Skip to main content

KULMIYE: XISBIGII SHARKA (THE EVIL PARTY)


Inta inoo muuqatay Kulmiye waxa uu ahaa mid ka mid ah saddexda Xisbi qaran ee Somaliland laakiin wuxuu ka kooban yahay xisbiyo yaryar iyo kooxo kala aragti duwan ama kala ujeedo ah kaliya waxay ku bahoobeen Umbrella-da Kulmiye .

Markii ay mucaaridka ahaayeen heshiis waxay ku ahaayeen hal qodob oo qudha oo ahaa in si kasta oo suurto gal ah loo rido xukuumadii Daahir Rayaale sharci iyo sharci daraba.

Xisbiyada yaryar iyo kooxaha kulmiye inkasta oo aanay wax badan isku wafaqsanayn hadana waxay leeyihiin dabeecado (Charateristics) isku mid ah waana arrimaha isku soo jiiday in ay meel ka wada duulaan, dhamaantood ma aaminsana dimuqraadiyada xataa xisbiga dhexdiisa waa dambi in la soo hadal qaado in lagu tartamo mansabyada qaar ka mid ah.

Kulmiye mucaaridnimada waxa uu u yaqaanaa in maamulka la curyaamiyo iyo in lays hor taago mashruuc kasta oo ay dawladu wadato.

Ma laha iyagu aragti siyaasadeed oo fog ma arkaan warna kama hayaan waxa ka socda caalamka, gobolka iyo siday u saamayn karaan Somaliland iyaga waxa u mudan ama ay isku mashquuliyaan xifaltanka  iyo dagaalka gudaha ama dhexdeena.

Xiliyada doorshada Istaraatijiyada kulmiye waxay ahayd in muran iyo khilaaf la abuuro si doorashadu dib uga dhacdo wakhtigi loogu talo galay si xukuumada loogu eedeeyo  dadweynahana lagu jiheeyo waxa kaloo ka mid ahaa in la abaabulo mudaharadyo rabshado wata si dad badani ugu dhinto iyaga oo ku khamaaraya nabad-gelyada iyo xasiloonida dalka, waxay si qorshaysan uga sii shaqyan jireen sidii loo boobi lahaa codadka sanaaduuqada doorashada, Kulmiye wuxuu qoran jiray mutadawaciin rag iyo dumarba leh oo loo tababaray sida cododka loo khamkhamo ama loo xado  sida khadka oo la masaxo, muraaqibiinta xisbiyada kale oo la laaluusho, shaqaalaha goobaha fogfog oo la cabsi geliyo iyo in muran la geliyo sanaduuqda meelaha ay ku badan yihiin taageerayaasha labada xisbi ee kale .

Maalamaha doorashooyinka reer kulmiye waxa caado u ahayd inay buuq iyo goolaftan ka sameeyaan gudaha iyo hareeraha xarunta dhexe ee gudida doorashooyinka qaranka.

Hab-dhaqanka kulmiye haddii aan ku tilmaamay xisbigii sharka ma danbibaa iga raaci.

Dagaalkii sokeeye wixii ka danbeyay Somaliland dhowr jeer ayay ku sigatay inay ka siibato salanka inta badana waxa u sabab ahaa masuuliyad daradii ragii madaxda ka ahaa kulmiye, muwaadin bal dib u milicso dhacdooyinkii ina soo maray:
  1. Doorashadii Madaxweynaha ee 2003 isagoo ku xisaabtamay cododkii uu boobay iyo sanaaduuqdii aan cododkooda la tirin (Cancelled) ee Gudida doorashooyinka la marsiiyay waxay iskood ugu dhawaaqeen inay doorashadii heleen, malintaa Somaliland way sigatay 
  2. Saacado ka dib markii Gudidu natiijadii rasmiga ahayd ku dhawaqay in Musharaxii UDUB ku guulaystay kooxihii sharku waxay isku raaceen inay dagaal ka ridaan dalka malintaa Somaliland waxay ku badbaaday diidamadii Gudoomiyihii UmbrelLa-da oo ah madaxweynaha talada maanta haya 
  3. 2005 Doorashadii shir-gudoonka Wakiilada cusub Kulmiye oo taageero ka helay UCID wuxuu xoog iyo sifo sharciga baalmarsan ku fadhiistay kuraasidii shir-gudoonka malintaana Somaliland waxay ku badbaaday bisaylkii iyo dulqaadkii xukuumadii  Daahir Rayaale . 
  4. Dabayaaqadii 2009 iyo horaantii 2010 Somaliland waxay qarka u sarnayd inay burburto maalintaana waxa lagu badbaaday gurmadkii dawlada Itoobiya 
  5. lagama sheekayn karo wixii ka dhacay doorashadii ugu danbaysay ee Golayaasha Deegaanka —Waa Kudkii oo Kabo loo tolay, waaba kuwii oo boobkii dawlad u noqday, malintaana Somaliland waxay ku badbaaday dulqaadkii iyo samirkii Ururadii la tartamayay .
Si kastaba ah ahaatee kulmiye waxa ka dhex qarxay khilaafkii ugu cuslaa ee abid soo mara, maxaa se laysku hayaa ama laysku haystaa? Dalku wuxuu leeyahay Distoor, waxa la dajiyay oo jira xeerkii doorashooyinka, Xisbigu wuxuu leeyahay shuruucdiisa gaarka ah, in kasta oo qolo waliba cuskanayso qodobo sharci  reer kulmiye ma aaminsana diyaarna uma aha in  lagu kala bixi karo sharciga iyo qaynuunka dalka koox waliba waxay doonaysa in damaceeda ku gaadho si jujuub ah qiimo kasta  iyaga oo aan  waxba  xeerin.

