku muuqan ee aad arrimaha taagan ka hadashaan waayo maskaxda teeda wanaagsani arrimaha ayay ku mashquushaan. Wabilahi Tawfiiq Yusuf Habiib Hussein