Skip to main content

Halkee ayuu ku Dambeeyey Guddidii Tacliinta Sare ee Madaxweynuhu Magacaabay


Cabdiraxmaan Cadami

Cabdiraxmaan CadamiBishii  August 2010 dhamaystirkii golaha wasiirrada ka dib Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Siilaanyo wuxuu magacaabay guddiyo (Commissions) cusub oo hor leh oo aan wax faa’iido ah u lahayn  qaranka, balse kaliya culays ku haya miisaniyadda kooban ee dalka, hase ahaatee bulshaddu waxay u riyaaqday ama loo bogay magacaabistii Guddida Tacliinta Sare oo dalku baahi weyn u qabay in la helo hay’ad si gaar ah ugu xilsaaran ilaalinta tayda Tacliinta Sare si aanay jaamacadaha Somaliland uga hoos marin heerka jaamacadaha dalalka dunida saddexaad.

Muwaadin bal dhugo sheekadan gaaban: Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Hargeysa Md. Cabdi Haybe Cilmi wuxuu ka codsaday Jaamacadda Jomao Kenyatta inay ka damiinato aqoonsiga shahaadada Jaamacadda Hargeysa (accreditation). Si ay isaga hubiyaan in la dammaanad qaadi karo, waxay soo direen wefti ka kooban Shan professor, saddex bilood oo ay Hargeysa joogeen iyo baadhitaan qoto dheer ka dib warbixin hordhaca ah waxay ku sheegeen in Jaamacaddu 60% keliya buuxisay oo ay ka hoosayso heerkii laga rabay.


Qiimayntaa waxa innooga baxay oo aannu shaki ku jirin in jaamacadaha gaarka ahina ka heer hooseeyaan kuwa ay dowladdu taageerto. Haddaba, markii la ogaaday xil-gudosho la’aanta ama tamardarida Guddida Tacliinta Sare, waxa jaamacadaha qarkood ku dhawaadeen inay noqdaan sidii meherado lagu ganacsado oo kale, sidaa daraadeed iyagoo ku tartamaya ardayda dugsiyada sare ka soo baxa iyo inay tirada ugu badan ka helaan, waxay fududeeyeen shuruudaha ardaygu ku geli karo kuliyadaha kala duwan (admission), waxa la og yahay inay aqbalanaa shahaadooyin foojari ah ama indhaha laga qarsado iyaga oo garanaya, ma dafiri karno, mana is diidsiin karno in arday aan dugsiyada sare dhamaysan ay galaan jamacadaha.

Ardayda kala mustawaha ah ee is dhex fadhida waxay dhibaato kala kulma macallimiinta, waxa kale oo ay dulmi ku tahay kuwa soo dhamaystay waxbarashada dugsiga sare ee loo soo diyaariyay Waxbarashada Tacliinta Sare.

Dhinaca kale, Madaxda iyo Maamulada Jaamacadaha iyo cid kasta oo ay khusayso Somaliland ka aqbali mayso, suurtogalna maaha in dhowr kun oo sannad kasta jaamacadaha ka soo qalinjabiya aanay waxba ka dhicin ama ka hadhin, markaa haddii xaalada Tacliinta Sare sidan ku sii socoto waxay saamayn xun ku yeelan doontaa sumcada waxbarashadda Somaliland.

Runtii waxa jira dhallinyaro si la yaab leh wax ugu bartay dalka gudihiisa oo aad u dedaalay, iyaga oo adeegsanaya tiknoolajiyada casriga ah, sida Internet-ka oo kale, laakiin waxay noqonayaan tiro yar marka loo eego kumanaanka kun ee sannad kasta jaamacadaha ka soo qalinjabiya.

Su’aal: Maxay u shaqayn waayeen Guddida loo magacaabay Tacliinta Sare?

  1. Ujeeddada loo magacaabay oo ka duwan magaca uu xambaarsan yahay oo ahayd in mansabyo ama mushahar badan loogu sameeyo qaar ka mid ah raggii qurbaha iyo dalka gudihiisaba kaga soo qamaamay madaxtooyada doorashaddii ka dib. 
  2. Qaar ka mid ah dadkii la magacabay oo kaga mashquulay danahooda gaarka ah, waxay wakhti u waayeen shaqadii guddida 
  3. Xubno ka mid ah guddida oo madax ka ah ama iska leh jaamacadaha qaarkood, sidaa awgeedna caqli gal maaha inay qiimeeyaan jaamacadaha ay tartanka ku wada jiraan 
  4. Rag ka mid ah masuuliyiinta oo iska dhowra inuu godob u galo Qaranka ama Danta guud ee ummadda 
  5. Waa Dabeecad aadamuhu iska leeyahay in aannu Guddidu ama qofku xil weyn iska saarin hawsha loo igmaday haddii aannu ka baqanayn in lagula xisaabtamayo.