Lagama yaabo xisbi iyo xukuumadba reer kulmiye inay gartaan miisaanka xilka iyo masuuliyada saaran iyo in masiirkii ummadu gacantooda ku jirto,  maba dareensan in haddii khilaafku sii socdo uu samayn ku yeelanayo midnimada bulshada iyo xasiloonida dalka.

Akhriste Xisbiga markii uu ahaa mucaaridka masuul noqon waayay marka uu xukunka qabtana masuul noqon maayo.

Hadaba Somaliland sharka kulmiye haddii ay dhowr jeer ka badbaaday maantaba ayaa ka badbaadin?

C/raxmaan Cadami 

Comments

Popular posts from this blog

XASUUS QORKII GEES GEERIDII CIGAAL KA DIB

Xasuus Qorkii Gees Geeridii Cigaal Ka Dib Qalinkii . Maxamed Siciid Gees Samayntii Distoorka. Haddii aan halkaas kaga yara joogsano nabadayntii beelaha Soomaaliland aan wax yar ka iraahdo Dimuqraadiyentii inagoo ka bilaabayna samayntii Distoorka. Shirweynihii qaran ee Hargeysa lagu qabtay 1996waxaa barber socday Gudi ka kooban 15qof oo Shirgudoonkii shirkuu doorteen inay isku began laba distoor oo mid uu sameeyey Khabiir Soodaani ah oo markii hore loo keenay inuu la taliyo guddigii baarlamaanka ee loo magacaabay oo loo xilsaaray in ay sameeyaan distoor sidi uu Axdi qarameedkii Boorame dhigaayey. Waxaa dhacday in ay is qabteen Khabiirkii oo Madaxweyne Cigaal ku xidhnaa lagana urinayey iyo gudigiiBaarlamaanka. Sidaas darteed waxay arrintii keentay in laba distoor la soo saaro mid Khabiirkii sameeyey iyo mid Gudigii Baarlamaanku sameeyeen . Gudigaas ka koobnaa 15 qof waxay ahaayeen SH.Cabdiilaahi sh. Cali Jawhar Guddoomiye Maxamed Axmed Cabdulle Guddoomiye-ku-x

The 1969 Military Coup in Somalia. Part 1- 10. By Dr. Mohamed Rashid Sheikh Hassan. * History*

''The Military Take Over (1969 coup d'état); The Beginning of the New Era'' Forty years have passed since the military forces took over power in Somalia in a bloodless coup overthrowing the post-colonial state founded on western democratic model. I would like to assess the history and the legacy of this regime in a series of articles. The Prime Minster Mohamed Haji Ibrahim Egal was in the United States for an official visit at the time when the news of the assassination of the President, Abdirashid Ali Sharmarke reached him. The constitution of the country stated the parliament must elect a successor immediately, if such a situation arises. When the lobbying and campaigning that who would succeed the President started, it became clear that personal interests were overriding national ones and the new candidate would not be judged by his national contributions or political skills. Reports of money exchanging hands for buying voters

SABABAHA KEENA FURNIINKA QOYSKA

Iyada oo ay jiraan siyaabo badan oo keena furniinka .oo ay dad badani ku kala tageen ayaa hadana waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa dhowr sababoodoo keena furniinka . Iyada oo aanu jirin jacayl dhaba oo ka dhaxeeya lamaanaha is qaba .hadii uu jirana laba lamaane midkoodbaa mid ka kale jecel .oo mid baa ku dulman jacaylkiisa .guurkaasina waxa uu sii jirayaa uun inta uu ka niyad jabayo qofka wax jecli ka uu jecel yahay. 2. Iyada oo aan run laga sheegin haasawaha la wadaagayo guurka hortii . oo mid waliba uu kan kale u soo bandhigayo dabeecado uu ku wanaagsan yahay .isaga oo qarinaya iinta uu mid waliba leeyahay.waxaana jira arrimo uu mid waliba si gaara u sii qariyo raga iyo dumarkuba iyada oo ay jiri karaan qodobo kale hadan laban ayaa inta badan la sheegaa inay adkaato sida looga run sheegaa.(Dumarku waxa ugu wayn ee ay qariyaan waa dabeecadeeda halka ay raguna qariyaan dhaqaalihiisa ) iyadda oo ay dhici karto in labada dhinacba lagu arko labadaa dabeecadoodba