Skip to main content

Maxaad ka Xusuusataa Dhacdooyinkii Waa-weynaa ee Sannadkan 2013-ka ka dhacay Deegaannada Somaliland? (SAWIRRO)

Dhacdooyinkii ugu waa-weynaa ee sannadkan 2013-ka ka dhacay Somaliland waxaa ka mid ahaa xarig loo geystay wariyeyaal, khilaaf ka dhashay doodda Qaran ee xisbiyadu soo abaabuleen iyo dhacdooyin kale.
 
Sanadkan sii galbanaya, ayaa lagu xasuusan doonaa dhacdooyinkala duwan oo dalka ka dhacay, waxaana ka mid ahaa dhacdooyinkii waaweynaa kuwan hoos ku qoran:


27 January 2013, Waxaa Ingiriisku ku dhawaaqay inay dadkiisu kasoo baxaan Somaliland arrimo argagixiso oo ka dhici doono awgeed, waxaana taas ka cadhooday shacabka Somaliland oo mudaharaad balaadhan ka dhigay guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, taas oo ay u arkeen inay tahay dambi laga galay.
30 January 2013, Madaxweynaha Somailland ayaa labada gole u jeediyey khudbad sanadeedkii oo uu kaga hadlay waxyaalo badan oo ay ku jirto digniintii uu Ingiriisku uga digay shacabkiisa inay u safraan Somaliland.
23 January 2013, Waxaa shir-gudoonka golaha wakiiladu sheegeen inay soo afjareen khilaafkii soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici .
08 March 2013, Nin ayaa xaaskiisii iyo laba caruur ah oo uu dhalay ku dilay magaaladda Hargeysa, halka isaguna uu iska jaray xubnihiisii taranka ka dibna cisbitaalka guud la dhigay.
02 March 2013, Haweenayda kaliya ee ku jirtay golaha Guurtidda Somaliland Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye ayaa xubinimadii golaha iska casishay.
11 April 2013, Waxaa maamulka Dawlada Hoose ee Boorama oo kaashanayay ciidamada Amniga ee Boorama ay gacanta ku dhigeen masuulkii iyo alaabtii taalay bakhaar la sheegay in lagu jidiidin jiray alaabta dhacday oo ku yaala magaalada Boorama.
13 April 2013, Somaliland iyo Soomaaliya oo heshiish ka kooban 7 qodob ku kala saxeexday Turkiga, kaasi oo ay labada dhinac u kala saxeexeen Gudiyadii farsamo ee shirka ku yeeshay magaalada Istanbul.
14 April 2013, Golaha Deegaanka ee caasimadda Hargeysa ayaa maayarka caasimadda u doortay Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan Soltelco) ka dib markii uu geeriyooday Maayarkii Hore Marxuum-Yuusuf Warsame Siciid.
17 April 2013, Madaxweynaha Somaliland ayaa markii ugu horeysay la kulmay Ra’isal wasaaraha Ingiriiska Mr: David Cameron.
25 April 2013, Waxaa magaalada Diri-dhaba ee Itoobiya ku geeriyooday Abwaankii weynaaa  Cabdilaahi Macalin Dhoodaan oo si weyn looga dareemay geeridiisa Somaliland, isla markaana aaskiisa dawlad iyo shacabba ka qaybgaleen.
25 April 2013, Waxaa magaaladda Burco ku geeriyooday Abwaan weyn oo ka mid ahaa fanaaniintii ugu horeeyey ee fanka casriga bilaabay, markii dambana noqday Wadaad diinta faafiya Maxamuud Cismaan Maxamed C/kariim (Gacanlow) oo heesihiisa ilaa hadda si weyn loo dhagaysto.
09 May 2013, Wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland ayaa tafaasiil ka bixisay lambaradda fureyaasha cusub ee shirkadda TELESOM ku soo kordhisay Mobile-keeda gacanta,kaas oo dadweynaha dhexdeedda ku keentay khilaaf iyo muran faro badan, halka dadweynaha u arkeen in numbarkan ku soo dartay laga leeyahay Soomaaliya, isla markaana ku dhaliilay  shirkadda inay qayb ka tahay Soomaaliya, haseyeeshee waxa waxba kama jiraan ku tilmaamay wasaaradda Iskaadhsiinta.
20 May 2013, Waxaa warbaahinta Somaliland si weyn uga faaloonayeen hadal uu Ra’isal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalgne ka jeediyey baarlamaankiisa, kaas oo uu kaga sheekeeyey xidhiidhka adag ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya kaas oo dadweynuhu aad usoo dhoweeyeen. “Somaliland waa saaxiib muhiim ah oo Itoobiya ay leedahay waxa naga go’an wax kasta oo ay nagu qaadato inaanu difaacno oo aanu ilaalino Somaliland” ayuu yidhi Mr. Desalgne, waxaana bogaga hore lagu qoray warbaahinta ka soo baxa magaaladda Hargeysa, taas oo toddobaadyo laga faaloon jiray.
21 May 2013, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka midowga Yurub u qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, kaas oo ay ka wada hadleen qaabka loo maamulayo Deeqaha reer Yurub bixiyaan, isla markaana loo samaynayo sanduuq Somaliland u gaar ah oo lagu horumarinayo.
