Skip to main content

Literature


Daba Huwan


1. markay dani meeday tidhi
2. maxaan talo meel ka deyey
3. markaay dani maaha tidhi
4. weydiiyey qof meel ka deyey
5. markay dani maaha tidhi
6. ku laabtay halkaan ka deyey
7. markay dani maaha tidhi
8. ka sii deyey meel la deyey
9. Maxay doqoniiino tidhi
10. ruuxaan jirin raad ku doon
11. intaan isku duubay been
12. ka buuxsaday labada dacal
13 maxay runi daadi tidhi
14. maxaaan arrin dawlis dheer
15. ma diidoo la soo qoqoray
16. ku daabacan baal madow
17. ku daawaday meel madow
18. wax aan duluc sii ridnayn
19. indhuhu ku daraandareen

20. Maxaan dogob beer is idhi
21. daruuro u soo sasabay
22. daryeelka ku maal is idhi
23. biyuhu uga sii dareen
24. Wax aan degdeg jeer ku liqay
25. maxay shishe ii damqeen
26. kashayda dalooshadeen
27. muxuu hadba shay dellegan
28. dareensigu soo tuf yidhi
29. Ummuuraha duur xulka ah

30. duunkayga maxaan qodqoday
31. weydiiyey su’aal da’weyn
32. dibnuhu iga aamuseen
33. Dal xiiska maxaan bilqaday
34. maxaan farax deeddankii
35. maxaan sida daad jirfaday
36. maxaan hadba daaf qulqulay
37. maxaan hadba deex susumay
38. maxaan deli jeer ka dhacay
39. maxay jarar soo dedelan

40. doolaaladu fuul i tidhi
41. dushooda markaan u baxay
42. ha soo degin laygu yidhi
43. Maxaan dihin weel la galay
44. ku dayga maxaan ummuur
45. daboolka ka qaad is idhi
46. cabsidu iska daa i tidhi
47. indhuhu dib u soo noqdeen
48. Maxaan dhilay doog lingaxan
49. hal daahan maxaan furfuray

50. inaan dib u sii xidhxidho
51. garaadku ku daalay yidhi
52. Maxaan dardaraa habeen
53. anoo daba jooga raad
54. dedaalku i soo xidhxidhay
55. dakaanka anoo jiljilan
56. muxuu dayax soo mirkacay
57. degaan kale ii furfuray
58. dayaan igu soo gilgilay
59. Maxaan qoday doox sal weyn

60. maxaan helay deeq mug weyn
61. wax uu dad jeclaan lahaa
62. u waayey wax soo daldala
63. Wakhtigu boqol doocsanaa
64. dersuu kugu beerayaa
65. durduur kugu siinayaa
66. dardaaran adoo qabuu
67. dagaal kugu beerayaa
68. dil buu kugu oogayaa
69. markaad deldelaad gashuu

70. haddana kugu diidayaa
71. dorraato wuxuu ka yidhi
72. intuu ku diruu haddana
73. dabbaal kugu sheegayaa
74. Rugaha dunidaa busho ah
75. indhaha deyayaa xujo ah
76. docaa laga eegayaaa
77. deymaa lagu eegayaa
78 danaa laga eegayaa
79. u daana cid baa taqaan

80. ka daana cid baa taqaan
81. ta doora Rabbaa yaqaan
82. ka dooro adaa yaqaan
83. dildilo rogan baad tihiin
84. sidaad isu doorisaan
85. ayaad isu doorataan
86 markay dihatay dhul tahay
87 markay dihatay dhir tahay
88 markay duhur tiigsi tahay
89. ayay dalandool caddahay

90. duf bay ku sarbeeban tahay
91. dabay ku aleelan tahay
92. lafiba diirkeed qodnayd
93. Dal iyo magac bay lahayd
94. dad iyo mudan bay lahayd
95. duunyiyo mahad bay lahayd
96. diin iyo dhaqan bay lahayd
97. duug iyo dhaxal bay lahayd
98. dan iyo tacab lahayd
99. dedaal xejiyey lahayd

100. xadhkiyo dabar bay lahayd
101. aqoon durugtay lahayd
102. xil daacada bay lahayd
103. duleed jiratay lahayd
104 duggaal hanatay lahayd
105 daw iyo marin bay lahayd
106. dareer taxan bay lahayd
107. dardaaran cad bay lahayd
108. dabool adag bay lahayd
109. digtooni horey lahayd

110. dabaylo hadday ruxaan
111. durbaan weriyey lahayd
112. awaal deyis bay lahayd
113. dawiyo kabashay lahayd
114. xidhiidh degsan bay lahayd
115. dagaag sharafay lahayd
116. duciyo nabad bay lahayd
117. caqiibo danbay lahayd
118. han iyo dugsashay lahayd
119. deeq iyo hirashay lahayd

120. duddiyo gacal bay lahayd
121. dareen xidid bay lahayd
122. xormiyo deris bay lahayd
123.dul iyo magan bay lahayd
124. xishood dedan bay lahayd
125.dux iyo soddoh bay lahayd
126. dumaashi dhan bay lahayd
127. dad kala guran bay lahayd
128. rag iyo dumar bay lahayd
129. nin door taliyey lahayd

130. marwiyo degel bay lahayd
131. duq iyo garashay lahayd
132. haween darbban bay lahayd
133. barbaar diran bay lahayd
134. habliyo dardaray lahayd
135. halyey diriray lahayd
136. darmaan boqran bay lahayd
137. duud iyo oday bay lahayd
138. da’ weyn iyo da’ dhexay lahayd
139. da’aad yaryar bay lahayd

140. is daadihin bay lahayd
141. deryaale cad bay lahayd
142. dalaandaliyey lahayd
143. horweyn dalmaray lahayd
144. irmaan dararey lahayd
145. hal iyo dalawey lahayd
146. wan dool culus bay lahayd
147. sal iyo daab bay lahayd
148. dallaayad saray lahayd
149. shishiiyo duluc bay lahayd
150. wixii dumey bay lahayd

151. Iskuuladu waa dayeyn
152. dammiinnimaday dhigaan
153. dartay uma soo lug go’in
154. duruustu falkay tiqiin
155. daktoor cadoway sideen
156. digrii nacabey sideen
157. xaq bay garba duubayeen
158. Diintay gibil saarayeen
159. waxay dedayeen amuur

160. dhibteedu dib iigu tiil
161. waxay docfaruurayeen
162. dedaal abid soo taxnaa
163. Xafiisyadu waa dullayn
164. dulmay ka horseed yihiin
165. dikteetarraday dhalaan
166. direyska wedkay tolaan
167. dardaaran shishay qabeen
168. dalkay shil u loogayeen
169. dadkay u shidhaynayeen

170. dardaar werin meel u tiil
171. nin bay u danaynayeen
172. dugaagnimaday dhalaan
173. indhaha dannigay dhalaan
174. intii daran bay dhalaan
175. xadhkaha doqonkay tidcaan
176. naftay damac raaciyaan
177. wax bay daba qaadayaan
178. qofkii biyo diid yaqaan
179. darleefyey ninkay baraan

180. sagaashan dabeecadood
181. hadday kol ku soo degaan
182. diihaal iyo saar gumeed
183. ma aamino deeq ka weyn
184. inay laba duul dhintaan
185. Dukaamadu waa nuxuus
186. sun iyo dacar bay hayaan
187. daraandariyey hayaan
188. dareen xagatay hayaan
189. dalaaqda Tusmay hayaan

190. waxay demesh soo rogeen
191. waxay diric raarayaan
192. durraaxad u heesayaan
193. waxa lagu doonayaa
194. wax aanan u daafad hayn
195. waxaan diro lay carree
196. wax soo degay lay cusbee
197. ka dooro intaan lahaa
198. ka sii dar intaan lahaa
199. ku sii dil ayuu lahaa

