XASUUS QORKII GEES GEERIDII CIGAAL KA DIB
Xasuus Qorkii Gees Geeridii Cigaal Ka Dib Qalinkii . Maxamed Siciid Gees Samayntii Distoorka. Haddii aan halkaas kaga yara joogsano nabadayntii beelaha Soomaaliland aan wax yar ka iraahdo Dimuqraadiyentii inagoo ka bilaabayna samayntii Distoorka. Shirweynihii qaran ee Hargeysa lagu qabtay 1996waxaa barber socday Gudi ka kooban 15qof oo Shirgudoonkii shirkuu doorteen inay isku began laba distoor oo mid uu sameeyey Khabiir Soodaani ah oo markii hore loo keenay inuu la taliyo guddigii baarlamaanka ee loo magacaabay oo loo xilsaaray in ay sameeyaan distoor sidi uu Axdi qarameedkii Boorame dhigaayey. Waxaa dhacday in ay is qabteen Khabiirkii oo Madaxweyne Cigaal ku xidhnaa lagana urinayey iyo gudigiiBaarlamaanka. Sidaas darteed waxay arrintii keentay in laba distoor la soo saaro mid Khabiirkii sameeyey iyo mid Gudigii Baarlamaanku sameeyeen . Gudigaas ka koobnaa 15 qof waxay ahaayeen SH.Cabdiilaahi sh. Cali Jawhar Guddoomiye Maxamed Axmed Cabdulle Guddoomiye-ku-x...
Comments
Post a Comment