27 May 2013, Waxa Xabsiga dhexe ee Magaalada Boorame looga sii daayay Odayaal u xidhnayd shaqaaqo bishi March ee sanadkan ka dhacday Degaanka Xariirad ee Gobolka Salal oo dhimasho iyo dhaawac keentay.
02 June 2013, Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa tartankii ciyaaraha gobolada Somaliland oo ka furaay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, Tartankaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan markii u horeysay 13-ka gobol ee Somaliland ka kooban tahay. Waxaana ugu dambeyntii ku guulaystay tartankaasi Gobolka Maroodi jeex.
11 June 2013, Maxkamada Gobolka Maroodi jeex ayaa Xayiraad ku soo rogtay Wargayska Hubaal ee Ka Soo baxa Caasimada Hargaysa.
15 June 2013, Madaxweynaha ayaa ardayda dhagoolayaasha ee dugsiyadda dalka dhigatay ku qaabiley xaafiikiisa, taas oo dadweynuhu soo dhoweeyeen.
23 June 2013, Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa magacaabay Guddi qaran oo ka kooban 7 Wasiir oo uu u xilsaaray ka hortaga Tahriibka iyo shaqo abuurka dhalinyaradda Somaliland.
24 June 2013 Waxaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo golihiisa wasiirada ku sameeyey isku shaandheyn balaadhan, isagoo wasiirka arrimaha gudaha u magacaabay wasiirkii hore Duulista hawadda ee dawladdii Daahir Rayaale, halka wasiirka Arrimaha dibadana u magacaabay nin muddo badan ka soo shaqaynayey Qaramadda midoobay ahaana ninka labaad ee maamulayey Gobolka Daafuur ee Suudaan Maxamed Biixi Yooni.
01 July 2013, madaxweynaha Somaliland oo furay shirweyne qaran oo lagaga hadlayo sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyaradda.
03 July 2013, Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa xukun xadhig iyo ganaax iskugu jira ku riday masuuliyiinta wargeyska madaxa banaan ee HUBAAl ka dib markii xayiraad la saaray wargeyska oo dacwad ku saabsan warar ay qoreen ay ka socotay maxkamadda.
06 July 2013, Ciidanka Militariga Somaliland ayaa qabtay sanaaduuqdii Puntland ee ku socotay degmooyinka gobolka Sanaag. 09 July 2013,  Wareeggii afraad ee wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya u socday oo ka dhacay magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga, kuwaas oo ku heshiiyey sadex qodob.
13 July 2013, Dadweynaha Somaliland ayaa si weyn u dhaliileen dayactirka lagu sameeyey madaarka Hargeysa oo wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi sheegay inay lacag badani ku baxday, haseyeeshee ay diyaaridihii waaweynaa fadhiisan waayeen, taas oo gaadhay heer diyaaradihii Itoobiya joojisay duulimaadyadii ay ku iman jirtay Somaliland.
15 July 2013, Magaalada Hargeysa waxaa lagaga dhawaaqay gole la magac baxay golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka, kaas oo si weyn uga hortimid xukuumaddii, haseyeeshee markii dambe magacii bedelay oo la baxay Madasha wadatashiga.Kooxdan Madasha la baxday ayaa ah siyaasiyiin si weyn looga qadariyo Somaliland, isla markaana saameyn badan ku dhex leh bulshadda.
20 July 2013, Wasiirka Madaxtooyadda iyo wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ayaa soo dhoweeyey Odayaal hogaaminayey maleeshiyo lix boqol oo askari iyo Tiknakadoodii oo ka hawlgali jirtay koonfurta gobolka Sanaag , kuwaas oo la qarameeyey laguna daray ciidanka Militariga.
23 July 2013, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliand Md. Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Gaadiid cusub oo nooca Bilayska ee Gurmadka Deg-dega ah ku wareejiyay Ciidanka Bilayska Somaliland.
24 July 2013, Waxaa markii ugu horreysay heshiish iskaashi dhexmary xisbiga UCID iyo WADANI oo khilaaf weyni ka dhexeeyey tan iyo wakhtigii ay maxkamadda isla galeen, isla markaana isku qabsadeen hogaaminta xisbiga UCID ka dib uu gudoomiyaha golaha Wakiiladda C./raxmaan Cirro samaystay ururka WADANI oo markii dambana ka mid noqday saddexda xisbi qaran.
26 July 2013, Madaxweynaha ayaa abaalmarino gaadiid ku jiro ku gudoonsiiyey tartan quraan oo uu u qabtay arday yaryar.
27 July 2013, Somaliland ayaa qaadacday shir loo qabanayey Soomaalidda oo ka dhacayey xarunta midowga Yurub oo dhaqaale badan loogu ururinayey Soomaaliya.
04 August 2013, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa xukuntay 22 dhalinyaro ah oo kufsaday laba hablood oo ay qabsadeen xili ay ku socdeen salaada taraawiixda.