200. ninkii digashada badnaa
201. Daaruhu tayo waa ka gaal
202. dulmay taran leeyihiin
203. bar duunyo ah waa ka caydh
204. waxay ku dul nool yihiin
205. nin daaqsada xoolo nool
206. dubbaha fakhrigay tumaan
207. waxay derbi jiifiyeen
208. barbaarkiyo doobka nool
209. carwada dibjirkay dhalaan

210. hadday kugu soo durkaan
211. ducaa laga hoos galaa
212. maxay damal weyn shiteen
213. maxay qudhac deebiyeen
214. waxay dab sudheen dhirtii
215. dhulkay midab dooriyeen
216. bal eeg degelkii hufnaa
217. bir iyo waxa daasad yaal
218. bal eega dalkii xalaa
219. waxay lafo daadiyeen

220. Shil baa dunidii ka dhacay
221. daacuun halisaa ku fiday
222. duufaan simay baa la tegay
223. doofaarrada aan gudnayn
224. diinlaawaha gaalku dhalay
225. maxay dulin faafiyeen
226. maxay samo duudsiyeen
227. maxay godob daaqsadeen
228. maxay denbi xoogsadeen
229. maxay dabar soo xardheen

230. maxay dabin soo shaqleen
231. danbeed maran soo asleen
232. Waxay dumiyeen aqoon
233. ilaa dura soo taxnayd
234. waxay damiyeen ilays
235. u daaran qof meel lahaa
236. waxay kala daadiyeen
237. daryeel isu dheelli tiran
238. naf daahira bay legdeen
239. docdeeda xun dhiiriyeen

240. dan bay canlabeebiyeen
241. dawgeedu xidhiidhsanaa
242. waxay iga soo duween
243. jidkaan isku daawan jiray
244. waxay dibad yaaliyeen
245. nin tiisa u door ahaa
246. in loo dawaray rabeen
247. da’diisa nimaan baryeen
248. waxay ka dhigeen dadkii
249. af iyo labadiisa daan

250. duugii ubadkay cuneen
251. wixii jiray bay dubteen
252. dusuud madhan bay dhigeen
253. halkii beri doobi yiil
254. waxay danbas tuumiyeen
255. rugtii digo loo yiqiin
256. duxdii noloshay tireen
257. waxay debciyeen naftii
258. waxay dacwadheen hankii
259. waxay isku soo dareen

260. dadkii kala caagganaa
261. intii gabadh diib lahayd
262. daf iyo kaman baa la tegay
263. dhulkii darrimaha lahaa
264. deegaantiyo baadku yiil
265. dabaylo cas baa ka kacay
266. dorraatiyo guulihii
267. dallaallimadii dhisnayd
268. wixii dalag meersanaa
269. daaduun qaxay baa ka dhacay

270. wixii duluglaa ka nool
271. dibnuhu dhubbad qaadayeen
272. Dagaalku sal buu lahaa
273. daad soo jabay baan intaas
274. gacmaha ku dabbaal lahaa
275. anigu dirir maan hanbayn
276. doodayduna may hinnayn
277. hub baa lagu diidanaa
278. waxay igu soo dabreen
279. halkay ila doonayeen

280. aniyo debad baanu nahay
281. cidlaan dildillaamayaa
282. daleel madhan baan tubnahay
283. sas iyo dala’asaan qabaa
284. dareen dhidar baan gashaday
285. dugaag falan baan qorrahay
286. daaraantuna way fogtahay
287. duullaankuna waa sidii
288. Haddaad liqday daacadii
289. adaa damacow yaqaan

290. sidaad uga dayn baxdee
292. ku sii dar tu kaa daran
293. Cilmigan dib u heego dhaca
294. cilmigan dul ka xaadiska ah
295. cilmigan sam dawdarka ah
296. caqligu ka daboolanyahay
297. bukaankiyo daafka qaba
298. gumaysigu diin u yahay
299. Ilaah lagu diidan yahay

300. Islaam la dagaalka ah
301. Danaysigu weel u yahay
302. dirsoocu u aabe yahay
303. daandaansigu guul u yahay
304. dabkiyo wada hawsarka ah
305. dilkiyo wada dhiig cabka ah
306. duullaankiyo boobka jecel
307. cilmigan dalandoolka badan
308. Damiirku ka meydka yahay
309. khaansiirkiyo duufka cuna

310. dillaalkiyo tuugga dhala
311. daydaygiyo jeelka qaba
312. wanaaggu ka dayro yahay
313. xumaantu u doorantahay
314. dadkiyo simay xoolihii
315. raggiyo dumarkii furfuray
316. intuu dumarkii is baday
317. raggii dumar qaar ka dhigay
318. af-duubkiyo qoolka taxan
319. Run baa lagu daahayaa

320. Dijaal korayaa qaarsoon
321. Dalaal iyo been madow
322. ninkii run ku doonayow
323. abuurtu dumaal miyaa
324. ma duur iska beermay baa
325. ma baadi dibbootey baa
326. dabaylo xagaa miyaa
327. ma doonni hallawsan baa
328. dusheedu ma goob jin baa
329. durbbaan iyo jaas miyaa

330. dawliil iyo quus miyaa
331. ma buur lagu daalayaa
332. ma boog damaqdaa wadnaha
333. ma doonis calool bugtaa
334. nin tiisu u diirantahay
335. ma suu u dullaynayaa
336. ma shay laga daawadaa
337. garaadka nin daymo dhow
338. ma Daarwin siduu yidhaa
339. daayeer nin ka soo farcamay

340. ma suu u dareemayaa
341. miyaanay dastuur lahayn
342. kitaab iyo diin lahayn
343. miyaan laga sii danbayn
344. sidii daraygii miyaa
345. midhii daraygii miyaa
346. duudduub ku liq yaa ku yidhi
347. Nin diidey inaad run tahay
348. ku dooday inaanad jirin
349. Rabbow dunidaada bilan
350. dunteeda ma sheegi karo

351. Daayeerka waxaa ka yimi
352. waxaan dad habboon ahayn
353. innagu dir kalaynu nahay
354. duudkii Nebigaynu nahay
355. deeqdii Rabbi baynu nahay
356. xil iyo derejaynu nahay
357. dar loo buriyaynu nahay
358. ka sii daray baynu nahay
359. Ilaah ka durkaynu nahay

360. Islaam dilan baynu nahay
361. dugaag u dhacaynu nahay
362. ka daatay muskaynu nahay
363. Ibleys didsadaynu nahay
364. doofaarada aan gudnayn
365. u doortay runtaynu nahay
366. xaqay garbba duubayaan
367. ku diirsanayaynu nahay
368. diin laawaha gaalku dhalay
369. ku dayday ayaynu nahay

370. dayeysan ayaynu nahay
371. Sidee duni loogu lumay
372. maxaa dad ku soo lug go’ay
373. maxaa ku hungoobey duul
374. diihaal kula soo dhex dhacay
375. maxay duluc guud martaa
376. maxay dersi yeedhisaa
377. maxay nin u deexataa
378. Iadnaan ugu duur xushaa
379. hadhow xagal daacisaa

380. maxaa degdeg wiil ku yimi
381. dusheeda ku foos burburay
382. jid uu nin ku daaqay ciin
383. maxay dabadiis dhigtaa
384. nin aan ka danbbayn karayn
385. maxay doqon loogataa
386. maxay laqan dooxataa
387. maxay danab liicisaa
388. maxay dabar liilisaa
389. maxay dildillaacisaa

390. ammuur kuu dabool lahayd
391. maxay digdig soo xidhaa
392. maxay sado daadisaa
393. maxay amar duulisaa
394. maxay dardar loodisaa
395. maxay diric quusisaa
396. maxay kibir daalisaa
397. maxay damac beenisaa
398. maxay nin dabbaal yaqaan
399. dalluun ku waraabisaa

