Ismanu garanayn horena iskumanu arag waxa kaliya oo aanu ku arkay aaskii Hadraawi ALLAH ha u naxariistee isaga oo daalan kabo ma uu xidhnayn xabaasha ayuu ka soo baxay oo laga soo saray markii maydka la dhigayay isaga oo aad moodo ninka dhintay in uu aabihii ahaa.
Xabaasha dusheeda ayaan taagnaa dhooqadii qoyanayd aynu walaaqaynay waxase daal xoog ahi ka muuqdaa Maayerka Burco oo ku jira xabaasha dhexdeeda.
Markan waxooga is ag taagnayn ee uu ka tagi wayay xabaashi halka madaxda kale oo dhami ay sawir ku galayeen kana laabanayeen boodhka ayan naftaydu garawsatay in aan si gaara ugu soo tacsiyadeeyo maadama marxuumku uu daganaa magaalada uu odayga ka yahay ee Burco.
Mayerka Magalada Burco (Cabdirisaaq Herro) waa nin dhalinyaro ah oo qalbi wanagsan sida iiga muuqatay ALLAH ha dhawro shaqada wanaagsan ILAHAY ha la qabto.
Comments
Post a Comment