07 August 2013, Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa 10,000 kun oo askari oo ka  ugu hooseeyo alafle uguna sareeyo Major General oo ah sareeye gaas ku taxay darajooyinkoodda.
21 August 2013, Dagaal laba beelood ah oo ka dhacay deegaanka God-heeri oo degmadda Oog ee gobolka Sanaag ayaa waxa ku dhintay Afar qof, toddoba kalana way ku dhaawacmeen ka dib markii iska hor imaad hubaysani ku dhex maray laba beelood oo wada dega deegaankaasi.
04 September 2013, Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa Xoriyadiisa u soo celisay Nin u dhashay waddanka Itoobiya oo magaciisa la yidhaa Nuuradiin Maxamed oo muddo 13 sanadood ah Xabsiyada ugu xidhnaa Kiis Dil ah oo lagu waayay, kaas oo maxkamadda gobolku hore ugu xukunta dil.
07 September 2013, Waxaa Baanka Somaliland ka bedelay lacagtii Giimbaarta ahayd gobolka Sanaag, taas oo keentay inay dadka qaar ka mudahaaradaan.
14-kii illaa 19-kii September 2013, Madxweynaha ayaa isku soo mary afar gobol oo ka tirsan Somaliland, kuwaas oo uu mashaariic kala duwan qaarna xadhiga ka jaray qaar kalana soo dhagax dhigay.
23 September 2013, Labadda xisbi mucaarad (UCID iyo KULMIYE) ayaa loo diiday codsi ay ku doonayeen inay mudaharaad salmi ah ka sameeyaan dalka, kuwaas oo diidaan ansixinta xeer takaaliifta Wadooyinka oo lacag dheeraad ah lag qaadayo gaadiidleyda.
23 October 2013, Waxa rasaas lagu furay xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah mudayaasha golaha Wakiiladda, haseyeeshee ninkii rasaasta ku furay waxa uu isna sheegay inuu bastolad ula baxay xildhibaanku isaguna iska difaacay.
09 November 2013, Waxaa rag hubaysani isku dayeen inay toogtaan gudoomiye ku xigeenka Xisbiga taladda haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin, waxaana taliyaha ciidanku sheegay inay falkaasi u qabteen saddex qof.
23 November 2013, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay inuu ciidamadda Booliska usoo iibin doono diyaaraddaha Qumaatiga u kaca, isla markaana ku wareejiyey 7 baabuur oo loogu tallo galay in lagu fuliyo gurmadka deg-dega ah.
26 November 2013, Waxa magaaladda Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Ambaasadoor Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) Gudoomiyahii hore ee Golaha wakiilada Somaliland oo ka mid ahaa diblamaasiyiinyii soomaaliya ugu horeeyey oo wadamo badan ka soo shaqeeyey, waxaana aas qaran loogu sameeyey magaaladda Hargeysa.
28 November 2013, Madaxwaynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa heshiis horumarin ah la saxeexday wufuud ka socday dalalka Ingiriiska Iyo Dermark, waxaana heshiiska joogay safiirrada labada dal u jooga Nairobi, kuwaas Somaliland u sameeyey sanduuq gaar ah.
03 December 2013, Waxaa xabsiga loo taxaabay afar wariye oo ka mid ahaa wariyeyaal koox ah oo oo mudaharaad nabadeed ah ka dhigay magaalada Hargeysa.
08 December 2013, Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa xisbiga UCID ka diiday mudaharaad ay doonayeen inay ku beegan maalinta xuquuqul insaanka Aduunka.
09 December 2013, Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa oo magaciisa la odhan jiray Mustafe Cismaan Daahir oo maxkamadda Hargeysa ku xukuntay dil toogasho ah ka dib markii lagu helay inuu nin ay saaxiib ahaayeen dilay.
09 Decemeber 2013, Waxaa Hargeysa laga dareemay Jaad la’aan taas oo taabatay dadka jaadka cunna.
10 December 2013, Waaxa wariyeyaasha ka hawlgala magaalada Hargeysa sameeyeen mudaharaad  aan hore uga dhicin dalka, isla markaana waxay soo bandhigeen cabudhinta warbaahinta oo ay dhamaantood afka mara iskaga wada xidheen.
10 December 2013, golaha deegaanka Hargeysa oo laba shirkadood rusqadii xashiish gurista kala noqday. 13 December 2013, Ciidanka Booliska ayaa albaabada u laabay wargeyska Hubaal, laba ka mid shaqaalaha xabsiga u taxaabay, joojiyeyna shaqadii wargeyska.
24 December 2013, Saddexda xisbi Qaran ayaa ku heshiiyey qabashadda doodda Qaran oo xisbiyadda mucaaradku soo abaabuleen, isla markaana lagu wareejiyey Akaddamiga Nabadda.
28, December 2013, Waxaa shaqo joojin ku dhawaaqay Booyadaha magaaladda Hargeysa u dhaamiya, waxaana shaqo joojintaasi ka dhashay mudaharaad dhawr qof ku dhaawacmeen ka hor inta aan heshiin xukuumadda iyo booyadleyda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
Hargeysa, Somaliland