400. maxay daldaloolisaa
401. deeqdeeda hadhuub lahaa
402. maxay lur u sii dirtaa
403. ku sii dar ninkii yaqaan
404. maxay dab ku sii shiddaa
405. ninkaanay daweyn karayn
406. Adduunyadu waa daryeel
407. daryeelka wixii ku nool
408. dad bay magantiisa tahay
409. dardaaran cad baa ka yaal

410. daymiyo garashay rabtaa
411. hog loo dayo bay rabtaa
412. Runteeda qofkii duwaa
413. xaquu kaga dayro yahay
414. dawgeeda haddaan la marin
415. daliil rabbi looga dhigin
416. deynkeeda waxaad guddaa
417. mar aanad u daafad hayn
418. ninkii dabinkeeda gala
419. dib bay u xusuusisaa

420. digniino horoo badnaa
421. Abuurtu dahaysanaa
422. sir iyo duluc raaranaa
423. daabkeedu aroorsanaa
424. degaandeg ballaadhanaa
425. dawgeedu aloosanaa
426. rugaanrugo durugsanaa
427. muggeedu daruuranaa
428. dijaallada soo if baxay
429. weelkay darayaan yaraa

430. damiinka waxaa ka dhigay
431. amuurahan daalka badan
432. siday u dul cararayaan
433. kashii demman bay legdaan
434. siday wax u duufsadaan
435 daliil uma si hayaan
436. Hubkooda dayaanka dheer
437. markay darandoorriyaan
438. cid bay ku dullaynayaan
439. cabsay dad ku beerayaan

440. korkeena inay degaan
441. dusheenna ka soo hadlaan
442. waxay ugu duur xulaan
443. kasheenna inay darbaan
444. hankeenna inay dilaan
445. jidkeenna inay duwaan
446 dawaafka is dhaafayaa
447 duullaanka cirkee socdaa
448. dedaal iyo maaha guul
449. daryeel kuma baadhayaan

450. wanaag kuma doonayaan
451. inay cilmi daalacshaan
452. aqoonta ku sii durkaan
453. wixii dedan qaawiyaan
454. dantoodu ka sii gun dheer
455. rugaa dirir saaranyahay
456. waxay u docaynayaan
457. dayaxa u hadhaynayaan
458. dagaar u cagaynayaan
459. inay run ku duudsiyaan

460. xaqiiqada daahsudhaan
461. adduunyada dooriyaan
462. iyagu u daliil noqdaan
463. Nin diidey Inaad Run tahay
464. ku dooday inaanad jirin
465. Rabbow dunidaada bilan
466. ammaan kuma daaqi karo
467. Haddaan Runi diiddanayn
468. haweeney dumaal ku timi
469. waxay derejeyn lahayd

470. inay gabadh doonnan
471. diddii hungurow diddii
472. kal daaf hagayaay diddii
473. dhegaade danow diddii
474. dareenka bukow diddii
475. adduunyadu maaha dool
476. dijaallada soo if baxay
477. haddaanay war deeqa hayn
478. sidaan u dayaaba waa
479. docdaan u kacaaba waa

480. dushaydiyo hoostu waa
481. Daliil iyo waa Yiqiin
482. Dallaallimadeeda guud
483. siday u dalaysantahay
484. siday u degmaysantahay
485. siday u duggaashantahay
486. siday u dalleensantahay
487. siday u dammiin caddahay
488. siday u dareersantahay
489. sidaanay u daadsanayn

490. da’deeda la yaabka weyn
491. siday uga duug la’dahay
492. siday dalandool u tahay
493. siday u dekeysantahay
494. siday u taqaan didmada
495. siday u dareen la’dahay
496. siday u daryeelantahay
497. siday u darbbaysantahay
498. siday u daraandaraan
499. siday uga dayriyaan

500. siday laba duul u tahay
501. siday laba deeq u tahay
502. siday degel degel u tahay
503. siday degel qudha u tahay
504. hal doorba hal doorka kale
505 siduu ula daawa yahay
506 amuurahan laysku dabay
507. dawaarahan laysa sudhay
508. sidii deleb loo dhigdgigay
509. wadaagahan laysu diray
510. lammaanahan laysku daray

511. hadday is daboolayaan
512. ilaah dejiyaan maqnayn
513. Cadceedu dorraad ma dhalan
514. kulkeeda dawaa ku shuban
515. if keeda Run baa ku duxan
516. dayuxu marin buu hayaa
517. xil loo diray buu hayaa
518. daw buu ku aroorsanyahay
519. dilluu ku hoggaansanyahay

520. dooggiyo dhirtu maaha baad
521. caleen iyo ma aha daaq
522. kasii duluc dheer intaas
523. waxaa ku dareersan nuur
524. Run bay ku dalaysantahay
525. Wadduur culus baa ku taal
526. daymaan lagu faaqidayn
527. dareen akhriyaan la hayn
528. indhaha damac baa hor yaal
529. waxaan Dahab meel ka gelin

530. waxaan magac doollar sidan
531. diinnaar iyo lacag ahayn
532. yaqiin kama sii dayaan
533. damiirku hadduu qallalo
534. hadduu dufan raadis yahay
535. daliilka hortiisa yaal
536. waxaa kaga beegan daah
537. dadkuna badi waa sidaas
538. dakano gacal bay qabaan
539. dagaal ramataynoqdeen

540. dabrrayn iyo weerar bay
541. Runtii kaga duuban tahay
542. Xaqiiqada daahir ka ah
543. dulmay kaga hoos jiraan
544. abuurta ma daawadaan
545. denbay kala boobayaan
546. dushooda ma eegayaan
547. dux bay kaga fooraraan
548. si bay u dar jiidhayaan
549. dunuunuc bukay liqeen

550. dalqay wax ku eegayaan
551. dil bay u hamuumayaan
552. dibnay la haliilayaan
553. dedaal ma haleelayaan
554. daryeel ma hanbbaynayaan
555. dardaaran ma dhuuxayaan
556. digniin ma dhabaynayaan
557. dharaar kama doodayaan
558. halkay ku dambbaynayaan
559. dayow kama toosayaan

560. Wax diiddo markay jirtaa
561. wax doonkuna meel mar yahay
562. naftana dabar baa xaslada
563. dibsooduna waa ammaan
564. digtooni haddaan la hayn
565. dagnaaniba way jirtaa
566. dannaani miyuu xunyahay
567. markaan danan loo maqlayn
568. xilkii dadnimay rabaan
569. xuquuq dadnimay rabaan

570. naf daallina bay rabaan
571. inaan dulmigeedu qaban
572. dawgii noloshay rabaan
573. inay shar ku daydayaan
574. xumaan qof ku daalayaa
575. wanaag damaciis hayaa
576. dammiinka halkii ahayd
577. siday uga soo durkeen
578. miyay dib u soo noqdeen
579. siday u duleed baxeen

580. ayay u dabayshadeen
581. waxay dumiyeen Runtii
582. waxay u dumeen Runtii
583. markay dumiyeen Runtii
584. nin daacad hoggeeda qoday
585. miyuu ka danbaynayaa
586. intuu bahalaha dugsado
587. intuu Dubur hawd ka xulo
588. ayuu qofku doonayaa
589. dugaaggu inaanu cunin

590. Naftiisa qofkii dulmiyey
591. deyrkaaga Rabbow ka baxay
592. muxuu halis daaqayaa
593. Addoonku Rabbow ma dayo
594. deeqdaada intuu hantiyo
595. duntii maqan buu tebaa
596. wax uu degdeg kaaga filay
597. haddaanay ku soo dul quban
598. cadhuu la dakaamayaa
599. dibnuhu baryaday karaan

600. daryeel kama mahad ceshaan
601. jiilaal la darbbaysanyahay
602. diihaal iyo gaajo kulul
603. haddii beri roob ka da’o
604. qof doogey markaas illow
605. siduu u ducayn yiqiin
606. xusuusba ka sii durduri
607. Nin duunyadu mool ku tahay
608. dadkiisuna maansha yahay
609. ayaa misna kuugu duda

