Skip to main content

Marxaladaha ay soo mareen saami qaybsiga Gobolada Somaliland 1960 - 2015


Yusuf Habiib Hussien

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Axmed Maxamed Aden (Qaybe), ayaa magacaabay Gudida ku meel gaadhka ee dhammystirka xeerka doorashada Golaha Wakiilada, taariikhdu markay ahayd, 17kii November 2004.  Oo uu gudoomiye u ahaa Gudoomiye ku Xigeenkii Golaha Mudane Mudane Cabdilqadir Xaaji Ismaciil ( Jirdeh)

Gudida waxaa loo xilsaaray inay soo afjaraan saddex aragtiyood oo guddi hoosaadka arrimaha gudaha ee Golaha Wakiiladu u soo gudbiyeen Golaha Wakiilada oo ku sabsanaa sami qaybsiga Gobolada Somaliland. Waxaa kale oo loo xilsaaray inay soo dhammystiraan xeerka doorashada Golaha Wakiilada.

Gudidan waxaa waajibaadkeeda ka mid ahaa inay ka baaraan degaan saddexda aragtiyood, oo ay soo afjaraan mushkiladdan mudada dheer soo jiitamaysay. Taasoo ah in xubnaha Golaha Wakiiladu kala taageersanyihiin saddex aragtiyood oo kala duwan. Sadexdaasi aragtiyoodna waxay kala yihiin:

1.      In saamiga tiradii kuraasta baarlamaanka ee sannadkii 1960 oo ahayd 33 xubnood loogu qaybiyey 6 degmo ee dalku ka koobnaa, ay sal u noqoto sida maanta loo qaybinayo 82 kuri  Golaha ee la soo dooranayo. Gobolada Somaliland waxay kala heleen

·         Degmada Hargeisa --- 7 Xubnood
·         Degmada Burco --- 6 Xubnood
·         Degmada Berbera --- 5 Xubnood
·         Degmada Boorama --- 5 Xubnood
·         Degmada Ceerigaabo --- 5 Xubnood
·         Degmada Laascaanood --- 5 Xubnood

Naatiijadii Doorashadii sannadkii 1960:
(Source:The Somaliland Protectorate Gazate, Vol XX, No. 11, Hargeisa, 27th February, 1960.)

2.   In tirada maanta gobol waliba ku leeyahay Golaha Wakiilada ay sal u ahaato saamiga laga soo dooranayo Gobol walba taas oo ahayd sidii lagu qaybsaday shir beeleedyadii Borama 1993 – Hargaysa 1997.

3.   In tirada doorashada codbixisaa u ahaato sal saamiga kuraasta xisbi walba iyo Gobol walba ka helayo xubnaha la dooranayo.


Gudidu, iyagoo ogsoon muhiimada ay xal u raadinta mushkiladani u leedahay dhammaystirka doorashooyinka Somaliland, ayey ku dedaaleen sidii ay u heli lahaayeen xal ku meel gaadh ah oo saddexda aragtiyoodba u cuntami kara, tiiyoo saddexda aragtiyood     aan     midna     loo     xaglinaynin     ee     meel     dhexe     layska     taagayo. Ugu   horreyn,   aragtida   sadexaad   ee   ahayd   in   natiijada   codaynta   ka   soo   baxda doorashada sal looga dhigo saamiga xisbi walba iyo gobol walba qaaybtiisa ku helayo, kama muuqato tiro go’an oo ay hadda wax ugu qaybinayso gobolada. Labada aragtiyood ee kalana waxay muujinayaan tiro go’an oo gobol walba loo cayimayo.

Markaasi ka dib, waxaa gudida la gudboonaatay inay guda gasho habkii labada aragtiyood ee kale loo dhexdhexaadin lahaa loona kala xaqsoori lahaa. Waxayna gudidu isla af garatay in labada aragtiyoodba meel dhexe layska taago. Taas oo ah in tirada xubnaha labada aragtiyood siinayaan gobol walba laysku geeyo, ka dibna laba loo qaybiyo si loo helo tirada dhex dhexaadka ah.

Si arrintaasi u suurtogasho, waxaa marka hore lagama maarmaan noqday in la ogaado tirada  xubnaha  ee  aragti  walba  u  qoondaysay  gobol  walba.  Markii  la  soo  qaaday aragtida koowaad ee ku salaysnayd habkii sannadkii lixdankii, waxaa muuqday in tirada kuraastii  lixdankii  ahayd  33  kursi, kuwa maantuna  82  kursi. Sidaasi awgeed waxaa lagama maarmaan noqday in kuraasta gobol walba lahaa sannadkii lixdankii lagu dhufto 2.5. Taasoo markii la xisaabiyay jajab aan xubin noqon karini ka soo hadhay gobolada qaarkood. 

·         Gobolka Tirada xubnaha 1960 Tirada xubnaha X2.5

  • Hargeisa                              7             17.5 
  • Togdheer                            6              15 
  •  Awdal                                  5             12.5 
  •  Sanaag                                 5             12.5 
  •  Sool                                       5             12.5 
  •  Saaxil                                    5             12.5 
  •  Wadar                                 33          82

Sidoo kale markii aragtida labaad ee hab beeleedka ku qotontayna la goboleeyay waxaa muuqatay in shanta xubnood ee gudida ahi qof walba u arkay si gooniya tirada gobolada aragtidani u qoondaysay. Taasoo ay ugu wacan tahay beelaha qaarkood oo gobollo dhawar ah dega, qofkiina loo arki karo mid ka soo jeeda gobollo kala duwan. 