Comments

Popular posts from this blog

XASUUS QORKII GEES GEERIDII CIGAAL KA DIB

Xasuus Qorkii Gees Geeridii Cigaal Ka Dib Qalinkii . Maxamed Siciid Gees Samayntii Distoorka. Haddii aan halkaas kaga yara joogsano nabadayntii beelaha Soomaaliland aan wax yar ka iraahdo Dimuqraadiyentii inagoo ka bilaabayna samayntii Distoorka. Shirweynihii qaran ee Hargeysa lagu qabtay 1996waxaa barber socday Gudi ka kooban 15qof oo Shirgudoonkii shirkuu doorteen inay isku began laba distoor oo mid uu sameeyey Khabiir Soodaani ah oo markii hore loo keenay inuu la taliyo guddigii baarlamaanka ee loo magacaabay oo loo xilsaaray in ay sameeyaan distoor sidi uu Axdi qarameedkii Boorame dhigaayey. Waxaa dhacday in ay is qabteen Khabiirkii oo Madaxweyne Cigaal ku xidhnaa lagana urinayey iyo gudigiiBaarlamaanka. Sidaas darteed waxay arrintii keentay in laba distoor la soo saaro mid Khabiirkii sameeyey iyo mid Gudigii Baarlamaanku sameeyeen . Gudigaas ka koobnaa 15 qof waxay ahaayeen SH.Cabdiilaahi sh. Cali Jawhar Guddoomiye Maxamed Axmed Cabdulle Guddoomiye-ku-x

The 1969 Military Coup in Somalia. Part 1- 10. By Dr. Mohamed Rashid Sheikh Hassan. * History*

''The Military Take Over (1969 coup d'état); The Beginning of the New Era'' Forty years have passed since the military forces took over power in Somalia in a bloodless coup overthrowing the post-colonial state founded on western democratic model. I would like to assess the history and the legacy of this regime in a series of articles. The Prime Minster Mohamed Haji Ibrahim Egal was in the United States for an official visit at the time when the news of the assassination of the President, Abdirashid Ali Sharmarke reached him. The constitution of the country stated the parliament must elect a successor immediately, if such a situation arises. When the lobbying and campaigning that who would succeed the President started, it became clear that personal interests were overriding national ones and the new candidate would not be judged by his national contributions or political skills. Reports of money exchanging hands for buying voters

SABABAHA KEENA FURNIINKA QOYSKA

Iyada oo ay jiraan siyaabo badan oo keena furniinka .oo ay dad badani ku kala tageen ayaa hadana waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa dhowr sababoodoo keena furniinka . Iyada oo aanu jirin jacayl dhaba oo ka dhaxeeya lamaanaha is qaba .hadii uu jirana laba lamaane midkoodbaa mid ka kale jecel .oo mid baa ku dulman jacaylkiisa .guurkaasina waxa uu sii jirayaa uun inta uu ka niyad jabayo qofka wax jecli ka uu jecel yahay. 2. Iyada oo aan run laga sheegin haasawaha la wadaagayo guurka hortii . oo mid waliba uu kan kale u soo bandhigayo dabeecado uu ku wanaagsan yahay .isaga oo qarinaya iinta uu mid waliba leeyahay.waxaana jira arrimo uu mid waliba si gaara u sii qariyo raga iyo dumarkuba iyada oo ay jiri karaan qodobo kale hadan laban ayaa inta badan la sheegaa inay adkaato sida looga run sheegaa.(Dumarku waxa ugu wayn ee ay qariyaan waa dabeecadeeda halka ay raguna qariyaan dhaqaalihiisa ) iyadda oo ay dhici karto in labada dhinacba lagu arko labadaa dabeecadoodba