610. waxaanu u daafad hayn
611. qofkaad shar u diiddan tahay
612. u doortay si kahyr ku jiro
613. ayaa misna kuugu duda
614. waxaad uga daacad tahay
615. Sifaadkaa deyr ma xidho
616. dareenku ma gaadhi karo
617. garaadku ma duubi karo
618. dibnuhu ma macnayn karaan
619. qof doonay inuu dhex galo

620. ku daaley ma dhaafi karo
621. Dunjiga khalqigaagu yahay
622. haddii gelin laysu dumo
623. raggiyo dumar laysu guro
624. jinkiyo insi laysku daro
625. hadday ku dedaal galaan
626. intay dardartoodu tahay
627. hadday orod dooddiyaan
628. hadday fadal deeddamaan
629. muggood daranddoorriyaan

630. haddii badda loo dardaro
631. dawaad milan looga dhigo
632. dureemada loo qorqoro
633. waxay ku danbaynayaan
634. inay dib u soo gurtaan
635. Astaamaha dawladnimo
636. markay derejiyo Run tahay
637. Adaan cidi kaaga dayan
638. In daalacan Baad taqaan
639. intii dedan Baad ogtahay

640. horraysana Waad digtaa
641. dambaysana Waad sugtaa
642. intii daran baad kartaa
643. in doora rabbaad u tahay
644. dulleynna Adaa ku filan
645. daryeella Adaa ku faxan
646. Sidaad damacdaaba fudud
647. dardaar werintaada guud
648. Adaa naxariis ku daray
649. dannina boqor baad ka tahay

650. dayrona Hodan Baad ka Tahay
651. denbina Dhaafaad u Tahay
652. dulqaadna Allaad u Tahay
653. baryana Deeqlaad u Tahay
654. Adaan talo kaa degdegin
655. dorraato wax kuu ekaa
656. Adaan dib u qoomamayn
657. Adoo isla doonay laba
658. Adaan midi kaa durkayn
659. Adaan waxba kaa dibjirin

660. Adaan damac fuushanayn
661. Adaan waxba daba orddayn
662. Aday dani kuu dhantahay
663. Adaan xagal daac lahayn,
664. wixii hadhay baa dellegan
665. daalaa dhacu waw astaan
666. waxaa doqonniino badan
667. intuu dadba kow ka yahay
668. waxaan dalab waayi karin
669. intuu durey hoog ku yahay

670. hadduu dib qallooc yaryahay
671. naftuu damqayaan is bixin
672. sidii dudurkaan socdaa
673. sibaan u durdurinayaa
674. hortayduna waa derderan
675. hareeruhu waa deldelan
676. gaadashuna waa damdaman
677. aboor iyo waa dundumo
678. Dhadhaaba xidh baan tognahay
679. darmaan falan baan sudhnahay

680. dameero jin baan intaa
681. dib uun ugu guurayaa
682. shax baan degayaa hog hogan
683. hog baan ka ilduufayaa
684. wadaamo dugeed ayaan
685. darroor ka gufaynayaa
686. qabyaan ku dul meerayaa
687. iyadu daldalool ku nool
688. markaan gudin daab u helo
689. ayuu dumayaa habeen

690. dab baan dab cunsiinayaa
691. dab baan ku bakhtiinayaa
692. ummuur dedan baan haddana
693. dabool kale saarayaa
694. bar baan kula doodayaa
695. Bad aan bado daalin karin
696. naf baan isla doonayaa
697. is diiddo dhexdeeda taal
698. duunkayga baqaa ku jira
699. dareen cabsiyaygu badan

700. hadduu dacaw meel ka ciyo
701. didmaan isla boodayaa
702. malyuun dakhar baan qabaa
703. doogtooda ma ciidmi karo
704. waxaan ahay ruux u dagan
705. cadaawiyo duullan baas
706. kal dooxani way habtaa
707. dardaaran haddii la faro
708. digniintu hadday caddahay
709. dammiinku ma dhuuxi karo

710. dorraad ma xasuusan karo
711. waxaan dibindaabyo falay
712. shalay kama daacad noqon
713. dantayda wixii ahaa
714. haddeerra si dawgu yahay
715. dib baan ka illaawayaa
716. dad baan ahayoo Rabbow
717. kolley denbi way ag yaal
718. hawiyo damac baa i sida
719. hiyiga falan baa i dira

720. dareenka xun baa i shidan
721. ta ii daran baan jeclahay
722. kas baan ahay daymo dhow
723. kal baan ahay doonis badan
724. inaan dumey maan ogayn
725. inaan degey maan arkayn
726. dermaan Run ku goobayaa
727. dabaylo ibleys wataan
728. sidii qori daad la tegey
729. wed baan dul sabbaynayaa

730. intii dabin ii xidhxidhan
731. intii belo ii dahsoon
732. intii dalag loogu dhaco
733. dalluumaha ii qarsoon
734. Rabbow debecaaga saar
735. Miisaanku doc buu jiraa
736. docdii halistuu jiruu !!!
737. intaan dawan laysu tumin
738. dayaanku intuu negyahay
739. intay belo deyrantahay

740. intay weli duur xul tahay
741. duulduulka ku kooban tahay
742. hadday tahay maalin daran
743. ka sii daran baa jirtee
744. intay weli doobir tahay
745. dib iyo noqoshaan rabaa
746. dan iyo nolol baan rabaa
747. dawiyo nabad baan rabaa
748. xill daahira baan rabaa
749. naftayda inaan u diro

750. wax uu dugsadaan rabaa
751. hankayga inaan ku dayo
752. dagaal xaq ah baan rabaa
753. deeqdaada Inaan ku helo
754. damiir xalan baan rabaa
755. deynkaaga inaan ku gudo
756. Rabbow ifka nooga door
757. dedaalkana noo rumee
758. Rabbow danbbe noo ogow
759. wixii tegey duudsi yeel

760. Rabbow dunidaada weyn
761. dabaylo fayow ku xeer
762. intii dulin baas dhex taal
763. Rabbow digo xaadh ku fiiq
764. Rabbow magac dawladeed
765. intaan dugsan layn yiqiin
766. rabow dumi waa hungee
767. distuurrada baadilka ah
768. intaan xaqa daafacayn
769. ka reeb dambas waab dhex yaal

770. Rabbow dalka kaanu nahay
771. intii degel muumin yaal
772. wanaag ku dallaallimee
773. Islaamka kusoo dabbaal
774. waxay ku dulloobayaan
775. Dijaallada soo if baxay
776. qof deymo leh haw shidhayn
777. Haweenkuna waa duggaal
778. deeqdaada badh bay yihiin
779. waxaa lagu daaqayaa

780. siday u dul leeyihiin
781. shar daalacan baa jiree
782. iyagu dedan bay dhasheen
783. dunuubta ninkay badhxaan
784. Rabbow ducadayda sii
785. samaa dumar noogu dhiib
786. raggana dummaddooda saar
787. waxay dumiyeen Rabbow
788. haddaanay xumaanta deyn
789. Rabbow dalandoolka dhow

790. shil noo dihin maalintaas
791. Rabbow naga sii dabool
792. hortaadana noo dalee
793. degaankana nooga yeel
794. daryeelku halkuu Run yahay
795. haddaanay dir sooc lahayn
796. falkaagu u daw bannayn
797. cibaadadu waa ku daal
798. Badbaado qof doonayow
799. kashaada dareen ku beer
800. dareenka samaa ku beer
801. indhaha dib u soo muslimi
802. Illaahay dartiis ku eeg
803. daliilka hortaada yaal







None Of Us Are Free - If One Of Us Is Chained
By Solomon Burke

 

Lyrics

Well you better listen my sister's and brothers,
'Cause if you do you can hear
There are voices still calling across the years.
And they're all crying across the ocean,
And they're cryin across the land,
And they will till we all come to understand.

None of us are free.
None of us are free.
None of us are free, if one of us are chained.
None of us are free.