Haddaba, haddii ay inaga dhab tahay in la wanaajiyo tayada Jaamacadaha dalkeenna, waxa loo baahan yahay in la raaco tallooyinkan iyo wixii kale ee lagu dari karo:-

  1. In la magacaabo dad wakhti ku filan u heli kara hawlaha guddida oo dareen u leh xilka saaran 
  2. In guddida laga saaro xubanaha madaxda ka ah Jaamacadaha dawladda iyo mulkiilayaasha kuwa gaarka ah si aanay isaga hor iman dantooda iyo danta guud 
  3. In Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare laga furo xafiis laga bixiyo caddayn ah in ardayga sitaa u qalmo ama geli karo jaamacadaha dalka 
  4. In 3 biloodba Guddidu is qiimeeyo ama la qiimeeyo waxay ka qabteen taynta Jaamacadaha.

Gabogabo: Ujeeddada qoraalku maaha in la xidho Jamacadaha dalka oo kama maarano, Ujeeddadu waxay tahay in aan laga warwareegin in ogolaanshaha laga la noqdo kuwa buuxin kari waayay 50% heerka looga baahan yahay Jaamacadaha ama u hoggaansami waaya xeerarka iyo amarada Guddida Tacliinta Sare ka soo baxa.

C/raxmaan Cadami
abdirahmanadami@yahoo.com

Source: http://jamhuuriyamedia.com/?p=3581

Comments

Popular posts from this blog

XASUUS QORKII GEES GEERIDII CIGAAL KA DIB

Xasuus Qorkii Gees Geeridii Cigaal Ka Dib Qalinkii . Maxamed Siciid Gees Samayntii Distoorka. Haddii aan halkaas kaga yara joogsano nabadayntii beelaha Soomaaliland aan wax yar ka iraahdo Dimuqraadiyentii inagoo ka bilaabayna samayntii Distoorka. Shirweynihii qaran ee Hargeysa lagu qabtay 1996waxaa barber socday Gudi ka kooban 15qof oo Shirgudoonkii shirkuu doorteen inay isku began laba distoor oo mid uu sameeyey Khabiir Soodaani ah oo markii hore loo keenay inuu la taliyo guddigii baarlamaanka ee loo magacaabay oo loo xilsaaray in ay sameeyaan distoor sidi uu Axdi qarameedkii Boorame dhigaayey. Waxaa dhacday in ay is qabteen Khabiirkii oo Madaxweyne Cigaal ku xidhnaa lagana urinayey iyo gudigiiBaarlamaanka. Sidaas darteed waxay arrintii keentay in laba distoor la soo saaro mid Khabiirkii sameeyey iyo mid Gudigii Baarlamaanku sameeyeen . Gudigaas ka koobnaa 15 qof waxay ahaayeen SH.Cabdiilaahi sh. Cali Jawhar Guddoomiye Maxamed Axmed Cabdulle Guddoomiye-ku-x

The 1969 Military Coup in Somalia. Part 1- 10. By Dr. Mohamed Rashid Sheikh Hassan. * History*

''The Military Take Over (1969 coup d'état); The Beginning of the New Era'' Forty years have passed since the military forces took over power in Somalia in a bloodless coup overthrowing the post-colonial state founded on western democratic model. I would like to assess the history and the legacy of this regime in a series of articles. The Prime Minster Mohamed Haji Ibrahim Egal was in the United States for an official visit at the time when the news of the assassination of the President, Abdirashid Ali Sharmarke reached him. The constitution of the country stated the parliament must elect a successor immediately, if such a situation arises. When the lobbying and campaigning that who would succeed the President started, it became clear that personal interests were overriding national ones and the new candidate would not be judged by his national contributions or political skills. Reports of money exchanging hands for buying voters

SABABAHA KEENA FURNIINKA QOYSKA

Iyada oo ay jiraan siyaabo badan oo keena furniinka .oo ay dad badani ku kala tageen ayaa hadana waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa dhowr sababoodoo keena furniinka . Iyada oo aanu jirin jacayl dhaba oo ka dhaxeeya lamaanaha is qaba .hadii uu jirana laba lamaane midkoodbaa mid ka kale jecel .oo mid baa ku dulman jacaylkiisa .guurkaasina waxa uu sii jirayaa uun inta uu ka niyad jabayo qofka wax jecli ka uu jecel yahay. 2. Iyada oo aan run laga sheegin haasawaha la wadaagayo guurka hortii . oo mid waliba uu kan kale u soo bandhigayo dabeecado uu ku wanaagsan yahay .isaga oo qarinaya iinta uu mid waliba leeyahay.waxaana jira arrimo uu mid waliba si gaara u sii qariyo raga iyo dumarkuba iyada oo ay jiri karaan qodobo kale hadan laban ayaa inta badan la sheegaa inay adkaato sida looga run sheegaa.(Dumarku waxa ugu wayn ee ay qariyaan waa dabeecadeeda halka ay raguna qariyaan dhaqaalihiisa ) iyadda oo ay dhici karto in labada dhinacba lagu arko labadaa dabeecadoodba