Skip to main content

Yusuf Garaad


Yusuf Garaad Iyo Hadraawi 

Tartankii doorashada Somalia ee uu ka midka ahaa musharixiintii u tartamayay kursiga madaxwayanah Somalia Yusuf Garaad Cumar ayaa qabsoomay  10 September, 2012.  Abwaan Maxamed Xaashi  Dhamac Gaariye ayaa ku geeriyooday dalka Norway 30th September, 2012.

Yusuf Garad Cumar wuxu ka soo qayb galay aaskii Abwaan gaariye oo todobaad ka dib lagu qabtay magalada Hargaysa. Dawlada Somaliland oo uu hogaaminayay Mudan Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo kor umay qaadin imaatinkaa Yusuf Garaad iyada oo ay mamnuuc ahayd isku socodka siyaasiyiinta Somalia iyo Somaliland. Dawladii Somalia loo doortay madaxwayihii cusbaa wuxu u magacaabay Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Somali.

Alle ha u naxariistee waxaa Hargaysa ku geeriyooday Abwaankii weeynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, Khamiis August 19, 2022 waxana lagu aasay xabaalo ku yaal magaalada Hargaysa wax ka soo qayb galay Yusuf Garaad oo ah nin ah nin saaxiibtinimo wanaagsan leh oo labadaa ninba aaskoodii ka soo muuqday iyada ay wali xidhintahay isku socodka siyaasiyiinta Somalilan iyo Somalia isaga oo waliba xubin ah guddi xil ka haya dawlada muqdisho.





waa arin wanagsan ka war haynta asaxaabta iyo qaraabada, Waa arrin fiican in aad ka qayb gasho aasaska dadka Somalida ka caanka ee aad saaxibo ahaydeen laakin mar hadii siyaasiyiintu anay isku furnayn Somalia iyo Somaliland. Somaliland ogolayn isku socodka siyaasiyiinta muxuu kaga duwanyahay Yusuf Garaad Cumar?

Waan fahmay waa wariyihii BBC Somaliga oo ay isku barteen Somalida siyaasiyiinta iyo abwaanada oo dhan  ilaa imikana waxa u samaxay safarada aad xadka lahayn ee isaga oo xil haya uu dhinaca uu doono uu socdo taasi laakin ma xalalaynayso halka ay Somaliland ka taagantahay isku socodka.

Yusuf Garaad waa siyaasi qunyar socod ah oo aan Somaliland ku dheerayn laakiin wali wuxu la aragti yahay dawlada Somalia oo aan marna ogolayn madaxbananida Somaliland taasina waxa ay kala mid dhigaysaa siyaasiyiinta la aragtida ah ee Muqdisho soo dhaafi karin.Saaxiibtinimada Yusuf Garaad iyo madaxda Somaliland yanay sakhirin siyaasiyiinta Somalia ee an marna aaminsanayn in ay Somaliland noqoto dawlad ka duwan Somalia.



Comments

Popular posts from this blog

XASUUS QORKII GEES GEERIDII CIGAAL KA DIB

Xasuus Qorkii Gees Geeridii Cigaal Ka Dib Qalinkii . Maxamed Siciid Gees Samayntii Distoorka. Haddii aan halkaas kaga yara joogsano nabadayntii beelaha Soomaaliland aan wax yar ka iraahdo Dimuqraadiyentii inagoo ka bilaabayna samayntii Distoorka. Shirweynihii qaran ee Hargeysa lagu qabtay 1996waxaa barber socday Gudi ka kooban 15qof oo Shirgudoonkii shirkuu doorteen inay isku began laba distoor oo mid uu sameeyey Khabiir Soodaani ah oo markii hore loo keenay inuu la taliyo guddigii baarlamaanka ee loo magacaabay oo loo xilsaaray in ay sameeyaan distoor sidi uu Axdi qarameedkii Boorame dhigaayey. Waxaa dhacday in ay is qabteen Khabiirkii oo Madaxweyne Cigaal ku xidhnaa lagana urinayey iyo gudigiiBaarlamaanka. Sidaas darteed waxay arrintii keentay in laba distoor la soo saaro mid Khabiirkii sameeyey iyo mid Gudigii Baarlamaanku sameeyeen . Gudigaas ka koobnaa 15 qof waxay ahaayeen SH.Cabdiilaahi sh. Cali Jawhar Guddoomiye Maxamed Axmed Cabdulle Guddoomiye-ku-x

The 1969 Military Coup in Somalia. Part 1- 10. By Dr. Mohamed Rashid Sheikh Hassan. * History*

''The Military Take Over (1969 coup d'état); The Beginning of the New Era'' Forty years have passed since the military forces took over power in Somalia in a bloodless coup overthrowing the post-colonial state founded on western democratic model. I would like to assess the history and the legacy of this regime in a series of articles. The Prime Minster Mohamed Haji Ibrahim Egal was in the United States for an official visit at the time when the news of the assassination of the President, Abdirashid Ali Sharmarke reached him. The constitution of the country stated the parliament must elect a successor immediately, if such a situation arises. When the lobbying and campaigning that who would succeed the President started, it became clear that personal interests were overriding national ones and the new candidate would not be judged by his national contributions or political skills. Reports of money exchanging hands for buying voters

SABABAHA KEENA FURNIINKA QOYSKA

Iyada oo ay jiraan siyaabo badan oo keena furniinka .oo ay dad badani ku kala tageen ayaa hadana waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa dhowr sababoodoo keena furniinka . Iyada oo aanu jirin jacayl dhaba oo ka dhaxeeya lamaanaha is qaba .hadii uu jirana laba lamaane midkoodbaa mid ka kale jecel .oo mid baa ku dulman jacaylkiisa .guurkaasina waxa uu sii jirayaa uun inta uu ka niyad jabayo qofka wax jecli ka uu jecel yahay. 2. Iyada oo aan run laga sheegin haasawaha la wadaagayo guurka hortii . oo mid waliba uu kan kale u soo bandhigayo dabeecado uu ku wanaagsan yahay .isaga oo qarinaya iinta uu mid waliba leeyahay.waxaana jira arrimo uu mid waliba si gaara u sii qariyo raga iyo dumarkuba iyada oo ay jiri karaan qodobo kale hadan laban ayaa inta badan la sheegaa inay adkaato sida looga run sheegaa.(Dumarku waxa ugu wayn ee ay qariyaan waa dabeecadeeda halka ay raguna qariyaan dhaqaalihiisa ) iyadda oo ay dhici karto in labada dhinacba lagu arko labadaa dabeecadoodba