And there are people still in darkness,
And they just can't see the light.
If you don't say it's wrong then that says it right.
We got try to feel for each other, let our brother's know that we care.
Got to get the message, send it out loud and clear.

None of us are free.
None of us are free.
None of us are free, if one of us are chained.
None of us are free.

It's a simple truth we all need, just to hear and to see.
None of us are free, if one of us is chained.
None of us are free.
Now I swear your salvation isn't too hard too find,
None of us can find it on our own. (On our own)
We've got to join together in sprirt, heart and mind.
So that every soul who's suffering will know they're not alone.

Oh, none of us are free.
None of us are free, yo
None of us are free, if one of us are chained.
None of us are free.

If you just look around you,
Your gonna see what I say.
Cause the world is getting smaller each passing day. (Passing day)
Now it's time to start making changes,
And it's time for us all to realize,
That the truth is shining real bright right before our eyes. (Before our eyes)

None of us are free.
None of us are free.
None of us are free, if one of us is chained.
None of us are free.

Oh, none of us are free.
None, none, none of us (None of us are free)
Oh, none one of us
(None of us are free, if one of us is chained) Well, well,
Well, once again

(None of us are free) None of us are free
(None of us are free) None of us are free
(None of us are free, if one of us is chained) One of us, none of us, one of us

(None of us are free) Lord, have mercy
(None of us are free) Oh, let me save you
(None of us are free, if one of us is chained)
If one of us is chained, none of us are free.
Well, I gotta tell about it

(None of us are free) Oh, ma ma ma
(None of us are free) Ma ma Lord
None of us are free, if one of us is chained.
None of us are free.

None of us, none of us, none of us are free.
None of us are free.
None of us are free, if one of us is chained.
None of us are free.

None of us are free.
None of us are free, no
None of us are free, (if one of us is chained), oh, Lord
(None of us are free) oh, Lord

None of us are free.
(None of us are free)
None of us are free, if one of us is chained.
None of us are free.

 

Dr. Omar Raabe: Departure of a Hero without a Nation


'He who sincerely loves his country, leaves the
fragrance of a good name to a hundred ages.'
--PEKIN GAZETTE, NOV. 13, 1814.
“I never waged a war on the Somali people, whether political, religious, and tribal or whatever… On the contrary, I was always searching for the common good of the Somali people; I was calling for the protection of the Somali people’s interest, their land and their sea… Never did I work for self-interest, a name or money…but sometimes I sacrificed my personal affairs for the sake of the general interest. O’ Somalis, never did I lie to you, but on the contrary I always tried to warn you against the dangers that threatened the sovereignty of the Somali nation.”

With these farewell words, Dr. Omar Raabe departed from our world as a firm believer in Greater Somalia (Somali Weyn) and a tireless campaigner for achieving such a patriotic goal.  Raabe stood out from the Somali educated class for being the only one that never let the dream die and never let himself to be dragged to the dark dungeons of tribalism. He lived and died as a proud Somali with an unwavering belief that the day will come when the Somali race in the Horn of Africa will unite under one state and one flag; as a one nation that takes its respected place in the international community. 
From the day he started his struggle for the independence of Djibouti until he died on 17th April 2013, Raabe was in constant search for the unity and dignity of the Somali people. He went through untold suffering for the cause. He was sentenced to death by the French colonial authorities in Djibouti and was arrested and imprisoned several times by both Djiboutian and Somali authorities but he was not a man to be scared by jail or death. He was fighting for a cause that he saw as the highest calling of his life and was ready to fight for it to the end.

Raabe is comparable if not more persevering and more tenacious than recognized African heroes for independence such as Nkrumah, Lumumba, Jomo Kenyatta, Ben Bella and Mandela. 

The only difference is that these African heroes came at a historic time when their nations were prepared to rally behind one leader for a common cause, to free their countries from one foreign occupier. Raabe, however, emerged when two parts of the Somali nation had thrown out the yoke of colonialism and the people had already seen their dream of statehood frittered by the inherent disease of tribalism. 

He lived through tragic years during which he saw his dream devoured by tribalism, fratricide and the Somali people suffering in the hands of inept, corrupt and opportunistic politicians who did not mind to sell the territory for their self enrichment. But nevertheless he never gave up and he kept trying to resuscitate a nation that has stopped to breathe; a nation engrossed to annihilate itself in its own hands and was not ready to hear the voice of reason; a nation that was more ready to listen to scoundrels who sell it to the lowest bidder than to embrace heroes with high ideals. Raabe died indeed as a hero but as one without a nation. But history never forgets and there is no doubt that Raabe will remain as a national legacy that will haunt the Somali race for Centuries. 

The following poem is a tribute to the struggle and patriotism of Dr Raabe. It was firs recited by the poet at ceremony held in Dubai by the Somali Community in the UAE in the memory of Dr. Raabe. 

SOMALI WAY TEBI

Raabiyow Tibaax iyo
Tubtii aad is taagtaba
Tabantaabadaadii
Taladaadii fiicnayd
          *
Soomaali toolmoon
Oon kala takoorrayn
Tamarteedu weyn tahay
Oon cadaw tunkeediyo
Tagoogeeda jabin Karin
          *
Tusmo raadinteediyo
Taahaaga beerkiyo
Markay tiifi gaadhaba
Uur tawaawacaagii
*
Tubtii noloshu waa tane
Waar tolow ka joogsada
Dabka ha isku tuurina
Qayladaadi taarkii
Erayadii taxliishii
Qofkii samuhu taabtiyo
Soomaali way tebi
          ***
Marka tiirka qarankiyo
Taladeenu liicdaba
Tuska soo onkodayiyo
Meel fog tiigsigaagii
Hiyi tiirintaadii
          *
Tabaalaha adduunyada
Taariikh wixii jira
Iyo tabaha loo dego
          *
Sida loo tamcaayee
Loo tu’in lahaa  iyo
Boholaha la teedshee
Looga sii tallaabsaday
Intaanay ku wada tegin
Toosh ku qabashadaadii
          *
Waar tolow ka joogsada
Jarka ha isku tuurina
Digniintaadii taagnayd
Qalbi tuujintaadii
Qofkii samuhu taabtiyo
Soomaali way tebi
***
Markuu xumo taraaree
Qabiil la isku toocsado
Sheekadu tollaayeey
Taran baan ku dheerahay
          *
Awowgeey Tahliil baa
Awowgaa tamcayn jiray
Tiro geel lahaan jiray
Taladoodu qoys iyo
Tarridii hortoodiyo
Tulud dhaafi laada’ay
          *
Iyadoo taftoodiyo
Tafeenada hayiigmiyo
Tun jilaycsigoogani
Shisheeyuhu tusmaystoo
In dalkooga laga tiro
Tooxsi loogu tala galay
          *
Iyagoo is tuhmaayoo
Araggoodu taam yahay
La qaybtamo tubtoodii
Runtaad taabanaysiyo
Tilmaantaadi dheerayd
Waar tolow ka joogsada
Tumaatida  dhexdiinaa
Intaydaan ku talax gabin
Tusbax daatay caynkii
Mid waliba tog dheer xulin
Oon cadaw  tanaadoo
Tuuraha  ku joogaa
Habqankiina  taganada
Tabaaluhu ku qaadiyo
Ciiddaba ku kala tegin
          *
Ka tabaabushayntii
Ummad toosintaadii
Qofkii samuhu taabtiyo
Soomaali wey tebi.
          ***
Raabiyow tollaahiye
Nin sidaada tawstiyo
Gobannimo tisqaadkeed
Taraag dheer u galayoo
Timo soohdinteediyo
Tidiceeda gabadhaa
Ilaa toban jirkiisiyo
Markay geeridu u timi
Toddobaatan uu galay
Ku tawxiidsanaayoo
          *
Jacaylkeedu boqol tiro
Ku tibqayey jidhkiisoon
Wadkoo tuura mooyee
Toobin lagaga nuugayn
Taariikhdu way tebi.
                                       --Bashir  Goth, Friday, 10th May 2013.


