Xalinta Khilaafka Hargaysa: Tusaale iyo Tilmaan Nabigeenii Muxamed (S.C.W)
Xigmad iyo Hoggaamin Ku Dayasho Mudan Qofka binu’aadamka ah waxa uu inta uu noolyahay mar kasta ku dhex jiraa xaalado qaabeeya noloshiisa adduun iyo tan aakhiraba. Xaaladahaasi waa kuwo muhiim ah oo saamayn ku leh sumcadda qofka iyo mustaqbalkiisa, gaar ahaan haddii uu yahay hoggaamiye ka mas’uul ah bulshada uu u adeego. Marka khilaaf yimaado, habka lagu xaliyaa waa furaha muujinaya hoggaanka dhabta ah. Hadda, magaalada Hargeysa waxaa ka taagan muran u dhexeeya Maayarka iyo qaybo ka mid ah bulshada uu hoggaamiyo. Waa xaalad u baahan xal xigmadaysan oo waayeelnimo leh, waxaana wanaagsan in tusaalooyin taariikhi ah laga barto si xal loogu helo xaaladdan. Tusaale Ka Mid Ah Nolosha Nabigeenna (S.C.W ) Nabigeenna Muxamed (S.C.W) waxa uu mar walba ahaa tusaale ugu wanaagsan xallinta murannada iyo qancinta bulshada. Mid ka mid ah dhacdooyinka muhiimka ah ee tusaale inoo noqon kara waxa uu dhacay xilli uu Nabiga (S.C.W) qaybinayay qaniimo laga keenay dagaal ay muslimiint...