Skip to main content

DAMACA ETHIOPIA EE BADDA IYO QORSHE LA’AANTA SOMALIDA GEESKA

Qalinkii: Yusuf Habiib Hussein

Aqoonyahan Ethiopian ah oo la yidhaa Minga Negash ayaa qoraal uu kaga taageerayo warbixin muhiim ah oo uu qoray safiir ku xigeenkii u qaabilsanaa Africa arimaha USA oo la yidhaa Ambassador Hank Cohen, taariikhdu markay ahayd December 16, 2013 oo uu ciwaan uga dhigay waxa la gadhay xiligii Eretria dib loo soo noolayn lahaa “time to bring back Eritrea from the cold”.

Markay taariikhdu ahayd 1989 ilaa 1993 Ambassador Cohen wuxu u qabilsanaa dalka America qorshayaasha la xidhiidha arimaha Africa oo uu qayb ka ahaa isbadalkii Geeska Africa ee ay Ethiopia iyo Eretria ku kala go’een, qoraalkaa oo uu kaga hadlayay dhibaatooyinka saamaynaya xidhiidhka u dhaxayn doona labadaa dal ee kala go’ay.
Waxa qoraal kale oo muhiim ah qoray Ambassador David Shinn taariikhdu markay ahayd January,13,2014 Safiirkii hore ee dalka Marykanka u fadhiyay Ethiopia, qoraalkaas oo uu ku taageerayo qoraalkii uu qoray safiirkii hore mudane Cohen’s. Ambassador Shinn wuxu u qabilsanaa arimaha khuseeya dalka Ethiopia taariikhdu markay ahayd 1996-1999. Wakhtigii uu joogay xafiiska safarada waxay ku beegnayd dagaalkii dhexmaray dalka Ethiopia iyo Eretria oo ay ku dhinteen dad gaadhaya ilaa 80,000. Ambassador Princeton Lyman, oo isna ahaa safiirkii u fadhiyay maraykanka dalalka Nigeria iyo South Africa ayaa taageeray qoraalkii Ambassador Cohen’s ee uu awooda ku saray sidii Eretria dib saxada loogu soo celin lahaa.

Qoraaladaa oo dhami markii danbe waxa ay isku badaleen dood oo ay markii danbe ka jawaabatay wasaarada arimaha dibada ee Ethiopia iyadoo iska indho tirtay arrimaha ay ka hadlayeen. Wakhtigaa yaraa qoraaladii soo baxay wuxu xasuus ku reebay isbadaladii geeska Africa ka socday ee ay sii sadaliyeen taasina waxa ay keeentay in Washington dib u eegis ku samay qorshayaashii ay ka lahayd Gobolka Geeska Africa iyo sidii loogu dhigi lahaa dariiq cusub “roadmap” sidii loo gaadhi lahaa nabad waarta iyo horumarka Gobolka Geeska Africa.

Qoraalka Ambassador Cohen’s waxa xudun u ahayd laba arimood oo waawayn:

·        Arinka koobaad waxa u ku tilmamay arinka odhanay in Eretria taageerto argagixisada in aan loo hayn wax cadayn ah oo an lagu sii magacaabi karin dalka tageera argagixiso "a state sponsor of terrorism".

·        Arinka labaad ee uu xusay Ambassador Cohen in si xirfadaysan Eretria uga guulaysaty Ethiopia oo u heshiisku horumar balaadhan ka helayso dalka Eretria. Ambassador Cohen’s arinka kale ee uu soo qaday waa Ethiopia in ay go’doon ku sii jirto oo anay waligeed helayn badda ay ku rajo waynayd.

Inta badan aqoonyahanadu waxa ay isku raaceen in xisbigii Ethiopia ka talinaya ee TPLF/EPRDF ay sameeyeen qaladaad wawayn oo dhacay xiliyo kala duwanaa oo ay Eretria ku macaashtay oo kala ahaa:-
       i.            dagaalkii ay ku go’day dalka Eritrea,
     ii.            Wakhtigii 1991-93, iyo
  iii.            dhamaadkii dagaalkii dhacay 1998-2000

Heshiiskii ay ku galeen Ethiopia iyo Eretria dalka Algeria 2000 ayaa waxa qoraal “petition” ka sameeyay aqoonyahano Ethiopian ahaa oo dhamaa 289 aqoonyahan taariikhdu markay ahayd April 2, 2002 “Ethiopian scholars and professionals” oo ay ku martiqaadeen xoghayihii hore ee qaramada midoobay oo uu ahaa Ambassador Kofi Annan, “the Former Secretary General of the United Nations” oo ay kaga soo horjeedeen heshiiskii ay wada galeen labada dal oo ay kulamo ku qabteen magaalooyin kala duwanaa UN u direen waraaq ay ku sheegayaan in heshiiskaasi ka hor imanayo qaraaradii dunida ka soo baxay oo ay si toosa u soo qadeen qodobo ka mid ahaa oo ay tilmaameen qodobadan hoos ku qoran oo uu dhigayay heshiiskii Algiers 2000 oo u dhignaa sidan:-

Article 4 (1): - Consistent with the provisions of the Framework Agreement and the Agreement on Cessation of Hostilities, the parties reaffirm the principle of respect for the borders existing at independence as stated in resolution AHG/Res. 16(1) adopted by the OAU Summit in Cairo in 1964, and, in this regard, that they shall be determined on the basis of pertinent colonial treaties and applicable international law.

Article 15: - The parties agree that the delimitation and demarcation determinations of the Commission shall be final and binding. Each party shall respect the border so determined, as well as territorial integrity and sovereignty of the other party.