  
Poem :Resilient Motherhood (Raasamaal) 
A Poem by Hassan Dahir Weedhsame
Translated by Mohamed Ahmed (Student of Political Sceince & English Literature)



Before desirability fades
And beneath ashes longing romance, bits amber.
While you resemble fresh herbal, pomegranate
And the spring flower
And fancied by many suitors.
Prosperity lies in reality.
 So don't hamper your future
By handing over toxin to an ambitious soul.

Humanity is eternal life source
 Don't let it be a light matter.
Nor cross the boundaries of respectability
And ruin motherhoods responsibility.
To imaginary illusions be heedless.
 And to the bus unloading bread don't mount it like a ship.
 Dollars and cents can't purchase a living soul like livestock.
 So don't swap your worth for fantasies.

Like frogs do after rainfall,
 If the neighborhood is woken up by your, screaming,
You take hate and curses like ammo.
Oh desire from the merciful, be bashful.
A bundle of fruit when you ripen,
If you scale them pound upon pound
And quickly rush to pack them
And with a fall falter
And emotions swoop you away
Your cadaver is eaten by birds of prey.
 So, ponder and ponder upon what I've spoken.

 Don't be in a made up dream,
Or be without aim or basis.
Nor be inclined to refuse the shaded-shelter rest is under
And be a leaver and forsake a family under one cover.
Or be the camel that bits the others saddle.
 Don't be without benefit and profit no one.
Or be a Russian or an American.
Nor be the pillars of Satan, the forsaken.
Or be an imprudent jumper and a reputation wiper amongst stray Pomegranates.

Romance at first sight is bread right out of the oven.
As well as romance running towards you with its hand open.
Along with eager romance for innately it is crippling.
As is overt romance for inertly it is suffocating.
And so is romance of the modern towns people.
 All these lover aren't everlasting.

Men are men.
Some are comparable to a pride of lions.
Some are as simply minded as most famous emcees.
Some are renowned like blazing fire
 For burning through people's bones
And some are known barley eaters in towns.
There are shame trained, intellectuals that ruin
 The life and women's future
So from the overdosed cluster take cover.

 The sickness that didn't overlook a soul
 The red carpet don't roll, for.
The virus that captured Ladan
It pursues the footsteps of the youthful.
Certainly compassionless are hidden
Amongst the unperceived enemies along
The vicinities we live in.
Be wary of where you footsteps, be
In the presence of such, menaces.

Tranquil household is formal
All the love and romance you carry,
Savor for your family in, the future.
Refrain yourself from dusty place
 And truth and falsehood you mustn't equate them.
True companion is being bashful
Like Ramadan someone fasting.
Find relaxation in being cautious.
And oh, hey, Ruun Even if it be your arches
Veil your hide and honour.

He who forsaken the legacy of his people
And Instead in touch with Europe
And what is modern,
He who loosened his denim
And with dreaded hair from top to bottom
You don’t let him marry.

Exceptional women like the red velvet
Who, prostrate the five suggested occasions
And chose the skies over racing
To place of sin and pacing,
Amongst these ranks are, the righteous
And civilizations really needed,
With open books pursue them.


Conscious slave and servant of his master
With great merit and prosperity
Who, safeguards you from all the struggle of reality
Pleased and interested in you only,
As you search, finding him don’t you, falter.
The lads centered on amusement
God knows I am unlike them.
Unlike those I am a likened,
To those on my surroundings I am more caring.
It’s said: goals of a fool are always twisted in a knot.
While righteously being raised,
Awful circumstances for you I am refusing.
Constantly repeal even a single spill of shame
And disgrace on you.


The Original Somali version of this poem can be accessed from the below link
http://www.weedhsan.com/index.php/somali-home/562




I am Yours
Translated By Mohamed 

Your Roots
Heritage and Family I am

Signal folks acknowledge you on
I am yours
Virtues of strength and benefit I am
Individuals’ deliberation
Its voice of organization
And the Understanding of an Usher
It’s orchestration I am

If I dull
Knowledge and understanding
Rust beneath stripped figure
And in your equal’s voice sophistication you look after
I am yours

The Pillar binding
Mutual understanding I am
Discussion, admiration
And thoughtful explanations
Its sound of composition I am

The path and trail
To the covered forest
Reason lies under
I am yours

Where grandfathers’ legacy
Is guarded
And his guts lie

I am the fortress
Infants and youth
Are sheltered
And discipline, behavior
And the sweetness of conviction is instructed
The reality of the highest
Only way it’s covered
Your attributes
Way of recognition
I am yours
Boast me to your peers
Knowledge learn through me
Recite, read, and revive me
Your existence progress me
Strengthen my abilities
Search my seeds eternities

I am yours
And your language I am
As a backbone
While lactating you have me
If I am gone then
Certainly vanished is inheritan

Waxaan Ahay Afkaagii

Abtirsiinadaadiyo
Isirkiyo abkaagiyo
Waxan ahay astaantuu
Dadku kugu aqoonsado
Waxan ahay afkaagii
Waxan ahay afkaaraha
Cudud lagu abqaaliyo
Axadhkiyo u-fiirsiga
Codka lagu aloosoo
Garashada ugaaska ah
Anigaa aroorshee
Mar haddaan abaarsado
Kasmadiyo aqoontaa
Arradoo basaasoo
Ergisada dhiggaabaad
Ilbaxnimo ka eegtaa
Waxan ahay afkaagii

Waxan ahay af-garashadu
Udubkay ku joogtiyo
Dooddiyo ammaantiyo
Arartiyo tusaalaha
Dhawaq lagu abuuriyo
Dariiqiyo iliilaha
Kaska oodan loo maro
Waxan ahay afkaagii

Dhaxalkii awowogaa
Halka lagu ilaashee
Ubucdiisu taalliyo
Waxan ahay ardaagii
Ubadkiyo barbaartaba
Lagu ababinaayee
Anshixiyo asluubtiyo
Iidaanka diintiyo
Inuu jiro Illaahay
Eray loogu sheegiyo
Inta kuu ammaarada
Halka laga ogaan karo
Waxan ahay afkaagii

Iigu faan asaagaa
Igu baro aqoontana
Akhriskayga noolee
Abidkaa i horumari
Awooddayda waynee
Iniintayda baaqbaaq
Anigaad i leedahay
Waxan ahay afkaagii

Inta aan irmaanahay
Adna waad ab leedahay
Mar haddaan abaaddase
Asal-guurku waa dhaxal.





Tol, xeer iyo xisbi: Tiirarka kala dheer ee siyaasadda Somaliland

WQ Cabdiraxmaan Sheekh Xasan (Musaabaqo)


Mar wal oo doorashooyin soo dhawaadaan – mid madaxweyne, mid baarlamaan ama mid gole deegaanba – waxa iyana garab socota tolnimo lagu raadiyo in lagu gaadho dano siyaasadeed, qaar guud iyo kuwo gaar ahaaneedba. ‘Tolla’ayda’ ayaa dacal walba ka yeedha, iyadoo laga taabanayo qofka aadamaha meelaha uu u jilicsan yahay, ha noqoto qabyaalad ama dhaqaale e. Ololayaasha siyaasaddu waa qaar aad is odhanayso waxa ay miyirka ka qaadaan intii maanka qabtay!


Waxa beryahan denbe hadal-hayntiisu fagaarayaasha siyaasadda iyo kuwa bulshaddaba ku badan tahay tartanka hordhaca ah ee ka dhaxeeya labada oday ee ‘isku beesha ka soo jeeda’ ee ku hirdamaya hoggaanka Xisbiga Kulmiye. Heerka uu doonno ha marayee, waa tartan ka bilowday reer dhexdii. Innaga oo dhacdooyinkaa tusaale u soo qaadan doonna, bal aynu isku dayno in aynu iftiiminno xidhiidhka ka dhaxeeya iyo saamaynta siyaasadeed ee ay leeyihiin labada tiir ee soo jireenka ah ee siyaasadda Soomaalidu inta badan ku taaggan tahay – tol iyo xeer, iyo ka gaddaal-soo-baxa ah ee xisbi.


