Skip to main content

Posts

Showing posts from February, 2019

DAMACA ETHIOPIA EE BADDA IYO QORSHE LA’AANTA SOMALIDA GEESKA

Qalinkii: Yusuf Habiib Hussein Aqoonyahan Ethiopian ah oo la yidhaa Minga Negash ayaa qoraal uu kaga taageerayo warbixin muhiim ah oo uu qoray safiir ku xigeenkii u qaabilsanaa Africa arimaha USA oo la yidhaa Ambassador Hank Cohen, taariikhdu markay ahayd December 16, 2013 oo uu ciwaan uga dhigay waxa la gadhay xiligii Eretria dib loo soo noolayn lahaa “time to bring back Eritrea from the cold”. Markay taariikhdu ahayd 1989 ilaa 1993 Ambassador Cohen wuxu u qabilsanaa dalka America qorshayaasha la xidhiidha arimaha Africa oo uu qayb ka ahaa isbadalkii Geeska Africa ee ay Ethiopia iyo Eretria ku kala go’een, qoraalkaa oo uu kaga hadlayay dhibaatooyinka saamaynaya xidhiidhka u dhaxayn doona labadaa dal ee kala go’ay. Waxa qoraal kale oo muhiim ah qoray Ambassador David Shinn taariikhdu markay ahayd January,13,2014 Safiirkii hore ee dalka Marykanka u fadhiyay Ethiopia, qoraalkaas oo uu ku taageerayo qoraalkii uu qoray safiirkii hore mudane Cohen’s. Ambassador Shinn wuxu u qabils