Minga Negash ayaa waxyabaha uu ku soo ururiyay qoraalkiisa ay tilmamayaan in anay marna suurta gal ahayn in 100 million ee Ethiopian ka ah anay ku sii jiri karin xalad go’doon ah, heshiiska ay Ethiopia la gashay Eretria aanu waxba kaga duwanayn heshiisyadii Ethiopia kula jirtay Djibouti, Somaliland, Kenya taasina anay ahayn wax itoobiya sii anfici kara Ethiopian u bahantahay badd.

Sidaa darted waxa ay taasi keentay in dib loo eego sidii an hore u soo sheegnay qorshayaashii geeska Africa dib loogu qabaynayay oo ay qayb ka ahayd dalkii la odhan jiray Somalia

Qorshayaa oo dhami waxa ay salka ku hayeen sidii Somalia baddeedaa dheer Ethiopia qayb uga heli lahayd iyada oo aduunyada ku taagerayso.

Dalka USA xoghayihiisii arimaha dibada ee u qabilsanaa Africa Jendayi mar ay socdaal ka hadashay dalka Kenya waxa ay si cadaana u shegtay in anay marna suurta gal noqon doonin in 100million oo Ethiopian ah go’doon sii ahaadaan iyada oo ay jaar la yihiin dad 9milion ah oo haysta xeebta ugu dheer Geeska Africa.

Washington iyo UN marwalba waxa ay isku dayayaan in ay dalka Ethiopia u helaan badd si walba oo ay ku heli karaan taas oo ayna Somalida geeska Africa degeni ka lahayn wax qorshe ah oo ay isku mashquulsantahay.

Yusuf Habiib Hussein
Xarunta Isbadalka Democradiyada Geeska Africa
(The Center of Democratic Change in Horn of Africa)

Comments

Popular posts from this blog

XASUUS QORKII GEES GEERIDII CIGAAL KA DIB

Xasuus Qorkii Gees Geeridii Cigaal Ka Dib Qalinkii . Maxamed Siciid Gees Samayntii Distoorka. Haddii aan halkaas kaga yara joogsano nabadayntii beelaha Soomaaliland aan wax yar ka iraahdo Dimuqraadiyentii inagoo ka bilaabayna samayntii Distoorka. Shirweynihii qaran ee Hargeysa lagu qabtay 1996waxaa barber socday Gudi ka kooban 15qof oo Shirgudoonkii shirkuu doorteen inay isku began laba distoor oo mid uu sameeyey Khabiir Soodaani ah oo markii hore loo keenay inuu la taliyo guddigii baarlamaanka ee loo magacaabay oo loo xilsaaray in ay sameeyaan distoor sidi uu Axdi qarameedkii Boorame dhigaayey. Waxaa dhacday in ay is qabteen Khabiirkii oo Madaxweyne Cigaal ku xidhnaa lagana urinayey iyo gudigiiBaarlamaanka. Sidaas darteed waxay arrintii keentay in laba distoor la soo saaro mid Khabiirkii sameeyey iyo mid Gudigii Baarlamaanku sameeyeen . Gudigaas ka koobnaa 15 qof waxay ahaayeen SH.Cabdiilaahi sh. Cali Jawhar Guddoomiye Maxamed Axmed Cabdulle Guddoomiye-ku-x

The 1969 Military Coup in Somalia. Part 1- 10. By Dr. Mohamed Rashid Sheikh Hassan. * History*

''The Military Take Over (1969 coup d'état); The Beginning of the New Era'' Forty years have passed since the military forces took over power in Somalia in a bloodless coup overthrowing the post-colonial state founded on western democratic model. I would like to assess the history and the legacy of this regime in a series of articles. The Prime Minster Mohamed Haji Ibrahim Egal was in the United States for an official visit at the time when the news of the assassination of the President, Abdirashid Ali Sharmarke reached him. The constitution of the country stated the parliament must elect a successor immediately, if such a situation arises. When the lobbying and campaigning that who would succeed the President started, it became clear that personal interests were overriding national ones and the new candidate would not be judged by his national contributions or political skills. Reports of money exchanging hands for buying voters

SABABAHA KEENA FURNIINKA QOYSKA

Iyada oo ay jiraan siyaabo badan oo keena furniinka .oo ay dad badani ku kala tageen ayaa hadana waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa dhowr sababoodoo keena furniinka . Iyada oo aanu jirin jacayl dhaba oo ka dhaxeeya lamaanaha is qaba .hadii uu jirana laba lamaane midkoodbaa mid ka kale jecel .oo mid baa ku dulman jacaylkiisa .guurkaasina waxa uu sii jirayaa uun inta uu ka niyad jabayo qofka wax jecli ka uu jecel yahay. 2. Iyada oo aan run laga sheegin haasawaha la wadaagayo guurka hortii . oo mid waliba uu kan kale u soo bandhigayo dabeecado uu ku wanaagsan yahay .isaga oo qarinaya iinta uu mid waliba leeyahay.waxaana jira arrimo uu mid waliba si gaara u sii qariyo raga iyo dumarkuba iyada oo ay jiri karaan qodobo kale hadan laban ayaa inta badan la sheegaa inay adkaato sida looga run sheegaa.(Dumarku waxa ugu wayn ee ay qariyaan waa dabeecadeeda halka ay raguna qariyaan dhaqaalihiisa ) iyadda oo ay dhici karto in labada dhinacba lagu arko labadaa dabeecadoodba