Tan iyo maalintii uu Ingiriisku yimi dhulkeenna, waxa ahayd su’aal taaggan: Maxaa gun-dhig u ah xidhiidhada siyaasadeed ee Soomaalida dhex mara, yaa se xukuma nimankan go’yadda cadcad iyo warmaha sita? Khaladkii koowaad ee uu gumeystuhu galay ayaa ahaa in uu u qaatay in cuqaasha ama salaadiintu maamusho reerahooda. Ingiriis ka hor lama sawiri jirin jirridda iyo laamaha wakhtiyadan danbe lagu sunto able-ableynta reeraha Soomaalida. Ingiriisku kumuu guuleysan isku-dayo badan oo uu ku doonnayey in uu si dadban dadka u xukumo, isagoo adeegsanaya cuqaasha ama salaadiinta. Haddii caaqilka ama suldaanku aanu ku xukumi jirin, imika qudheedana aanu ku xukumin awood muquunineed inta uu caaqilka ama suldaanka u yahay, maxaa tolnimada wehilinnayey si ay isu xukumaan Soomaalidu?


Hab-dhiska tolnimo waa mid ku salaysan xidhiidh wada dhalasho, laakiin xadhkaha tolka isku haya ayaa ah xeer, kaas oo dhaqan ahaan inta uu saameeyaa ka wada qayb geli jireen samayntiisa iyo wax-ka-beddalkiisaba. Tolnimadu waxa ay mug iyo meeqaan ku lahayd xeerka. Taa macnaheedu waxa weeye, iyadoo dhalasho ahaan ay laba reer is xigi karaan, haddii xeerka la dhowri waayo ama uu jabo, tolnimadu may ahaan jirin mid isu sandulleysa walaalo xeer qaban waayey. Sidaa lidkeed, waxa uu xeer dhex mari jiray oo uu gaashaanbuur u samayn jiray laba reer oo aan dhiig dhalasho waddaagin.


Lakabka ugu hooseeya ee nidaamka tolnimo ee Soomaalidu waxa uu ka bilowdaa jilib oo ah inta magta wada bixisa, isuguna timaadda laga bilaabo shan ilaa toddoba awoow. Jilibku dhaqan ahaan waxa uu ka kooban yahay dadka waddaaga xilalka bulsho ee ugu muhiimsan, sida bixinta magta, gaashaan-dhig midaysan, iyo is-taakuleyn xilligga baahi laxaad lihi ku habsato qof ama qoys ka mid ah jilibka. Inkastoo jilibku ahmiyaddaa siyaasadeed, dhaqaale iyo bulshaba lahaan jiray, haddana siyaasadda Soomaalida waxa tilmaan muuqata ilaa maanta u ah sida is-garabsiga siyaasadeed aalaaba u yahay mid aan xasilloonayn balse guur guura. Intii awoow waddaagtaabaa gooni ayay uga gu’i karaan reerka iyo jilibkaba haddii ay u muuqato in aanay dantoodu ku jirin in ay ka sii mid ahaadaan. Heer kasta oo ka mid ah kooxaynta siyaasadeed ee Soomaalida, cod isku mid ah ayay ku lahaayeen ragga wixii qaan-gaadh ahi. Hore Soomaalida dhexdeeda ugama ay jirin imakana ugama dhex jirto wax la yidhaa ‘tolnimo aan dabadeed la hadal’. Ha u daymo la’aan, shalay iyo maantaba, kaalinta XEERKA.


Isleegtaa soo-jireenka ah waxa aad ku dartaa oo aad saddex-xagal kaga dhigtaa xisbi-siyaasadeed ay dimuqraadiyaddu la timi oo isna leh xeerarkiisa – inkastoo dhawrista xeerarkiisu aanay u adkayn sida kuwa dhaqanka – deetana sawirka kuu soo baxaa waxa uu noqonayaa mid kakan, oo dhab ahaanna ilaa hadda aan la isla meel dhigin sida ay u wada shaqayn karaan, haddiiba ay suura gal tahay in ay wada shaqayn karaan.


Haddii aynu ku laabanno hirdanka Kulmiye ka dhex ooggan, durba waxaad mooddaa iyadoo aanay muddadii madaxweyne loo tartami lahaa dhaweyn in tartan waji tolnimo lihi bilowday. Waxa dad badani u muuqdaan in wasladdii ay u nuglaayeen la taabtay, oo ay u qaateen in ‘horyaalka’ ay isku reerka yihiin taageeriddiisu tolnimo ahaan ku noqonayso muqaddas – ama wax ku dhaw. Sida ay ila tahay, hal mar ayuunbay arrintaasi suuroobeysaa, marka loo eego mabaad’iida xeerka soo-jireenka ah: waa haddii xubnaha uu tolku ka kooban yahay, gaar ahaan ragga qaan-gaadhka ahi, inta ay hal meel ku wada kulmaan, ka dooddaan, go’aanna ku gaadhaan in hebel ay isla qaateen uu beeshooda u caleemo saaran yahay. Xilliggan aynu nool-nahay ee filiqsanaanta juqraafi ay astaanta inoo tahay, waxa adag in kulan noocaas ahi u qabsoomo reer ama beel beelaha ka mid ah.


Inta aanu weli kulan jaadkaas ahi dhicin, go’aan laysku raacsan yahayna aanu soo bixin, iima muuqato sabab tolnimo ahaan loogu kala taageeri karo labada oday ee tartamaya. Haddiiba ay dadka qaar iyaga la noqoto in ay ku qanacsan yihiin oo taageersan yihiin Wasiirka ama Mujaahidka, waxa iyana sidoo kale macquuliyadda siyaasadda xisbiyadda badan iyo tartanka doorashooyinka ka fogaaneysa in loo iib geeyo go’aanka badh ka mid ah tolku in uu yahay mid kama danbeys ah oo qabannaya mid maqan iyo mid joogaba. Xitaa waxa aan sax noqonayn in la yidhaa “Reer hebel ama bah heblaayo waxa ay isku raaceen in ay madaxweynenimo u taageeraan hebel.” Dhaqannada sansaantaas lihi – inkastoo aad mooddo in ay soo kordhayaan saamayntooda siyaasadeedna ay laxaad leedahay waayaddan danbe – waa qaar aan waafaqsanayn hiddaha Soomaaliga iyo dabciga dimuqraadiyadda midna. Xeer Soomaaliga soo-jireenka ah iyo dimuqraadiyadduba waxa ay dhiggayaan in uu qofku talo iyo go’aan labaddaba ku yeesho sida looga arriminnayo mustaqbalkiisa siyaasadeed. Haddii xeerka laga saaro, tolnimadu waxa ay noqonaysaa qalfoofkii uu Ibn Khaldoun ku sheegay in ay tahay ‘hummaag’. Ayaan darradu se waxa ay dhacaysaa marka ‘hummaaggaasi’ dadka qaarkii la noqdo ODAY nool oo Qarniga 21-naad talinnaya.


Iyadoo tolnimada iyo xeerkuba ahaayeen qaar la isku xidhiidhiyo, lagu daggaallamo laguna heshiiyo, haddana Soomaalidu cidda ay hoggaanka u doorayso waxa ay u eegi jireen sifooyin uu ninka loo cummaamadayaa ay ahayd in uu la gaar noqdo, haddii aanu isku wada darsanna, uu badankooda KULMIYO: geesinnimo (colaad iyo nabad-ba), deeqsinnimo, dul-qaad, cod-karnimo, marti-sooryeyn, caddaalad, guurtinimo iwm. Ninka ay taladda u dhiibanayaan umay eegi jirin oo kaliya tolnimo iyo hanti midna, haddii uu sifooyinkaa kale ka qaawan yahay. Mar haddii tilmaamaha uu yeellanayo la isla yiqiin, may ahayn wax lagu murmo, “Yaa tolka u talinnaya?”