·         Gobolka Tirada xubnaha oo gobolysan
  • Hargeisa                              24 
  •  Togdheer                            14-16 
  •  Awdal                                   16 
  •  Sanaag                                  11-12 
  •  Sool                                       10-11 
  •  Saaxil                                    6 
  • Wadar                                 82 

Sidaasi awgeed, ayey lagama maarmaan u noqotay in shanta xubnood ee gudida ahi mid waliba gooni ahaantii u xisaabiyo tirada xubnaha ee gobol walba ka helayo tirada isugeynta dhex dhexaadka ah. Markaasi ka dib ayaa laysku geeyey tiradii xubin kasta oo gudida ahi u aragtay in gobol walba heli karo. Halkaasi oo ay ka soo baxday tiro dhex dhexaad ah oo isugeyntii ka soo baxday. Waxayna tiradaasi gobol walba helay noqotay sida soo socota:

·         Gobolka Tirada xubnaha aragtida dhexe
  • Hargeisa                     20 
  • Togdheer                   15 
  •  Awdal                         13 
  • Sanaag                        12 
  •  Sool                             12 
  •  Saaxil                          10
  • Wadar                        82

Sidaa darted waxybaaha imika hor yaal xukuumada, Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida iyo dhamaan sharciyada dalka in xal loo helo dhamaan su’aal soo socda:


1.      Sidii xal loogu heli lahaa khilaafka saami qaybsiga Gobolada Somaliland ee soo noqnoqday xiliga la gaadho doorashada Wakiilada?

2.      Sidii loo qancin lahaa Gobolada qaadacay doorashada soo socota?

3.      Xildhibanada Gobolka Awdal ee ka baxa Golaha marwalba oo la soo qaado saami qaybsiga Golaha Wakiilada Somaliland maxaa uga meel yaal hadii sidani soo noqoto?

4.      Doorashadu wakhtigeeda?

Comments

Popular posts from this blog

XASUUS QORKII GEES GEERIDII CIGAAL KA DIB

Xasuus Qorkii Gees Geeridii Cigaal Ka Dib Qalinkii . Maxamed Siciid Gees Samayntii Distoorka. Haddii aan halkaas kaga yara joogsano nabadayntii beelaha Soomaaliland aan wax yar ka iraahdo Dimuqraadiyentii inagoo ka bilaabayna samayntii Distoorka. Shirweynihii qaran ee Hargeysa lagu qabtay 1996waxaa barber socday Gudi ka kooban 15qof oo Shirgudoonkii shirkuu doorteen inay isku began laba distoor oo mid uu sameeyey Khabiir Soodaani ah oo markii hore loo keenay inuu la taliyo guddigii baarlamaanka ee loo magacaabay oo loo xilsaaray in ay sameeyaan distoor sidi uu Axdi qarameedkii Boorame dhigaayey. Waxaa dhacday in ay is qabteen Khabiirkii oo Madaxweyne Cigaal ku xidhnaa lagana urinayey iyo gudigiiBaarlamaanka. Sidaas darteed waxay arrintii keentay in laba distoor la soo saaro mid Khabiirkii sameeyey iyo mid Gudigii Baarlamaanku sameeyeen . Gudigaas ka koobnaa 15 qof waxay ahaayeen SH.Cabdiilaahi sh. Cali Jawhar Guddoomiye Maxamed Axmed Cabdulle Guddoomiye-ku-x

The 1969 Military Coup in Somalia. Part 1- 10. By Dr. Mohamed Rashid Sheikh Hassan. * History*

''The Military Take Over (1969 coup d'état); The Beginning of the New Era'' Forty years have passed since the military forces took over power in Somalia in a bloodless coup overthrowing the post-colonial state founded on western democratic model. I would like to assess the history and the legacy of this regime in a series of articles. The Prime Minster Mohamed Haji Ibrahim Egal was in the United States for an official visit at the time when the news of the assassination of the President, Abdirashid Ali Sharmarke reached him. The constitution of the country stated the parliament must elect a successor immediately, if such a situation arises. When the lobbying and campaigning that who would succeed the President started, it became clear that personal interests were overriding national ones and the new candidate would not be judged by his national contributions or political skills. Reports of money exchanging hands for buying voters

SABABAHA KEENA FURNIINKA QOYSKA

Iyada oo ay jiraan siyaabo badan oo keena furniinka .oo ay dad badani ku kala tageen ayaa hadana waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa dhowr sababoodoo keena furniinka . Iyada oo aanu jirin jacayl dhaba oo ka dhaxeeya lamaanaha is qaba .hadii uu jirana laba lamaane midkoodbaa mid ka kale jecel .oo mid baa ku dulman jacaylkiisa .guurkaasina waxa uu sii jirayaa uun inta uu ka niyad jabayo qofka wax jecli ka uu jecel yahay. 2. Iyada oo aan run laga sheegin haasawaha la wadaagayo guurka hortii . oo mid waliba uu kan kale u soo bandhigayo dabeecado uu ku wanaagsan yahay .isaga oo qarinaya iinta uu mid waliba leeyahay.waxaana jira arrimo uu mid waliba si gaara u sii qariyo raga iyo dumarkuba iyada oo ay jiri karaan qodobo kale hadan laban ayaa inta badan la sheegaa inay adkaato sida looga run sheegaa.(Dumarku waxa ugu wayn ee ay qariyaan waa dabeecadeeda halka ay raguna qariyaan dhaqaalihiisa ) iyadda oo ay dhici karto in labada dhinacba lagu arko labadaa dabeecadoodba