Xalinta Khilaafka Hargaysa: Tusaale iyo Tilmaan Nabigeenii Muxamed (S.C.W)

Xigmad iyo Hoggaamin Ku Dayasho Mudan


Qofka binu’aadamka ah waxa uu inta uu noolyahay mar kasta ku dhex jiraa xaalado qaabeeya noloshiisa adduun iyo tan aakhiraba. Xaaladahaasi waa kuwo muhiim ah oo saamayn ku leh sumcadda qofka iyo mustaqbalkiisa, gaar ahaan haddii uu yahay hoggaamiye ka mas’uul ah bulshada uu u adeego. Marka khilaaf yimaado, habka lagu xaliyaa waa furaha muujinaya hoggaanka dhabta ah.  

Hadda, magaalada Hargeysa waxaa ka taagan muran u dhexeeya Maayarka iyo qaybo ka mid ah bulshada uu hoggaamiyo. Waa xaalad u baahan xal xigmadaysan oo waayeelnimo leh, waxaana wanaagsan in tusaalooyin taariikhi ah laga barto si xal loogu helo xaaladdan.  

Tusaale Ka Mid Ah Nolosha Nabigeenna (S.C.W)

Nabigeenna Muxamed (S.C.W) waxa uu mar walba ahaa tusaale ugu wanaagsan xallinta murannada iyo qancinta bulshada. Mid ka mid ah dhacdooyinka muhiimka ah ee tusaale inoo noqon kara waxa uu dhacay xilli uu Nabiga (S.C.W) qaybinayay qaniimo laga keenay dagaal ay muslimiintu guul ka soo hooyeen.  

Markii uu qaniimada qaybiyay, qayb ka mid ah reer Madiina ayaa dareemay inuu Nabigu (S.C.W) si gaar ah ugu sadburiyay qaraabadiisa. Waxay ka baxeen masaajidka iyagoo tabasho qaba, xantaasna waxaa loo sheegay Nabiga (S.C.W). Halkii uu ka aamusnaan lahaa ama iska indho tiri lahaa arrintan, Nabigu (S.C.W) wuxuu shir isugu yeedhay reerkaas.  

Nabiga (S.C.W) waxa uu si deggan oo xikmad leh ugu sharaxay niyaddiisa iyo ujeedada qaybinta uu sameeyay. Waxa uu xasuusiyay reer Madiina inay ahaayeen kuwii isaga soo dhaweeyay, garab istaagay, cadowga uga hiiliyay, oo u noqday qoyskiisa dhabta ah. Intaa kaddib, waxa uu si xushmad leh u weydiiyay inay isaga ka raali noqdaan, isagoo sidoo kale muujiyay kalgacal iyo qirasho ku aaddan wanaaggooda.  

Hadallada Nabiga (S.C.W) waxay qalbiga ka nadiifiyeen tabashadii reerkaas, waxaana dib ugu soo noqday kalsoonidii iyo kalgacalkii ay isaga u hayeen. Tusaalahan wuxuu caddeynayaa sida hoggaamiyaha wanaagsan uu bulshadiisa ugu qanciyo dulqaad, xigmad, iyo faham dhab ah.  

Qodobbo Laga Baran Karo Tusaalahan

1. Dhegeysi iyo Faham: Hoggaamiye kasta waa inuu si dhab ah u dhegeysto tabashada bulshada, isaga oo aan u arkin cabashadooda mid hooseysa ama wax iska socda.  

2. Isla Xisaabtan: Hoggaanka wanaagsan waa inuu diyaar u ahaado inuu bulshada u sharaxo go’aannadiisa, si kalgacal lehna u qanciyo cid kasta oo wax tabanaysa.  

3. Muujinta Kalsoonida: Hoggaamiye dhab ah waa inuu bulshada u muujiyo in uu yahay mid u siman oo aan cid gaar ah u sadburin.  

Xaaladda Hadda Ee Maayarka Hargeysa.

Maanta, Maayarka Hargeysa waxa uu ku jiraa xaalad u baahan xal degdeg ah oo waayeelnimo ku salaysan. Dad tabanaya oo u arka in aan loo sinnayn adeegyada ay xaqa u leeyihiin waa kuwo xaq ku leh in wax laga qanciyo. Arrintaasina waxay noqon kartaa waddo mustaqbalkaaga hoggaamineed qaabeeya – haddii aad si xikmad leh ugu xalliso, waxay kuu noqon kartaa tallaabo sumcadaada dhisaysa.  

Talooyinka Lagu Xallin Karo Muranka Taagan

1. Dib-u-eegis Ballaadhan: Waxaa muhiim ah inaad dib u eegto cabashooyinka jira oo aad bulshada si cad ugu sharraxdo halka ay dhibtu ka jirto.  

2. Isu-soo-dhawayn: Shir ballaadhan oo bulshada tabanaysa lagula kulmo waa waddo wanaagsan oo lagu dhagaysto tabashadooda si toos ah, lana xalliyo.  

3. Cadaaladda Soo Celinta: Haddii ay jirto in cid gaar ah loo sadburiyay ama la iska indho tiray xuquuq bulsho, waa muhiim in cadaalad lagu soo celiyo arrintaas si kalsooni loo abuuro.  

4. Dulqaad iyo Xikmad: Hoggaamiyaha wanaagsan waa mid dulqaad badan oo fahmaya in bulshadu mararka qaar ka hortimaaddo go’aannadiisa, balse uu u adeegsado xikmad iyo waayeelnimo xalinta muranka.  

Guntii iyo gabagabadii 

Khilaafka taagan ee Hargeysa waxa uu kuu yahay imtixaan muujinaya kartidaada hoggaamineed. Sida aad u wajahdo arrintan waxay qaabeeyn doontaa mustaqbalkaaga. Waxaan filayaa inaad arrintan u xallin doonto si xigmad leh oo waayeelnimo ku jirto, adoo ku dayanaya tusaalaha Nabigeenna (S.C.W), kuna dadaalaya qancin iyo isu-soo-dhawayn dhab ah.  

Khayr iyo guul ALLAH ha kuu fududeeyo.


Qoraa:

Garyaqaan Yusuf Habiib Hussien 

Comments

Popular posts from this blog

XASUUS QORKII GEES GEERIDII CIGAAL KA DIB

The 1969 Military Coup in Somalia. Part 1- 10. By Dr. Mohamed Rashid Sheikh Hassan. * History*

Somaliland: A letter of advice to Ahmed Samatar.