Mid weeye haddii lays galoo geel la kala qaado
Gurmad noqonayaa iyo annagu guuto bixinnaaba
Giiryaalihii fule markuu gelelef rooraayo
Rogaalkuu giraangirin ogaa gocanayaa mooyi

Geb hadday maritidu soo tidhaa goor u nala joogo
Godka lagu janneeyow hadduu goosan la carraabo
Garab saar rag weeyee hadduu gogosha soo qaado

Gasiinkii la soo dhigay haddaad gal iyo daad mooddo
Bakhayl baa gammiima'e intuu gaadhka ka qoslaayo
Godolkuu ku haasaawin jirey gocanayaa mooyi

Gar adkaatay, xaajada gurracan, guurti kala maagtay
Haddii geedka laysugu yimaad golaha waayeelka
Waxay gola fardooddaba haddii la isku soo gaadho

Nin waliba hadduu gees damcoo giijo madixiisa
Wax la wada gorfeeyaba haddii la isu geyn waayo
Gaagaabsayaa iyo isagu gees u hadal yaaba
Guddoonkii la wada raaci jirey gocanayaa mooyi
(Baroordiiq, Cali Jaamac Haabiil)


Xorriyaddii ka hor ayaa xisbiyadii ugu horreeyey laga aasaasay Somaliland. Laga soo bilaabo maalintaa, mar walba reernimadda (aalaaba teedda qalfoofka ah) iyo xisbinnimadu waxa ay ahaayeen qaar isku milan. Sida uu qoray Badhasaabkii ugu danbeeyey ee Ingiriiska u joogey Somaliland, xisbigii la odhan jiray Somali United Party waxa uu ka dhashay dareen ay qaateen ‘qabaa’il’ isu arkay in ay leeyihiin ahmiyad siyaasadeed, taas oo ay ku dhisan karayeen xisbi u gaar ah. Sidii tol yeeli jirayna, muddo gaaban kadib waxa ay xisbigoodii ku darsadeen Somali National League.


Cali Jaamac Haabiil waxa uu gabayga Baroordiiq mariyey markii uu soo gaadhay warkii dhiillada siday ee geeridii Xirsi Cilmi Goonle. Haddii duruuftii adkayd ee bulshidiisu ku noolayd ay si dabiici ah Xirsi uga dhigtay hoggaamiye miisaanka qofnimadiisu ka xoog roonaa hayn, hanti iyo olole uu u galo in uu beeshiisa u taliyo, ugu yaraan waxa aan daah innaga saarnayn in aanu jirin hannaan laysku raacsan yahay oo xisbiyadda qaranku ummadda ugu soo xulaan qofka ugu mudan ee ummadda u talin kara. Haddii dhaqan-siyaasadeedkii geedka la hoos tegi jiray ee loo sinnaa meesha ka baxay, xisbiyaddiina ay gabeen in ay buuxiyaan kaalintii siyaasadeed ee geedka, taladdu waxa ay ku soo ururaysaa in ay tartamaan tol-u-ekeyaal aan lahayn xeer dabra, qaab-dhismeedka xisbigunna noqdo garoonka xaadhan ee hirdanku ka dhaco.


Roomaaniyiintii hore ee Nebbi Ciise (CS) la noollaa waxa ay dhaqan u lahaayeen marka hoggaamiyayaasha ciidanku guul soo hooyaan in ay yimaaddaan Roma si guusha ay soo hooyeen loogu dabbaal deggo, iyagana loo maamuuso. Inta gaardigga lagu jiro, waxa hoggaamiyayaasha ciidanka ee la maamuusayo garab socon jiray rag dhegta u saari jiray erayo macnahoodu yahay “Waa wax aan lagu waareyn” si loogu sheego lug-gooyada ku jirta boggaadinta dusha looga tuuray. Waa wax aan lagu waareyn e, odayaasha uu sheedda uga muuqday kursiga dalka ugu sarreeya waxa la gudboon in ay ka taxaddaraan in damacoodu sii kala fogeeyo BEEL marka horeba xidhiidhkeeda tolnimo tukube ku luudayey.

Comments

Popular posts from this blog

XASUUS QORKII GEES GEERIDII CIGAAL KA DIB

Xasuus Qorkii Gees Geeridii Cigaal Ka Dib Qalinkii . Maxamed Siciid Gees Samayntii Distoorka. Haddii aan halkaas kaga yara joogsano nabadayntii beelaha Soomaaliland aan wax yar ka iraahdo Dimuqraadiyentii inagoo ka bilaabayna samayntii Distoorka. Shirweynihii qaran ee Hargeysa lagu qabtay 1996waxaa barber socday Gudi ka kooban 15qof oo Shirgudoonkii shirkuu doorteen inay isku began laba distoor oo mid uu sameeyey Khabiir Soodaani ah oo markii hore loo keenay inuu la taliyo guddigii baarlamaanka ee loo magacaabay oo loo xilsaaray in ay sameeyaan distoor sidi uu Axdi qarameedkii Boorame dhigaayey. Waxaa dhacday in ay is qabteen Khabiirkii oo Madaxweyne Cigaal ku xidhnaa lagana urinayey iyo gudigiiBaarlamaanka. Sidaas darteed waxay arrintii keentay in laba distoor la soo saaro mid Khabiirkii sameeyey iyo mid Gudigii Baarlamaanku sameeyeen . Gudigaas ka koobnaa 15 qof waxay ahaayeen SH.Cabdiilaahi sh. Cali Jawhar Guddoomiye Maxamed Axmed Cabdulle Guddoomiye-ku-x

The 1969 Military Coup in Somalia. Part 1- 10. By Dr. Mohamed Rashid Sheikh Hassan. * History*

''The Military Take Over (1969 coup d'état); The Beginning of the New Era'' Forty years have passed since the military forces took over power in Somalia in a bloodless coup overthrowing the post-colonial state founded on western democratic model. I would like to assess the history and the legacy of this regime in a series of articles. The Prime Minster Mohamed Haji Ibrahim Egal was in the United States for an official visit at the time when the news of the assassination of the President, Abdirashid Ali Sharmarke reached him. The constitution of the country stated the parliament must elect a successor immediately, if such a situation arises. When the lobbying and campaigning that who would succeed the President started, it became clear that personal interests were overriding national ones and the new candidate would not be judged by his national contributions or political skills. Reports of money exchanging hands for buying voters

SABABAHA KEENA FURNIINKA QOYSKA

Iyada oo ay jiraan siyaabo badan oo keena furniinka .oo ay dad badani ku kala tageen ayaa hadana waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa dhowr sababoodoo keena furniinka . Iyada oo aanu jirin jacayl dhaba oo ka dhaxeeya lamaanaha is qaba .hadii uu jirana laba lamaane midkoodbaa mid ka kale jecel .oo mid baa ku dulman jacaylkiisa .guurkaasina waxa uu sii jirayaa uun inta uu ka niyad jabayo qofka wax jecli ka uu jecel yahay. 2. Iyada oo aan run laga sheegin haasawaha la wadaagayo guurka hortii . oo mid waliba uu kan kale u soo bandhigayo dabeecado uu ku wanaagsan yahay .isaga oo qarinaya iinta uu mid waliba leeyahay.waxaana jira arrimo uu mid waliba si gaara u sii qariyo raga iyo dumarkuba iyada oo ay jiri karaan qodobo kale hadan laban ayaa inta badan la sheegaa inay adkaato sida looga run sheegaa.(Dumarku waxa ugu wayn ee ay qariyaan waa dabeecadeeda halka ay raguna qariyaan dhaqaalihiisa ) iyadda oo ay dhici karto in labada dhinacba lagu arko labadaa dabeecadoodba